Ilhaan Cumar oo fariin u dirtay Soomaalida ka dib guusheeda

Xildhibaan Ilhaan Cumar

Xigashada Sawirka, ILHAN OMAR/FACEBOOK

    • Author, Axmed Badar
    • Role, Weriye, BBC Somali

Ilhan Cumar ayaa mar saddexaad loo doortay xildhibaan ka tirsan Congress-ka Maraykanka.

Waxaa la tartamaysay Cicely Davis oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo u muuqda inuu hanan doono aqlabiyadda Golaha Wakiillada ee Maraykanka, iyadoo uu loolan xooggan ka taagan yahay helitaanka aqlabiyadda Golaha Senate-ka.

Waxay heshay 70% codadkii laga dhiibtay degmada ay ka tartameysay.

Doorashadan xilliga dhexe ee Maraykanka ayaa muhiim u ah siyaasadaha Aqalka Cad oo haddii xisbiga Dimuqraadiga uu lumiyo aqlabiyadda mid kamid ah golayaasha sharci dejinta, waxaa ku adkaan doona Madaxweyne Biden inuu gaaro go'aanno masiiri ah.

Ilhaan Cumar

Xigashada Sawirka, ILHAN OMAR/FACEBOOK

Maxay Ilhaan ka tiri guusheeda?

Ilhan Cumar ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay in mar saddexaad ay xilka ku guuleysato. "Aad iyo ayaan u faraxsanahay alxamdulilah waa guul kale oo ilaahey uu noo soo dhiciyay, waxaan rajeynayaa dadka kale ee walaalaheen ee tartamaya inay guuleystaan," ayay tiri Ilhan.

Ilhaan ayaa dhanka kale rajo ka muujisay in xisbigeeda Dimuqraadiga uu ku soo bixi doono aqlabiyada labada aqal.

"Waxaan filanaynaa in labada aqal ee aqalka hose iyo aqalka sare gacanta dimuqraadiga ay ku jiraan inshAllaah waan arki doonaa saacadaha soo socda meesha ay ku dhammaan doonto," ayay intaa ku dartay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ilhan Cumar ayaa farta ku fiiqday in haddii xisbigooda Dimuqraadiga uu ku guuleysto aqalbiyada labada aqal ay waxyaabo badan ka qaban doonaan arrimaha socdaalka iyo guriyaha.

"Waxyaabo badan ayaan (qaban doonaa) sida socdaalka ayaan rabnaa inaan isbadal ku sameyno, dadka sida ay ogyihiin 4 sano ee uu Trump joogay dhanka socdaalka dhaawac wayn ayuu gaarsiiyay dadkii rabay inay dad keensadaan, dadkii rabay in ay muwaadiniin noqdaan," ayay tiri xildhibaan Ilhaan Cumar. Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa xustay in labadii sano ee la soo dhaafay ay xisbiga Dimuqraadiga ku adkeyd in ay meel mariyaan isbadaladii loo baahnaa. "Labadii sano ee la soo dhaafay waxaan ka shaqeynaynay inaan isbaddel ku sameyno laakiin waxyaabo badan aya nagu adkaa sababtoo ah aqalka hoose 3 qof ayaan ku sareynay aqalka sarana aqlabiyad fiican ma aanan haysan marka insha allah haddii lambarada sida aan rabno ay noqdaan waxyaabo badan ayaan u soo dhicin karna dadka aan matalno," ayay tiri Ilhaan Cumar.

Ihaan ayaa dhanka kale bogaadisay Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota iyo sida ay u garab istaageen xisbiga Dimuqraadiga.

"waxaan rabaa maanta Minnesota doorashada ka dhacday in tusaale ay u noqto walaalaheen Soomaalida qaarkood oo mar ka hadlayay in Jamhuuriga loo codeeyo, dadkaan ma aha dad anaga wax noo tari karo ama aan ku tashan karno aad ayaan ugu mahadcelinayaa Soomaalida aqliga laheyd oo si geesinnimo leh u aamintay inaan nahay dad la garab istaagi karo anagana na garab istaagay," ayay tiri xildhiaban Ilhaan.

Waa tuma Ilhan Cumar?

Ilhaan Cumar

Xigashada Sawirka, EPA

Ilhan waxay ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee Kongreska bishii November 2016, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee Muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka Kongreska Mareykanka.

Qoyskeeda ayaa markii hore yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xildhibaan ka noqoto Kongreska iyadoo xiran xijaab.

Waxaa horay loogu eedeeyay falal Yuhuud-Naceyb ah kaddib markii ay ka hadashay Isra'iil iyo kooxaha u ololeeyo dalkaas.Waxaa xitaa dhaliilay xubno ka tirsan xisbigeeda Dimuqraadiga kadibna raaligelin ayay ka bixisay waxayna sheegtay "inay qaadatay dhaleeceynta casharna ay ka baratay ".

Ilhan ayaa sidoo kale ka hadashay falalka Islaam neceybka ah ee lagula kaco Muslimiinta, xili ay ka falcelineysay hadal uu soo qoray xubin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga isaga oo ku dhajiyay sawir muujinaya daarihii Twin Towers oo gubanaya.

Booliska ayaa ku xiray nin 55 jir ah gobolka New York, kaddib markii lagu eedeeyay inuu xafiiskeeda ku dhajiyay sawir loogu handadayo dil kaas oo uu ku sheegay inay tahay "argagixiso".