Baasaboor Soomaaliga oo mar kale isbeddel ka sameeyay liiska baasaboorrada caalamka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hay’adda Passport Index ee qiimeysa baasaboorrada caalamka ayaa cusbooneysiisay liiska ay kusoo bandhigto kala sarreynta aqoonsiga lagu safro ee waddamada adduunka.
Sida muuqata waxba iskama beddelin qeybta ugu sarreysa ee liiska, balse waxaa la arki karaa in boos kala qaadasho cusub ay ka dhacay meesha ugu hooseysa.
Baasaboorka Soomaaliya oo billowgii sanadkan u muuqday inuu sii xoogeysanayay ayaa dhowr jeer sameeyay isbeddel isugu jiray sare u kac iyo hoos u dhac.
Hadda waxa uu baasaboorka Soomaaliya mar kale sameeyay soo rogaal celin uu ugu siqayo xagga sare.
Dalalka Yemen iyo Pakistan oo baasaboorradooda uu horay uga sarreeyay midka Soomaaliya ayaa dhawaan sare u kacay, iyagoo hoos u riixay dal ku galka Soomaaliga.
Balse xogtii ugu dambeysay ee ay dhawaan shaacisay hay'adda qiimeynta baasaboorrada ee Passport Index ayaa muujineysa in baasaboor Soomaaliga uu dib u ciriirsanayo booska sare, isagoo hadda ka dul maray baasaboorka Pakistan.
Waddanka Pakistan ayaa ka mid ah dalalka kaalmaha sare uga jira liiska awoodda militeriga ee caalamka, maadaama uu heysto hubka nuclear-ka, balse Soomaaliya oo ku jirta waddamada ugu militeriga liita ayaa uga sarreysa dhinaca baasaboorka.
Waqti xaadirkan, baasaboorrada dalalka Pakistan, Ciraaq, Suuriya iyo Afghanistan ayaa ka wada hooseeya kan Soomaaliga.
Tani waxa ay ka dhigan tahay in Baasaboor Soomaaliga uu kaalinta 95-aad uga jiro liiska kala sarreynta, inkastoo waddamada qaar ay hal kaalin iskula wadaagaan wax ka badan hal.
Inta badan ma dhici jirin in liiska sanad lasoo saaro uu wax iska beddelo inta uusan sanadkaas dhammaanin ka hor, waxayna u muuqataa in arrintani ay farxad gelineyso dad badan oo Soomaali ah oo ku royoonaya in ay ku safraan baasaboorkooda oo xoogeystay.
Dhanka sare ee liiska, waxaa weli hoggaanka haya baasaboorka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo sanadkan billowgiisii ugu sarreeyay liiska, waxaana kusoo xiga baasaboorrada Jarmalka iyo Sweden.
Qiimeynta baasaboorrada waxaa lagu saleeyaa xiriirka kala dhaxeeya waddamada kale iyo tirada dalalka baasaboorkaas lagu aadi karo iyadoo aan wax fiiso ah loo qaadan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalalka fiiso la'aan lagu tegi karo baasaboorka Soomaaliya
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida aan kasoo xigannay bogagga wax ka qora arrimaha socdaalka iyo dal ku galka ee VisaIndex iyo PassportIndex, 9 waddan ayaa baasaboor Soomaali lagu tagi karaa iyadoo aan wax Visa ah la dalbanin.
Waddamadan qofka u socda waxa kaliya ee looga baahan yahay waa inuu tigidh goosto tooska ugu dhoofo. Sidaas awgeed, marka uu ka dago ayaa la siinayaa aqoonsi muujinaya joogitaankiisa.
Dalalkan ayaa kala ah:
Benin - oo ah waddan ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.
Gambia - oo ah waddan yar oo isla galbeedka Afrika ku yaalla.
Haiti - oo ah waddan ku yaalla gobolka la isku yiraahdo Caribbean oo ka tirsan Latin Ameerika.
Dominica - oo ah dal kale oo ku yaalla isla gobolka Caribbean. Balse ma aha waddanka la dhoho Dominican Republic, inkastoo ay isku gobol yihiin.
Cooc Islands - oo ah jasiirado dal sameystay oo ku yaalla badweynta Pacific. Waxa uu xiriir siyaasadeed la leeyahay waddanka New Zealand.
Malaysia - oo ah waddan ku yaalla qaaradda Aasiya. Hase yeeshee waqti xaadirkan waxaa baasaboor Soomaaliga looga mamnuucay dalkaas sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Covid-19.
Micronesia - oo ah waddan jasiirado isu tagay ah oo ka tirsan qaaradda Ociana oo dhacda dhinaca galbeed ee badweynta Pacific. Calankiisa oo xoogaa shabaha kan Soomaaliya ayaa ah buluug ay dhexda uga yaallaan afar xiddigood oo caddaan ah, shan geesoodna wada ah.
Niue - oo ah waddan jasiirad ah oo ku yaalla dhinaca koonfureed ee badweynta Pacific.
Saint Vincent and the Grenadines - oo ah waddan jasiirado ka kooban oo ku yaalla koonfurta gobolka Caribbean.












