Maxkamad Kenya ku taalla oo malaayiin lacag ah ku xukuntay dowladda Soomaaliya

Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay lacag malaayiin ah oo maxkamad ku taal Kenya ay ku xukuntay dowladda Soomaaliya.

Xukunka ayaa waxaa ridday maxkamad ku taalla magaalada Nairobi oo qaadda dacwadaha murannada sharciga.

Maxkamadda ayaa dhegeysanaysay dacwad ay shirkad ganacsiga oo dhismaha ka shaqeysa ka gudbisay dowladda Soomaaliya.

Shirkaddan oo ay leeyihiin dad Soomaali ah ayaa ku dacwooneysay in safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay uga baxday qandaraas dayactirka safaaraddeeda Naiorbi.

Xabiib Maxamed Cigaal oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa u sheegay BBC in aysan jirin wax dacwad ah oo ay ka warqabaan oo ka taal maxkamad iyo xukun lagu riday midna.

Waxa uu sheegay in warkaas maxkamada ay warbaahinta uun ka arkeen. Waxa uu intaas ku daray in aysan jirin shirkad dhisme oo heshiis af iyo mid qoraalba ay dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda dacweyeysa, isaga oo xusay in aysan jirin wax xukun ah oo lala socodsiiyay iyo lacag magdhow ah oo laga filanayo inay bixiyaan.

Maxkamadda ayaa shirkadda dhismaha ka shaqeysa u xukmisay in lacag dhan Sh23m ay ka dalban karto dowladda Soomaaliya.

Maxay shirkaddu ku eedeysay dowladda Soomaaliya?

Shirkaddan ayaa sanadkii 2019 safaaradda Soomaaliya ee Kenya kusoo oogtay dacwad ka dhan ah jebinta qandaraas ku aaddan dayactirka safaaradda, oo ay wada galeen toddoba sano kahor.

Xaakimka Alfred Mabeya ayaa u oggolaaday shirkadda dhismaha ee Kingsley Construction Limited in lacag dhan Sh23m,493,003 ay ka dalbato dowladda Soomaaliya.

Markii uu xukunkan dhacayay dowladda Soomaaliya kuma aysan sugneyn maxkamadda, iyadoo maxkamaddu ay sheegtay in inkastoo loo diray waraaqaha maxkamadda haddana dowladda Soomaaliya ay ku guul darreysatay inay goobjoog ka ahaato xukunka.

Shirkaddan dhismaha ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay qandaraaska dayactirka safaaraddeeda Nairobi la gashay sanadkii 2016.

Qiimaha dayactirka ayaa markaas ku kacayay lacag dhan Sh53.5m, sida ay sheegtay shirkaddu.

Shirkadda Kingsley ayaa sheegtay in heshiiskan qeyb ka mid ah ay qorneyd, halka qeybta kalena ay ahayd heshiis afka ah.

Waxay shirkaddu maxkamadda u sheegtay in safaaraddu ay jebisay heshiiska una diidday shaqaalaha shirkadda inay bilaabaan mashruuca iyo inay bixiso lacagtii harsaneyd oo Sh23.4 milyan ahayd.

Safaaradda Soomaaliya ayaa sanadkii 2020 lagu sameeyay dayactir, waxaana markii dib loo furay isla sanadkaas xarigga ka jaray wasiirkii arrimaha dibadda xilligaas Axmed Ciise Cawad.

Shirkadda ayaa sheegtay in safaaradda ay qandaraaska ka baxday iyadoo aan wax ogeysiis ah bixin.

Kingsley ayaa sheegtay in bishii November ee sanadkii 2021 ay waraaqaha maxkamadda ay dowladda Soomaaliya ugu dirtay shirkadda DHL.

Xaakim Mabeya ayaa sheegay in markii maxkamaddu aragtay caddeynta iyo risiidka ay warqadda ku dirtay shirkadda ay u xukmisay in lacagta ay ka dalbato dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga baahnaa xilligaas inay 14 maalmood gudahood uga jawaabto warqadda maxkamadda, sida uu xaakimku sheegay.

Shirkaddan dhismaha ayaa markii hore dacwad kusoo oogtay safaaradda Soomaaliya ee Kenya, bishii July sanadkii 2020, balse waxaa loo sheegay in safaarad aanan la dacweyn karin.

Maxkamadda ayaa shirkadda u sheegtay inay dacweyn karto dowladda Soomaaliya, balse aysan u furneyn inay dacweyso safaaradda.

Shirkadda Kingsley ayaa kaddib wax ka beddeshay dacwaddeeda, iyadoo dacwaddeeda kusoo oogtay dowladda Soomaaliya.