Shan siyaabood oo uu ku sii socon karo dagaalka Ukraine sanadka 2023

Dagaalka Ukraine ayaa u muuqda inuu galayo sanadkii labaad, waxaana wax ka weydiinaynay dagaalka dad kala duwan oo ka faallooda arrimaha militeriga gaar ahaan sida ay u arkaan dagaalka dhici doona sanadka 2023-ka.

Ma laga yaabaa in dagaalka uu soo gabagaboobo sanadka soo socda ama labada dhinac miiska wadahadalka ayay isugu imaan doonaan? mise waxaa laga yaabaa in dagaalka uu galo sanadka 2024?

'Weerarka xilligga gu'ga ee Ruushka muhiimka u ah'

Michael Clarke,waa agaasime ku xigeenka mac-hadka istaraatiijiyadda Exeter ee ku yaalla UK.

Napoleon, Hitler iyo Stalin dhammaantood waxay ku qasbanaadeen inay ciidamadooda ay dagaalka qaadaan xilligga qaboobaha, sidaas si lamid ah, Vladimir Putin wuxuu abaabulayaa ciidamadiisa xilligga qaboobaha xilli loo diyaargaroobayo duullaan cusub oo uu Ruushka qaado.

Labada dhinacba waxay u baahan yihiin inay dagaalka joojiyaan, laakiin Ukraine ayaa si fiican u qalabaysan taasoo keeneysa inay dagaalka sii wadaan, waxaa laga filan karaa inay sii wadaan dagaalka gaar ahaan howlgalka gobolka Donbas.

Marka la fiiriyo deegaannada qaar, Ukraine waxay horumarro ka sameynayaan agagaarka deegaannada kala ah Kreminna iyo Svatove.

Waxaa weli socdaa dagaalka Ukraine iyadooo aan meesha laga saari karin in Ukraine ay qaaddo guluf hor leh.

Sanadka 2023, tallaabada horseedi karto go'aan ah in Ruushka uu qaado weerar xilligga gu'ga, Putin waxa uu qirtay in ilaa 50,000 oo ka mid ah ciidamada cusub ee la soo ururiyey ay horeba u joogeen safka hore; 250,000 ee kale ee kuwa hadda la soo ururiyey waxay tababarayaan sanadka soo socda.

'Ukraine dib ayay ula wareegi doontaa dhulkii laga qabsaday'

Andrei Piontkovsky, waa falaanqeeye ahna seynisyahan fadhigiisu yahay Washington DC, wuxuu qabaa in Ukraine ay ku guulaysan doonto in ay si buuxda gacanta ugu soo dhigto dhulkeeda marka la gaaro gu'ga 2023 , laakiin labo arrimood ayaa xoojinaya arrintaas.

Mid waa dhiirrigelinta, go'aanka iyo geesinnimada ay muujinayaan militeriga Ukraine iyo guud ahaan qarankaba-waana taallaabo aan horey arag taariikhda dalkaas.

'Uma muuqdo in dagaalka uu soo afjarmayo'

Barbara Zanchetta, waxay ka tirsan tahay qeybta darasaadka dagaallada ee Jaamacadda King's College ku taalla London.

Madaxweyne Vladimir waxa uu filayey in Ukraine ay aqbasho ficillada dalka deriska la ah ee ka awoodda badan, iyada oo dalal kale aysan ku lug laheyn Xisaab-la'aantaas weyn waxay horseedday colaad daba-dheeraatay, iyadoo u muuqata mid aan dhammaad lahayn.

Xilligga qaboobaha wuxuu noqon doonaa mid adag, sida weerarrada Ruushka ee xarumaha muhiimka ah ee Ukraine waxay isku dayi doonaan inay niyad jebiyaan shacabka si uu meesha uga baxo dulqaadka ay muujinayaan, shacabka Ukraine dulqaad iyo adkeysi ayay muujiyeen, welina wuu garab taagan yihiin ciidamadooda, dagaalkana wuxuu u muuqdaa mid sii socon doono.

Wax war ah lagama hayo rajada laga qabo in wadahadallo lagu soo afjaro dagaalka, waxaa muhiimka ah in hal dhinac ay ka go'naanto nabadda balse ma jirto wax caddeyn ah oo ku aaddan arrintaas.

'Ma jirto natiijo kale oo aan ka aheyn guuldarrada Ruushka'

Ben Hodges, taliye hore oo ka tirsanaa ciidamada Mareykanka ee Yurub joogay. Wuxuu leeyahay, waa xilli hore in xukuumadda Kyiv ay dagaalka guul ka gaarto, Ukraine waxay waddaa dardargelin ku aaddan arrintaas, wax shaki ah kama qabo in Ukraine ay ku guuleysan doonto dagaalkan, malaha 2023.

Howlgallada ayaa si tartiib ah u socon doona xilliga jiilaalka, wax shaki ah iigama jiro inay wiiqi doonaan kuwa Ruushka maaddama ay heystaan qalabka u adkeysan kara qabowga ee laga keenay UK, Canada iyo Jarmalka.

Marka la gaaro bisha January, Ukraine waxay awood u yeelan kartaa inay billowdo wajigii ugu dambeeyay ee dagaalka kaas oo ah xoreynta gobolka Crimea, sida aan ognahay Ruushka wuxuu isaga baxay gobolka Kherson.

'Filo waxyaabo badan oo isku mid ah'

David Gendelman, waa khabiir dhanka militeriga ah fadhigiisu yahay Israa'iil. Kaliya kala bar ciidamada Ruushka ee 300,000 ee heeganka la geliyay ayaa ku sugan aagga dagaalka, inta soo hartayna waa ciidamadii isaga baxay gobolka Kherson, waxay tallaabooyinkan Ruushka fursad u siinayaan inay qaadaan weerarro hor leh.

Ruushka wuxuu sii wadaa dadaallada uu ku qabsanayo deegaannada dhaca gobollada Luhansk iyo Donetsk, laakiinse aad uma badno tallaabada uu Ruushka kula wareegayo dhinaca Koonfurta Pavlograd si uu isugu hareereeyo ciidamada Ukraine.