Waa kuma Nabiil Al-Carabi, ninkii doorka ku lahaa heshiiskii caanka ee Camp David oo geeriyooday?

Ambassador Nabil Al-carabi oo ahaa Xoghayihii Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, ahaana Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Masar, ayaa geeriyooday isagoo da’diisu tahay 89 sano jir, ka dib markii uu muddo la daalaa dhacayay xanuun.

Ninka ayaa ahaa diblomaasi ruug cada ah gudaha Masar,dunida carabta iyo caalamkaba si weyn looga yaqaanay.

May 15, 2011, Nabil Elaraby ayaa loo doortay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, isagoo beddelaya Amr Moussa, wuxuuna xilka sii hayay shan sano oo xiriir ah ilaa Juun 30, 2016.

Mudadii uu Al-Carabi ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta waxa ay ahayd Marxalad xasaasi ah oo soo marta Taariikhda Ururka Jaamacadda Carabta, iyadoo ay ku soo beegantay khilaafaadyo ka dhashay dalal badan oo Carbeed oo loogu magac daray Kacdoonkii Carabta. Mudadii uu xilka hayay, waxay Jaamacadu qaadatay go’aankii ahaa in la dhiso ciidamada isku dhafka ah ee Carabta bishii March 2015, go’aankaas oo aan weli dhaqan gelin.

Markii uu sii baahay colaadda iyo muranka siyaasadeed ee gobolka Carabta, Al-Carabi waxa uu la taliye u noqday dowlado dhowr ah oo ku saabsan arrimaha gar-qaadista, oo ay ku jirto dowladda Suudaan, oo kaalmo weydiistay Nabiil Al-Carabi si uu ugu gar-qaado xudduudaha. Gobolka Abyei ee u dhaxeeya Dowladda Suudaan iyo Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Suudaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa u baroor diiqday wasiirkii hore, iyadoo ku ammaantay "doorka weyn ee qaran ee uu ka ciyaaray gar-qaadka caalamiga ah ee soo celinta dhulka qaaliga ah ee Taba si loo soo celiyo madaxbannaanida Masar," iyadoo ku nuuxnuuxsatay "wuxuu ka hadlay arrimo kala duwan oo leh yoolka ugu sarreeya ee lagu gaari karo. difaaca danaha Masar”.

Waa Kuma Nabiil Al-carabi?

Nabil Cabdullaahi Al-Carabi, wuxuu ku dhashay magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar bishii March 15 kedii sanadii 1935-kii

Waxa uu ka qalin jabiyay kuliyadda sharciga ee jaamacadda Qaahira, waxa uu shahaadada doctorate-ka ee cilmiga garsoorka ka qaatay kuliyadda sharciga ee jaamacadda New York.

Waxa uu la-taliye dhinaca sharciga u noqday ergadii Masar intii lagu jiray shirkii nabadda ee Camp David 1978-kii, isaga oo qayb weyn ka qaatay wada-hadalladii Masar iyo Israa’iil, kuwaas oo lagu tilmaamay mid xasaasi ah wakhtigaas.

Dhammaadkii wada xaajoodyadaas ka dib, Al-Carabi waxa uu noqday danjiraha Masar ee Hindiya intii u dhaxaysay 1981-1983, ka dibna waxa loo magacaabay wakiilka joogtada ah ee Masar u fadhiya Qaramada Midoobay ee Geneva 1987 ilaa 1991, ka hor intii aanu u wareegin New York 1991kii ilaa 1999kii.

Al-Carabi, waxa uu sii watay wakiilnimadiisa caalamiga ah ee Masar, isagoo garsoore ka soo noqday Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda intii u dhaxaysay 2001 ilaa 2006, halkaas oo uu ka mid ahaa guddigii xaakinnada ahaa ee soo saaray go’aan bishii June 2004 lagu cambaareeyay derbiga kala go’a ee ay Israa’iil dhistay oo sharci darro ah. .

Waxa uu sidoo kale kaalin sare ku lahaa wada-hadaladii shir Madaxeedkii Taba ee u dhexeeya Masar iyo Israa’iil sanadkii 2001-dii.

Nabil, waxa uu ka mid ahaa koox ilaa 30 qof oo Masari ah oo magac sare leh oo u shaqaynayay isku xirkii u dhexeeyey mudaharaadayaasha iyo dawladda, isla markaana cadaadis ku saarayay in xilka laga qaado Madaxweyne Xusni Mubaarak.

6-dii Maarso 2011-kii , waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar golaha wasiirada ee Essam Sharaf ee kacdoonkii Masar.

Wuxuu door ku lahaa furitaanta isgoyska Rafax ee Qasa, isagoo dhexdhexaadin uu sameeyey heshiisiiyey Xamaas iyo Fatah.