You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Daraasad: Jimicsiga oo xal u noqon kara nooc ka mid ah kansarka
Barnaamij jimicsi oo loogu talagalay bukaanada qaba kansarka mindhicirka ayaa hoos u dhigi kara halista dhimashada ilaa saddex meelood meel, sida lagu ogaaday daraasad ballaaran oo caalami ah .
Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in jimicsigu uusan ahayn mid badan oo adag, islamarkaana nooc kasta oo jimicsi ah, ha ahaado dabaal, ama jimicsi kale uu shaqayn karo oo anfici karo bulshada.
Natiijooyinkani waxay beddeli karaan sida kansarka mindhicirka loo daweeyo caalamka oo dhan.
Saynisyahannadu durba waxey baarayaan in barnaamijyo jimicsi oo la mid ah kan ay kordhin karaan fursadaha ay ku badbaadi karaan dadka qaba cudurro kale, sida kansarka naasaha.
"Waa wax yar oo maskaxda laga beddelayo, in daawayntu noqoto wax aad sameyso, ee aysan kaliya ahayn wax aad qaadato," ayay tiri Prof Vicky Coyle oo ka tirsan Jaamacadda Queen's ee Belfast.
Daraasadda, barnaamijka jimicsiga oo socotay saddex sano ayaa la bilaabay wax yar kadib marka la dhammeeyay walxo kiimiko ah oo loo adeegsado daweynta cudurrada qaar gaarahaan kansarka.
Ujeeddadu waxay ahayd in dadka lagu dhiirrigeliyo inay sameeyaan ugu yaraan laban laab jimicsiga lagula taliyay guud ahaan bulshada.
Taasi waxay noqon kartaa saddex ilaa afar jeer oo socod degdeg ah toddobaadkii, mid kasta oo ka mid ahna uu qofku soconayo 45 ilaa 60 daqiiqo, sida ay sheegtay Prof Coyle.
Dadka ka qaybgalay waxay heleen tababar toos ah oo toddobaadle ah lixda bilood ee ugu horreysa, ka dibna waxay ka dhigeen hal mar bishii.
Daraasaddan oo ay ka qaybgaleen 889 bukaan ayaa kala bar lagu daray barnaamijka jimicsiga, halka kala bar la siiyay warqado wacyigelin ah oo ku saabsan nolol caafimaad leh.
Natiijooyinka, oo lagu daabacay New England Journal of Medicine, ayaa muujiyay shan sano kadib:
- 80% dadka jimicsiga sameeyay ayaa ka badbaaday kansarka oo aanu ku soo noqon,
- marka la barbardhigo 74% kooxda kale.
- Tani waxay ka dhigan tahay in halista uu kansarku ku soo noqdo, ama mid cusub uu samaysmo, ay hoos u dhacday 28%.
- Dhanka kale, siddeed sano kadib daaweyntii ugu horreysay ee kansarka:
- 10% dadka ku jiray barnaamijka jimicsiga ayaa geeriyooday, marka la barbar dhigo 17% kooxda la siiyay talo caafimaad oo keliya.
- Tani waxay muujinaysaa in halista dhimashada ay hoos uga dhacday 37%.
Sida saxda ah sababta jimicsigu u leeyahay saameyntan wanaagsan lama yaqaan, balse fikradaha la helay waxay ka mid yihiin: saamaynta uu ku leeyahay hormoonnada koritaanka, heerarka bararka jirka ku jira, iyo sida uu u shaqeeyo nidaamka difaaca jirka, kaas oo la falgala jirka si uu uga hortago kansarka.
Dr Joe Henson oo ka tirsan Jaamacadda Leicester ayaa sheegay in natiijooyinku yihiin "kuwa xiiso leh."
Wuxuu intaas ku daray: "Anigu si toos ah ayaan u arkay inuu yareeyay (Jimicsigu) daalka, kor u qaaday niyadda dadka, isla markaana tamar siiyo jirkooda.
"Waxaan ognahay in dhaqdhaqaaqa jireed uu xakameeyo dhowr hannaan oo muhiim ah kuwaas oo laga yaabo inay sharraxaan natiijooyinkan, waxaana cilmi-baaris dheeraad ah naga caawin doontaa inaan fahanno sababta uu jimicsigu u leeyahay saameyn togan oo intaa le'eg."
Kansarka mindhicirka waa kansarka afaraad ee ugu badan UK, iyadoo ku dhowaad 31,800 qof la ogaado sanad kasta.
Caroline Geraghty oo ka tirsan Cancer Research UK ayaa tiri: "Daraasaddan waxay awood u leedahay inay beddesho habka daawaynta caafimaadka, balse taasi waxay suurtogal noqon kartaa keliya haddii adeegyada caafimaad ay helaan maalgelin iyo shaqaale ku filan si ay uga dhigaan mid dhab ah oo la gaarsiiyo bukaanada."