You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Al-Shara oo iska fogeeyay muran ka dhashay haweenay uu ka codsaday inay timaha asturato kahor inta uusan sawir la galin
Taliyaha guud ee maamulka cusub ee Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa iska fogeeyay dood ka socotay baraha bulshada, kana dhalatay muuqaal muujinaya isaga oo gabar dhalinyaro ah oo doonaysay inay sawir la gasho u sheegaya inay timaha daboolato kahor inta uusan sawirka la galin todobaadkii hore.
Dhacdada oo hadal hayn dhalisay ayaa siyaabo kala duwan loo falaqeeyay, dadka ka faalooda arimaha libaraalka waxa ay ku tilmaameen in tani tahay mid la dhaleeceeyay, halka kuwa muxaafadkana ay taageereen, waxa ayna dhalisay hadal hayn ku saabsan jihada mustaqbalka dalkaas oo ay xukunka qabsadeen kooxaha mucaaradka hubaysan.
Libaraalka ayaa codsiga hogaamiyaha Hay'at Taxriir al-Sham u arkay mid muujinaya in laga yaabo inuu doonayo in uu ku soo rogo maamul islaami ah Suuriya ka dib markii uu dhacay xukunka Assad, halka muxaafidka mayalka adag ay ku dhaleeceeyeen inuu aqbalay in uu goob fagaare ah sawir kula galo dumarka markii ugu horeysay.
Al-Sharaa oo wareysi siiyay tifaftiraha caalamiga ah ee BBC Jeremy Bowen ayaa yiri: "Aniga kuma qasbin, tani waa xorriyadeyda shaqsiyeed, waxaan jeclahay in aan qiyaaso habka igu habboon."
Haweeneyda oo lagu magacaabo Leah Khairallah ayaa sheegtay in uusan dhibin codsigaas.
Waxay sheegtay inuu codsiga u waydiistay si "dabacsan oo aabbenimo ah," waxayna aaminsan tahay in "hoggaamiyuhu xaq u leeyahay inuu u muuqdo sida uu u arko inay ku habboon tahay."
Dhacdadaan ayaa loo arkay mid muujinaysa qaar kamid ah dhibaatooyinka uu la kulmi karo hoggaamiye kasta oo mustaqbalka maamulaya Suuriya si uu u mideeyo dalkaan ay dadkiisu kala diin duwanyihiin.
Suuriya, Muslimiinta Sunniga ah ayaa ah dadka ugu badan, inta soo hartayna waxay u kala qaybsan yihiin Masiixiyiin, Calawiyiin, Druze, iyo Ismaaciiliyiin.
Waxaa sidoo kale jira aragtiyo kala duwan oo ay qabaan kooxaha kala duwan ee siyaasadda iyo kuwa hubeysan ee ka soo horjeeday Bashaar Al-Asad, qaarkood waxay rabaan dimoqraadiyad cilmaani ah halka qaar kalena ay rabaan in lagu xukumo shareecada Islaamka.
Hay'at Taxriir al-Sham, oo hore uga tirsanaan jirtay Al-Qaacida, ayaa markii hore sharciyo adag ku soo rogtay hab dhaqanka iyo labiska markii ay la wareegtay gacan ku haynta gobolka Idlib sannadkii 2017-kii.
Diinta Islaamka ayaa dadka faraysa inay xirtaan dhar astur u ah oo ku habboon.
Caqiidada Islaamka ayaa sharxaysa in ragga ay dabooshaan inta u dhaxeysa xudunta iyo jilbaha, sidoo kalena dumarka ay asturaan dhamaan jirkooda marka laga reebo wejiga iyo gacmaha inta ay la joogaan ragga aan muxrimka u ahayn iyo kuwa qaba.
Leah Khairallah ayaa weydiisay inay sawir la gasho Al-Sharaa, oo sidoo kale loo yaqaano Abuu Muxamed Al-Julaani, xilli uu ku socdaalayay agagaarka Mezzeh ee Dimishiq 10-kii December.
Inta uusan Al-Sharaa aqbalin sawirka ayuu u tilmaamay in ay timaheeda daboosho, waxa ayna u hoggaansantay arrinkaas iyada oo madaxa ku daboolatay koofiyadda funaanadda ay xirnayd, ka dibna soo ag istaagtay ula gasho sawirka.
Muuqaalo iyo sawiro badan oo dhacdadan ku saabsan ayaa lagu faafiyay baraha bulshada, taas oo caro ka dhex dhalisay isticmaalayaasha caadiga ah iyo dadka ka faallooda warbaahinta.
Dadka qaba aragtida xorta ah ama kuwa aan muxaafidka ahayn waxay dhacdada u arkeen inay tahay waxa laga filan karo mustaqbalka Suuriya ee hoos imaanaya Ha'at Tahrir al-Sham.
Kanaalka Carabiga ee France 24 ayaa dhacdadaan baahiyay waxa uuna cinwaan uga dhigay waydiin ah in Suuriya ay "u dhaqaaqday dhanka xukunka Islaamka."
Koox Islaami ah oo barta Telegram-ka qoraal ku daabacday ayaa dhaleecaysay in Al-Sharaa uu markii hore ogolaaday inuu sawir la galo gabar yar.
Dadka aragtiyada dhiibanayay ayaa qaarkood waxa ay u muuqdeen kuwo gabadha dhaleecaynayay iyaga oo ku tilmaamayay inaysan habboonayn in qof dumar ah ay sidaas ugu dhawaato nin aan qabin ama ehelkeeda dhaw ahayn.
Qoraal la soo dhigay kanaal Telegram ah oo lagu magacaabo "From Idlib" ayaa lagu sheegay in hogaamiyaha HTS uu "aad ugu mashquulsanaa sidii uu gabdhaha da'da yar sawir ula gali lahaa".