Dagaal miyuu horseedi karaa khilaafka soo cusboonaaday ee Itoobiya iyo Eritrea?

Hadalada ka soo baxay madaxda Itoobiya iyo Eritrea waxaa ku jiray erayo horseedi kara in labada dal dagaallamaan.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in dagaal uu markasta qarxi karo kaddib markii Itoobiya ay dirtay dalab ay ku dooneyso badda Cas.

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed waxa uu markii hore sheegay in arrinta la xiriirta dekadda ay aheyd labo sano karo.

Taliyaha ciidamada Itoobiya janaraal, Marshal Berhanu Jula, ayaa dhawaan sheegay in Itoobiya aysan heleynin bad taas oo muujineysaa in dagaal dhici karo.

Dakadda Cassab waa mid ka mid ah dakadaha Eritrea ee u dhow Itoobiya, waxay xadka labada dal u jirtaa 60 kiilomitir. Ilaa markii Eritrea ay ka go'aday Itoobiya waxay aheyd dal aan bad laheyn.

Khilaafka dhanka xuduuda ah ee u dhexeeyay labada dal ayaa keenay dagaalkii dhaxmaray labada dal kaas oo ay ku dhinteen dad ka badan boqol kun.

Xiriirka labada dal ayaa wanaagsanaaday kaddib xiisad muddo dheer u dhexeysay taas oo ku timid markii raysalwasaare Abiy iyo madaxweyne Isaias Afwerki ay heshiis gaareen.

Horaantii sanadkan ayuu raysalwasaare Abiy Axmed sheegay in Itoobiya ay weyday dakadeeda kaddib markii ay Eritrea xorriyad qaadatay, wuxuuna ku sheegay in ay aheyd "khalad berito la sixi karo".

Safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya, janaraal Bacha Debele, ayaa ku tilmaamay dakadda Cassab in ay tahay "Dhexal Itoobiya", wuxuuna sheegay in "xoog lagu soo celinayo".

"Su'aashu ma ahan in aan anaga leenahay Cassab ee waa sidee ayaan dib ugu soo ceshan karnaa".

Taliyaha ciidamada Itoobiya ayaa hore ugu sheegay saraakiil sare in ay weerarayaan dalalka Itoobiya u diidan in ay bad hesho, wuxuuna si dadban u sheegay Eritrea.

Ciidamada Eritrea ayaa u digay Itoobiya

Itoobiya dhowr jeer ayey ku celcelisay in ay dooneyso badda Cas balse jawaabta ay Eritrea ka bixsay way xadidneyd oo waxay aheyd fariimo kooban oo uu soo dhigay Facebook wasiirka warfaafinta Mane Gebremeskel.

Wasiirka oo diiday dalabka Itoobiya ee ah in ay badda hesho ayaa ku tilmaamay "khatar" iyo in ay tahay "qorshe sumeysan".

Wasiirka waxa uu ku tilmaamay tallaabada Itoobiya "weerar cad", wuxuuna ka digay cawaaqibka ay ku yeelaneyso Itoobiya iyo dariskeeda. Wasiirka waxa uu muujiyay in arrintaas ay tahay "khad cas oo aan la soo dhaafikarin". Eritrea waxay madaxda Itoobiya uga digtay in ay shacabka dagaal lugaha u gelin.

Howlgallada militeriga

Ma jiraan warar sheegaya in dhaqdhaaq militeri uu ka socdo xadka u dhexeeya labada dal. Balse telefishinka Itoobiya ee ETV waxa uu joogto u soo daayaa kumanyaal askar dhawaan la qoray oo qalinjabinaya.

Ciidamada sidoo kale waxay soo bandhigeen qalab militeri oo cusub oo ay ku jiraan taangiyo iyo gawaarida gaashaaman.

Ilaa hadda dhanka Eritrea lagama maqal jawaab militeri. Wadanka weli waxa uu wadaa dhallinyarada loo qorayo shaqada qaran iyadoo kumanyaal rag da' yar ah iyo haween la tababarayo.

Ololaha warbaahinta Itoobiya

Wabaahinta dowladda Itoobiya ayaa hadalka dowladda sii xoojineysa iyagoo warinaya in Itoobiya ay si sharcidarro ah ku lumisay badeeda, muddo aan dheereyna dib ayaa loo soo celinayaa.

Intaa waxaa dheer oo TV-ga soo bandhigaa ciidamo dhawaan dhameeyay waxbarashada iyo dibadbaxayaal sita hal ku dhigyo ay ku qoran yihiin "biyo-xireenka ilaa iyo badda", "Fikradu waa anagaa leh", "Fikradu waa Itoobiyaannimo".

Warbaahinta Eritrea

Warbaahinta qaranka Eritrea ayaa qoreysay cinwaano iyo fikrado ku eedeynaya Itoobiya "in ay marin-habaabineyso caalamka iyagoo soo celinaya arrimo tobannaan sano ka hor xal laga gaaray".

Mid ka mid ah maqaallada ay warbaahintu daabaceen ayaa ku eedeynayay dowladda Itoobiya in ay isku dayeyso dagaal ka dhex bilowda labada dal iyagoo " soo kicinaya arrin si sharci ah lagu xaliyay".

Qoraal ay wasaaradda warfaafinta qortay ayaa lagu sheegay in Eritrea aysan mas'uul ka aheyn caqabada haystsa Itoobiya.

In dagaal dhaco suuragal ma tahay?

Inkastoo markii u dhamaaday dagaalkii Tigray ay arrinta u muuqatay mid hoos u dhacday hadana waxaa sii qarxay dagaallada ay dowladda kula jirto kooxaha gobolada Axmaarada iyo Oromada.

Xiisada gobolka Tigray waa mid weli kacsan iyadoo heshiiskii lagu gaaray Pretoria ee u dhexeeyay dowlada iyo TPLF aanan si fiican loo dhaqan gelin.

Gobolka Cafarta ayaa ku eedeeyay ciidamada Tigray in ay weerareen degmada Tonsa Kebella iyagoo sheegay in ay 15 kiilomitir gudaha u soo galeen oo ay la wareegeen "lix tuulo".

Xafiiska Nabadgalyada iyo Amniga gobolka Tigray way beeniyeen eedahaas iyagoo sheegay, "Weerar ma qaadin, dhulna ma qabsan".

TPLF waxay bishan nofember sheegeen in dowladda federalka ay fulisay weerar drone oo lagu qaaday xadka Cafarta kaas oo ay ku dhinteen dagaalyahano iyo rayid.

Hadii dagaal ka dhex qarxo TPLF iyo dowladda, suuragalnimada in Itoobiya iyo Eritrea dagaallamaan waa mid sareysa.

Addis Ababa waxay ku eedeysa Eritrea in ay taageerto ciidamada xagjiriinta ee ka horjeeda dowladda Itoobiya.