Dhegeyso: Nin sannad kasta qurbaha uga yimaada inuu Ramadanka quudiyo dadka dhimirka ka xanuunsan
Dhegeyso: Nin sannad kasta qurbaha uga yimaada inuu Ramadanka quudiyo dadka dhimirka ka xanuunsan
Maxamed Xuseen Jagac, oo ah nin Qurbo joog ah, waxa uu sannad walba ka yimaadaa Magaalada London, isaga oo Magaalada Hargeysa u taga inuu caawiyo oo raashin bisil u siiyo dadka la nool xanuunka Maanka.
Ujeedada Maxamed ayaa ah madaama Xilliyada Ramadaanka ah ay xidhan yihiin makhaayadaha cuntada ee wax siin jiray, in aysan dadkaas baahan.
Haddaba, ninkan oo waddooyinka Hargeysa, wareegga isaga oo wata Gaadhi raashinkan saaran yahay si uu u gaadhsiiyo dadkaas xanuunsanaya, ayaa waxa kula kulmay badhtamaha Hargeysa goor duhurnimo ah Weriye Saleebaan Saxansaxo, oo kala sheekaystay hawshan uu isu xil qaamay iyo dhacdooyinka uu la kulmo


