You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wax ka ogow SSC-Khatumo iyo meelaha kale ee laga bilaabayo diiwaangelinta doorashada goleyaasha deegaanka Soomaaliya
Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka iyo xadduudaha ee Soomaaliya ayaa sheegay xilliga rasmiga ah ee ay bilaabayaan diiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka ay doonayaan inay ka qabtaan Soomaaliya.
Sida uu BBC-da u sheegay Guddoomiyaha Guddigga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, diiwaan gelinta dadweynaha ee doorashada goloyaasha deegaanka ayey maalinta Talaadada ee bari ka bilaabayaan qaybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Wuxuu xusay in tallaabadaasi ay u arkaan mid taariikhiya oo ay dadka fursad u siiyaan inay doortaan wakiiladooda u adeegaya muddo 50 sano ka badan.
Guddoomiye Cabdikariin ayaa xusay in ay guddi ahaan awood u leeyihiin qabashada doorashada oo ay u dhamaystiran farsamo ahaan iyo wixii ay u baahnaayeen inay ku qabtaan diiwaangelinta iyo doorashadaba.
Waa kuwee degmooyinka Banaadir ee lagu bilaabayo?
Guddoomiyaha Guddigga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, oo la hadlay BBC-da ayaa xusay in ilaa toddobo degmo oo ka mida dhowr iyo tobanka degmo ee gobolka Banaadir ayey diiwaangelintu ka bilaabaynaysaa 15 bishan April oo bari talaada ah ku beegan.
"Degmoyinka gobolka Banaadir oo dhan waan ka bilaabaynaa laakiin marka waxaan ka bilaaaynaa xaafadaha Shingaani, Shibis, Xamar weyne, Xamar Jajab, Waaberi, Cabdicasiis iyo Boondhere,"ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin.
Wuxuu intaa raaciyey in degmada Shingaani ay noqon doonto tan ugu horreysa ee laga bilabaayo maadaamada ay taariikh ahaan taahay degmadii ugu horreysay ee degmo noqota gobolka banaadir sida uu BBC-da u sheegay guddoomiye Cabdikariim.
Maamul-goboleedyada laga bilaabayo diiwaangelinta
Degmooyinka maamul goboleedyada Hirshabeele, Koonfur-galbeed iyo qeybo ka mid ah Jubaland ayaa iyana laga qaban doonoaa diiwaangelinta dadweynaha sida uu BBC-da u sheegay Guddoomiyaha Guddiga doorashada ee Soomaaliya.
Sidaas oo kale SSC-Khaatumo ayaa ka mid ah meelaha laga qabanayo diiwaangelinta dadweynaha ee doorashada goloyaasha deegaanka iyadoo Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu booqashadii ugu horreysay ee Raysal wasaare ku tago Laascaanood.
Qorshaha diiwaangelinta dadweynaha ayaa ka socon doono guud ahaan goobaha ay ka samaynayaan guddigu diiwangelinta muddo 30 maalmood ah.
Mar BBC-du su'aal ka waydiisay Guddoomiyaha sida ay u hirgaleniyaan doorashada iyadoo ay maamullada qaarkood iyo madaxda mucaaradkuba ka horyimaadeen doorasho qof iyo cod ah ayuu yiri " annagu farsamo ayaan nahay ma lihin siyaasadda waxaa leh dowladda, waxaan guddi madaxbannaan marka annagu shaqadii na loo diray oo ahayd inaan diwaan gelino ururada, dadka Soomaliyeed diiwaangelino, ururadii soo baxa oo shuruucdii loogu talagay habraacyadii soo galanana na aan siino shahaado isla markaana ay noqdana ururada xaqa u leh inay ku tartamaan goloyaasha deegaanka wixii siyaasad waxa iska leh xukuumada iyo dowladda Soomaaliya"
Diiwangelintan ayaa ah mid khusayda doorashada goloyaasha deegaanka basle sida uu xusay guddoomiye Cabdikariin tan heerarka labaad ee baarlamaanada maamullada iyo madaxweyneyasha heer maamul iyo heer federaal ayuu sheegay inay qaban doonaan marka laga heshiiyo.
Meelaha uu xusay guddoomiyaha guddiga doorashada ee Soomaliya inay ka qabanayana diiwaangelinta waxaa ka mid ah maamulka Jubaland oo khilaaf adag uu kala dhaxeeya dowladda Soomalida, halka iyo meelaha maamulka ka tirsan ee ay diiwaangelinta ka samaynayaan oo BBC-du waydiisay ayuu tilmaamamay
"Maamulka Jubaland waa saddex gobol, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo gobolka Gedo, gobolka la dhaho Gedo oo lix degmo ah markaana annaga hadafkeennu waa gobolka Gedo. Jubaland waxaan ka aadi doonnaa gobolka Gedo," ayuu yiri Cabdikariim.
Falcelinta Jubaland
BBC-da oo xiriir la samaysay Jubaland si ay ugu jawaabaan hadalka guddoomiyaha Guddiga Doorashada ee ah inay deegaanno ka mid ah Jubaland ka qabanayaan diiwaangelinta dadweynaha.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha fedaraalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland Maxamed Ibraahim Oogle ayaa BBC-da u sheegay in dowladda federaalka "aysan awood u lahayn in deegaannadaas ay ka qabtaan doorasho".
"Doorasho ay ka qabtaan iyo awood ay u leeyihiin malaha, oo ay ka qaban karaan." ayuu YIRI wasiir Oogle.
Dhaqaalaha diiwaangelinta iyo doorashada
Sida uu BBC-da u sheegay guddoomiyaha guddiga doorashada ee Soomaaliya Cabdikariin Axmed Xasan, dhaqaalaha ay ku qabanayaan diiwangelinta iyo doorashada goloyaasha deegaanka ayaa si mugleh ay guddigu ugu heleen dowladda Soomaaliya basle wuxuusan meesha ka saarin taageerada wadamada saaxiibada la ah Soomaaliya.
"Markii nala dhaariyey saddex shay ayaan kala hadalnay dowladda , dhaqaalahii doorashada siyaasad meelaha aan rabno inaan doorashada ka qabano, iyo amni intaba dowladda Soomaaliyeed waa ka helnay, taageero buuxda ee beesha caalamka waajiraa, laakiin doorashadan hadda socota iyo kharasahaadka ku baxaya boqolkiiba boqol waa mashruuc dadka soomaaliyeed iyo dowladda Soomaliyeed maalgashteen"ayuu intaa raaciyey.
Muddooyinkii dambe siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamullada qaar ayaa si weyn ugu horyimi doorashada qof iyo codka iyagoo xusay inay muhiim tahay in siyaasadda laga heshiiyo walow hadda guddigu sheegeen inay qabanayaan diiwangelinta doorashada.