Sida qoyskiisu u waayeen nin ganasade ah oo in la afduubtay ay u maleynayaan

Xigashada Sawirka, Qoyska Cabdirashiid
- Author, Jamal Ahmed
- Role, Digital Producer
Sida ay noo sheegtay walaashiis, Cabdirashiid Xiish Maxamed oo ku sugnaa dukaankiisa oo ku yaala magaalada Gaarisa ayaa waxaa goobta soo gaaray shan nin oo ku labisnaa dharka shacabka oo wata baabur nooca yar oo loo yaqaan Probox, iyagoo isugu sheegay inay yihiin ciidamo boolis ah.
Cabdirashiid walaashii ka weyn, Marwo Maryan Xiish, ayaa sheegtay in raggan ay xoog ku xireen walaalkeed, iyagoo sheegay in ay doonayan inay su’aalo weydiiyaan.
“Saacaddu markii ay ahayd 6:00 galabnimo, ayaa mid ka mid ah saaxiibadii Cabdirashiid oo kawada shaqeynayeen dukaanka nala soo xiriiray oo noo sheegay siday wax u dhaceen," ayay BBC u sheegtay.
"Walaalkay iyo saaxiibkiis waxay diideen in ay ka baxaan dukaanka ilaa ay nimanka dharka shicibka ahi wacaan askarta bilayska oo wata baabuur boolis oo la aqoonsan karo waxa ay yihiin, maadama aysan xaqiijin inay ciidan dowlad yihiin,".
Sida ay sheegeen qoyska, waxaa daqiiqado ka dib yimid ciidamo ka tirsan Saldhiga Booliska Gaarisa oo xiray Cabdirashiid Xiish Maxamed Macalin iyo saaxiibkiis.
“Telefoonadooda waa laga qaaday balse saaxiibkiisa oo la soo xiray waa la sii daayay, 30-daqiiqo kadibna telfoonkiisa waa loo soo celiyay, markaas ayuu na soo wacay, markii aan gaarnay saldhiga magaalada Gaarisa abaare 6-dii maqribnimo, booliska ayaa diiday in ay noo sheegan sababta wiilkooda loo soo xiray”. ayay sharaxday Marwo Maryan Xiish.
Maryan ayaa sheegtay in iyada iyo abaheed oo tagay xarunta booliska Gaarisa ay ku adkeysteen in ay doonayaan in ay ogaadaan sababta walaalkeed loo xiray, balse waxaa loo sheegay in “Walaalkey lagu guda jiro sidii loo sii deyn lahaa”.
Boolisku uma aysan sheegin sababta ay u xireen wiilkooda, ayay noo sheegtay wiilka xiran walaashiis.

Xigashada Sawirka, Qosyka Cabdirashiid Xiish
“Wiilkeyga waxa uu ku qasbanaaday in uu saxiixo warqado ay saraakiishu ku sheegeen in uu ahaa warqadii lagu sii daayay," ayuu BBC u sheegay Xiish Maxamed Macalin oo ah aabaha dhalay wiilka.
"Waxa ay ku andacoonayeen in ay ka soo saarayeen saldhiga, balse markii ay saldhiga ka soo baxeen ayaa wiilkeyga waxa uu bilaabay in uu magacayga ku qeyliyo isaga oo leh 'Mar kale ayay i xiri rabaan'. Ilbiriqsi gudahood gaari kale oo aan laheyn wax taariko oo goobta taagnaa yaa si xoog ah loogu qaaday, waxayna ahayd markii iigu dambaysay ee aan arko wiilkayga,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xigashada Sawirka, Qoyska ganacsadaha
Yay qoyskiisa hadda ku tuhunsan yihiin in uu wiilkooda hayo?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wiilaka abihiisa ayaa sheegay in wiilkiisu weli ka maqanyahay “laga soo bilaabo 30 kii Octobar 2023 ilaa maanta waxa war ah kama hayo wiilkeyga,” ayuu yiri.
Aabaha dhalay ayaa sheegay inuu ka walwalsan yahay wiilkiisa.
“Waxaan tuhunsanahay in wiilkeyga ay shirqoleen dad uu tartatn ganacsi kala dhaxeeyo” ayuu yiri Xiish, balse ilaa iyo hadda BBC ma cadeyn karto sababta uu ku maqan yahay ninkaas ganacsadaha ah.
"Wuxuu ku dhashay kuna soo barbaaray Gaarisa sida uu noo sheeegay aabihiis, waxna ku bartay, isaga oo noqday ganacsade caan ah. Waxay sheegeen inaan walagiis la xirin inta uu la joogay qoyskiisa.
Laamaha ammaanka booliska sida Taliyaha booliiska Gaarisa, James Ng'etich, oo aan xiriir la sameynay ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo dhacdada. Sidoo kale waaxda Dembi-baarista (DCI) ee Gaarisa, ayaa iyagana noo sheegay inaysan ka hadli karin arrintan.
Qoyska ayaa kiiska u gudbiyay Maamulka Madaxbanaan ee Qiimaynta Waxqabadka Booliska (IPOA), sida ay noo sheegeen.












