Cadowga mideeyay Dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab

Xubno ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya oo tababar ku jira

Xigashada Sawirka, Sawir muuqaal laga jaray

Qoraalka sawirka, Xubno ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya oo tababar ku jira

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad beeleed ayaa bilihii la soo dhaafay duullaan xooggan ku qaaday deegaanno ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen maamullada Hirshabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Dagaalkaas oo khasaaro badan dhaliyay ayaa Al-Shabaab waxaa looga saaray deegaanno badan, waxaana Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in sanadkan uu yahay “sanadkii Al-Shabaab laga saari lahaa guud ahaan dalka.”

Sidaa oo ay tahay, Al-Shabaab iyo Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka siman yihiin mawqifka ah in lala dagaallamo urur saddexaad, waa Daacish-ta Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa xarig iyo dil kula kacday rag la sheegay inay ka tirsan yihiin Daacish-ta Soomaaliya.

Puntland oo garab ka helaysa ciidamada Maraykanka ayaa marar badan Daacish kula dagaalantay qeybo kamid ah gobolka Bari.

Taariikhda Daacish-ta Soomaaliya

Waxaa ururkaas oo sidoo kale lagu magacaabo Abnaa ul-Khilaafa (wiilasha Khilaafa) la asaasay dabayaaqadii 2015, waxaana urur weynaha Daacish uu aqoonsaday December 2017, markaas oo loo bixiyay magaca Wilaayada Soomaaliya.

Islamarkii laga yagleelay Soomaaliya, sanadkii 2015, waxay billaabeen howlgalladoodii ugu horreeyay.

Daacish-ta Soomaaliya ayaa xarumo ku leh buuraha Calmis ee gobolka Bari oo ka tirsan maamulka Puntland.

Daacish ayaa lagula dagaallamay Suuriya iyo Ciraaq

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Daacish ayaa lagula dagaallamay Suuriya iyo Ciraaq

Dagaallamayaasha u diyaarsan ururkaas ayaa lagu qiyaasay ilaa 300 oo u badan rag horay uga tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo diiddan jiritaanka Daacish-ta Soomaaliya ayaa markiiba billaabay inay ugaarsadaan xubnihiisa iyo dadka looga shakisan yahay inay ku biiri rabaan.

Waxaa hogaamiya nin lagu magacaabo Cabduqaadir Muumin oo uu Maraykanka saaray cunaqabateyn bishii August 2016.

Maraykanka ayaa bishii November 2017 billaabay duqeymo k adhan ah Daacish-ta Soomaaliya oo xarumaha ugu weyn ku leh dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Halista ururka Daacish

Golaha Ammmaanka Qaramada Midoobay ayaa 9-kii bishan loo sheegay in weli ay jirto halis muuqata oo ay dunida ku hayaan kooxaha argagixisada, isagoo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la qaado tallaabo caalami ah.

Kaaliyaha xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka argagixisada, Vladimir Voronkov, ayaa si gaar ah in tilmaamay in Daacish ay tahay khatar la dhalaysanayo.

"Warbixinnadii hore waxaa walaac looga muujiyay khatarta sii kordheysa ee weerarrada ka dhaca meelaha ay dagaallada ka jiraan ee ay geysanayaan kooxo ay gadaal ka riixeyso Daacish,” ayuu yiri danjire Voronkov oo sheegay in kooxdan ay heer sare ka gaartay farsamada casriga ah.

Warbixinta ayuu ku tilmaamay in Daacish ay weli sii waddo isticmaalka adeegga internet-ka iyo dacaayadaha lagu faafiyo fikradahooda, iyadoo la jaanqaadaysa tignoolajiyada cusub iyo kuwa soo baxaya, sida nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Vladimir Voronkov

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kaaliyaha xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka argagixisada, Vladimir Voronkov

Dhanka kale, dad badan oo xiriir la leh ururada xagjirka ah oo ay ku jiraan carruur, ayaa weli ku jira xeryaha iyo xarumaha lagu hayo ee waqooyi bari Suuriya, sida uu sheegay kaaliyaha xoghayaha Qaramada Midoobay.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in arrinta argagixisada shisheeye aysan ku koobneyn Ciraaq iyo Suuriya, balse ay tahay caqabad caalami ah, taasoo saameyn weyn ku leh isla xisaabtanka iyo in lagu xukumo dambiyada.

Dagaalyahannada khibradda dagaalka leh ee loo raro dalalkooda, ama waddama saddexaad, ayaa sii kordhinaya khatarta, sida uu Mr Voronkov u sheegay Golaha Ammaanka.

Hoggaamiye sare oo Daacish looga dilay Soomaaliya

Bishii January ee sanadkan 2023 ayuu Mareykanka shaaciyay in ciidamadiisa sida gaarka ah u tababaran ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliyakaasoo lala dilay toban ka mid ah kooxda.

Bilaal Al-Sudani ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa shaqsi muhiim u ah maalgelinta iyo ballaarinta kooxda Islaamiga ah ee ka dagaalanta Afrika iyo meelo ka baxsan.

Saraakiisha ayaa sheegay in ninkaas lagu dilay is rasaaseyn ka dib markii ay ciidamadu weerareen god ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee waqooyiga Soomaaliya, iyagoo rajeynayay inay gacanta ku soo dhigaan.

Amar uu bixiyay Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa ciidamo gaar ah waxa ay weerar ugu qaadeen deegaan ka tirsan buuraha Calmis ee ku yaalla gobolka Bari.

Wasiirka gaashaandhigga Maraykanka, Lloyd Austin ayaa xilligaas xaqiijiyay dilka Bilaal Al-Sudani.

Canshuurta Daacish ee suuqa Bakaaraha

Ganacsiga Muqdisho

Xigashada Sawirka, Reuters

Horraantii sanadkii lasoo dhaafay ayey soo baxeen warar sheegayay in Daacish ay isku dayeysay in ay xoojiso awooddeeda Soomaaliya iyo dhaqaalaha kasoo gala.

Waxaa la soo tebiyay in qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho la xiray kadib markii ururka Daacish uu lacago dheeraada ku soo rogay ganacsatada, inkastoo ay dowladdu ka tallisa magaalada.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa BBC-da u sheegay in qeybaha la xiray ay u badnaayeen dhinaca dukaamada lagu iibiyo qalabka dhismaha.

Ganacsatada ayaa sheegay in Daacish ay waydiisatay in qof kasta uu bixiyo boqolkiiba sodon ka mid ah hantida uu ku shaqeeyo.

Waxaa lasoo tebiyay in ganacsatada ay horey u bixin jireen lacago uu ku soo ururka Al-Shabaab. Dawladda ayaa sidoo kale canshuur ka qaadda ganacsatada.