4 cilmi baaris oo dhanka seyniska ah oo sannadkan 2023 la filayo in la gaaro

Guulaha dhanka seyniska ee 2023

Xigashada Sawirka, Getty Images

2022 wuxuu ahaa sanad horumar weyn laga sameeyay cilmiga sayniska, daawada, iyo safarka hawada sare kuwaas oo horseeday guulo badan oo hirgeli doona 2023.

Laga soo bilaabo barnaamijka NASA ee Artemis, kaas oo maskaxdeena dib ugu soo celiyay safarka Dayaxa, hababka cusub ee samaynta tallaallo hufan.

Sannadka 2023 waxa kale oo uu ballan qaadayaa in uu sii wadi doono horumarkaas.

Kuwani waa shan horumar oo la filayo sannadkan 2023.

1. Tallaal cusub

Waa tallaabo weyn oo la xiriiirta guusha tallaallada tignoolajiyada mRNA ee ka hortagga faafitaanka COVID-19, dhammaan noocyada tallaallada ayaa lagu soo saaray tignoolajiyadan ka hortagga cudurrada.

Waxaa jira tallaalo isku dhafan oo ay ka mid yihiin duumada, qaaxada, HIV, cystic fibrosis, kansarka iyo noocyada kala duwan ee cudurrada sambabada, iyo kuwo kale.

Shirkadda Jarmalka ee BioNTech ee tallaalka sameysa ayaa qorsheynaysa inay bilowdo tijaabooyinkii ugu horreeyay ee tallaalka hortagga duumada iyo qaaxada dhowr toddobaad gudahood, halka Moderna, oo Mareykanka laga leeyahay ay sameyneyso tallaalka ka hortagga fayrasyada keena burooyinka xubinta taranka.

Mid ka mid ah tallaalada tignoolajiyada mRNA ee ugu caansan waa ka hortagga kansarka. Waxaa loogu talagalay in lagu aqoonsado unugyada kansarka si loo burburiyo.

Shirkadaha kale ee dawooyinka ayaa baaraya suurtagalnimada isticmaalka tallaal degdeg ah oo wax ku ool ah oo xanuunka covid-19 ah oo sanka lagu buufiyo. Waxay lagu soo tijaabiyay xayawaanka, waxaana la filayaa in dhawaan tijaabooyin dhanka bini'aadmiga ah la sameeyo.

2: Hormarka sahminta hawada sare

 Hormarka sahminta hawada sare

Xigashada Sawirka, J. ORRELL/SLAC NATIONAL ACCELERATOR LABORATORY

Waxa dunida la yaab ku noqotay sawiro cusub oo dunida laga qaaday oo uu qaaday Telescope-ka awoodda badan ee James Webb, qalabkaas oo ay hawada u mariyeen NASA, hay’adda hawada sare ee Yurub (ESA) iyo wakaaladda hawada sare ee Canada oo sii wadi doonta in ay soo saarto sahan muddo tobanaan sano ah.

Waxa kale oo jiri doona qalab baaritaan oo aad u horumarsan.

ESA waxay qorsheyneysaa inay soo saarto telescope Euclid sanadka 2023, kaas oo ku wareegi doona qorraxda muddo lix sano ah si caalamka loo abuuro khariidad 3D ah.

Dhankeeda, Wakaaladda Sahminta Hawada Sare ee Japan ayaa qorsheynaysa hawlgal lagu ogaanayo shucaaca xiddigaha fog.

Dalka Chile, telescope-ka Vera C. Rubin, oo leh kamarad awood u leh in ay gaarto in ka badan 3,000 oo milyan oo pixels, ayaa diyaar u ah inuu sawirro qaado bisha Luulyo ee soo socota.

3: Safarka Dayaxa

Safarka Dayaxa

Xigashada Sawirka, POT

Barnaamijka Artemis ee NASA, ee dayax gacmeedka Orion oo aan cidina wadin dayaxa, ayaa si guul ah dib loogu soo celiyay dhulka bishii Disembar.

Imaaraatka Carabta ayaa 11-kii Diseembar bilowday duullimaadkeeda Rashid Moon Rover, kaas oo loogu talagalay in lagu sahmiyo oogada dayaxa. NASA ayaa waxay sidoo kale hawada u dirtay dayax-gacmeed ku wareegaya meeraha orbit kaas oo daraasad ku samayn doona qaabka kaydka biyaha ee Dayaxa.

Waxaa sidoo kale jira naqshadda markabka HAKUTO-R ee Japan, kaasoo isku dayi doona inuu ku dego dayaxa bisha Abriil, iyo sidoo kale Hindiya Chandrayaan-3, oo doonaysa inay ku degto meel u dhow cirifka koonfureed ee dayaxa bartamaha 2023.

Mid ka mid ah safarrada aadka loo filayo ayaa noqon doona safarkii ugu horreeyay ee rayid ah ee Dayaxa. 11 qof ayaa u safri doona muddo lix maalmood ah iyagoo isticmaalaya gantaalka Starship ee shirkadda Elon Musk ee SpaceX.

4: CRISPR, barnaamijka injineernimada hidaha

CRISPR, barnaamijka injineernimada hidaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shirkadaha dawooyinka ee Vertex iyo CRISPR Therapeutics waxay soo saarayaan dawo loo yaqaan exa-cel, taasoo loo soo gudbin doono si ay u ansixiyaan Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Maraykanka bisha March ee soo socota.

Oggolaanshaha ayaa ka dhigi doona exa-cel inay heli karaan bukaanada qaba leukemia, oo weerarra unugyada dhiigga cas.