Dhirta malaga sameyn karaa bateriga gawaarida?

Kor u kaca warbaahinta casriga ah, hoos udhaca ku yimid daabacaadda waraaqaha ee xafiisyada, iyo dadka waraaqaha isu dira oo sii yaraanaya ayaa ka mid ah waxyaabaha horseeday hoos u dhaca ku yimid jarista dhirta si waraaqo looga sameeyo.

Stora Enso oo ah shirkad laga leeyahay Finland ayaa isku tilmaanta ‘’mid kamida shikadaha waaweyn adduunka ee kayn si gaar ah u leh”.

Haddaba shirkaddan ayaa leh tiro aad u badan oo geedo ah si ay waraaqo uga sameyso alwaaxa dhirta.

Balse hadda waxay shirkaddani doonaysaa in batariga gawaadhida korontada ku shaqeeya ay ka sameyso geedaha kuwaas oo siddeed daqiiqo oo kali ah isku dabeynaya.

Shirkadda ayaa shaqaalaysiisay injineerro si ay daraasad ugu sameeyaan suurta galnimada in kiimiko laga helo dhirta oo lagu magacaabo Lignin laga sameyn karo kiimikada ay batariyadu ku shaqeeyaan.

Halkii geed ee dhirta ayaa 30% ka sameysan Lignin inkastoo ay ku xirantahay nooca geedka.

Haddaba Lignin waxay ka sameysantahay kaarboon. Kaarboonkuna waa shay aad ugu fiican qayb batariga muhiim u ah oo la yiraahdo anode.

Injineerada Stora Enso waxay u aaminsanyihiin inay lignin ka soo saari karaan saxarka wasakhda waraaqaha ah ee horeba lagasoo saaray qaar ka mid ah xarumahooda si ay uga dhaliyaan kaarboonka baytariyada.

Waxay hawshan la kaashanayaan shirkad kale oo Sweden laga leeyahay oo lagu magacaabo Northvolt waxayna qorsheyneysaa inay soo saarto batariyada noocan ah laga bilaabo sannadka 2025.

Dalabka batariyada oo kordhaya

Maaddaama oo ay dad fara badan gadanayaan gawaarida korontada ku shaqeeya ayaa waxaa kordhay baahida iyo dalabka baytariyada gawaadhidan. Baahida batariyada ee caalamka ayaa la filayaa inay si xowli ah u kacdo sannadaha inagusoo aaddan.

Sannadkii 2015, dhowr boqol oo saacadood oo gigawatt (GWh) ayaa sannadkiiba looga baahnaa batteriga adduunka, laakiin tiradani waxay kor u kici doontaa kumannaan GWh oo dheeraad ah sannadkiiba marka la gaaro 2030-ka oo ah marka la filayo inay dunidu ka guurto ku tiirsanaanta shidaalka.

Dhibaatadu waxay tahay in batariyada lithium-ion ee maanta la adeegsado ee sida weyn ugu tiirsan hababka warshadaha iyo macdan qodista ay waxyeellaynayaan deegaanka.

Intaa waxaa dheer, qaar ka mid ah walxaha ku jira batariyadan in ay sun yihiin adagtahayna in dib loo warshadeeyo. Qaar badan oo suntan ka mid ahna waxay sidoo kale ka timaadda waddamada ay siyaasaddooda xuquuqul insaanku liidato

Samaynta garaafka synthetic oo batariyada hadda ku tiirsan yihiin ayaa tusaale ahaan, lagu kululeeyaa heerkul kaarboon oo gaaraya 3000°C muddo toddobaadyo ah.

Waxay geeduhu noqon karaan furaha

Baadi goobka qalabka batariyo lagu tiirsanaan karo lana wada heli karo ayaa ah mid socda. Dadka qaarna waxay aaminsanyihiin in alaabtan laga heli karo dhirta. Si guud dhammaan batariyadu waxay u baahn yihiin labada kiimiko ee kala ah cathode iyo anode, kuwaas oo ah tan togan iyo tan taban baytariyadu ka sameysan yihiin.

Sida laga soo xigtay Pestana, graphite-ku waa walxo "cajiib ah" oo si fiican ugu shaqeyn kara sida anode la isku halleyn karo oo u oggolaanaya in falgalka kiimiko ee noocaasi ah uu dhoco.

Si kastaba ha ahaatee, dhowr shirkadood ayaa sahaminaya awoodda lignin ee horumarinta batteriga, sida shirkadda Sweden ee Bright Day Graphene, oo soo saarta Graphene-ka, nooc kale oo kaarboon ah, oo ka yimaadda lignin.

Cilmi-baaris gaar ah oo ku saabsan anodes-ka carbon-ka ee lignin, oo ay samaysay Magda Titirici iyo asxaabteeda shaqada ee Imperial College oo UK ku yaal, ayaa soo jeedinaysa inay suurtogal tahay sameynta qaab-dhismeedyo wax-qabad leh oo ka kooban curiyeyaasha kaarboonka ee aan caadiga ahayn oo leh cillado badan oo oksijiinka.

Wyatt Tenhaeff oo ka tirsan Jaamacadda Rochester ee gobolka New York ayaa sidoo kale sameeyay anodes-ka laga soo qaatay lignin lagu sameeyay shaybaarka.

Lignin-ku "runtii waa qabow," ayuu xusay, sababtoo ah waa wax soo saar yeelan kara faa'iidooyin badan oo suurtagal ah.

Intii ay tijaabinayeen, isaga iyo asxaabtiisu waxay ogaadeen in ay isticmaali karaan lignin si ay u sameeyaan anode leh qaab dhismeed isku tiirsan oo aan u baahnayn koollo ama ururiye hadda ka samaysan naxaas, qayb ka mid ah baytariyada lithium. -ion.

In kasta oo tani ay yarayn karto kharashka anodes-ka kaarboonka ee laga helo lignin, khabiirku wuxuu shaki ka qabaa inay ganacsi ahaan qaabkani tartan la gali gkaro anodes-ka graphite.

"Uma maleynayo inay noqon doonto isbeddel weyn oo ku filan qiimaha ama waxqabadka si loo beddelo Graphite-ka caadiga ah," ayuu yidhi.