Saddex qof ayaa ku dhimatay toboneeyo kale way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goob ay xaflad ka socotay

Thailand

Xigashada Sawirka, Kooxda Samatabbixinta Umphang

Qoraalka sawirka, Kooxda Samatabbixinta Umphang ee deegaanka ayaa sawir ka soo saaray goobta

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii walxaha qarxa lagu dhex tuuray dad isugu soo baxay xaflad ka dhacday dalka Thailand.

Weerarku waxa uu dhacay wax yar ka hor saqdii dhexe ee wakhtiga maxaliga ah ee dalkaas, goobta uu qaraxu ka dhacay ayaana ku taalla barxadda Laanqayrta Cas ee Doi Loyfa, taas oo ku taalla degmada Umphang ee waqooyiga gobolka Tak, waana goob sanadkiiba mar lagu qabto xafladda.

Laba tuhmane ayaa lagu hayaa xabsiga, balse wax dambi ah laguma soo oogin, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Associated Press iyo warbaahinta maxaliga ah, oo soo xiganaysa booliska Thailand.

Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhaawacantay, kuwaas oo lix ka mid ah ay yihiin dhaawacyo halis ah, sida ay booliisku sheegeen.

Booliiska ayaa dhacdada lagu wargaliyay 23:30 wakhtiga maxaliga ah (16:30 GMT) Jimcihii.

War qoraal ah oo ay soo saareen kooxda badbaadada Umphang ayay ku sheegeen in goob bannaan oo dadku qoob ka cayaar ku dheelayeen lagu tuuray walxaha qarxa, ayna ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac.

Dadka dhaawaca ah ayaa qaarkood loo qaaday isbitaal ku dhow halka ay wax ka dhaceen.

Warar kala duwan ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Muuqaalo la sheegay in goobta laga soo duubay kuwaas oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya argagaxa ka dhashay qaraxa iyadoo shaqaalaha gurmadka iyo dadka goobta ka agdhaw ay ku xoomeen si ay gargaar ugu fidiyaan dadka dhaawaca ah.

Mid kamid ah muuqaalada ayaa muujinayay ugu yaraan laba qof oo jiifa barxadda kuwaas oo gurmad loo fidinayay, dadka ayaana hareeraha yaacayay kuwaas oo u muuqday inay jahawareersanaayeen.

Kaamirada ayaa sidoo kale qabatay nin ka dhaawacan lugta kaas oo ay walxaha qarxa ka gooyeen surwaalkiisa dhiigna uu ka socdo.

Sawirro laga qaaday goobta kadib dhacdada ayay kooxda samatabixiyayaasha ku arkeen goob qashin oo uu yaallo xarig nalal ku xiranyihiin.

Ra'iisul Wasaare Paetongtarn Shinawatra ayaa tacsi u dirtay qoysaska dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay bamka, kadib qoraal ay soo dhigtay barteeda X.

Waxa ay sheegtay in ay ku amartay Booliska iyo Hay'adaha ammaanka in ay baaritaan ku sameeyaan waxa sababay qaraxa, isla markaana ay caawiyaan dadka ay waxyeeladu soo gaartay. Waxay sidoo kale amartay kordhinta saraakiisha booliiska si ay u kormeeraan dhammaan munaasabadaha ku soo fool leh.

Sida laga soo xigtay wargeyska Bangkok Post, inta u dhaxaysa 8,000 ilaa 9,000 oo qof ayaa la filayaa inay ka soo qayb galaan xafladaha dhamaadka sanadkaan.

Umphang ayaa ah degmo ku taalla koonfurta gobolka Tak ee waqooyiga Thailand, taas oo xuduud kala wadaagta Myanmar dhanka galbeed.