Nin 'dhintay' oo maxkamadda kasoo muuqday si uu ugu marqaati furo ninkii dilay

Chris Pelkey ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday wadada Arizona saddex sano ka hor.
Laakin isaga oo kaashanaya garaadka macmalka ah, waxa uu ku soo noqday horraantii bishan xukunka gacan-ku-dhiiglihii si uu u gudbiyo hadalka dhibbanaha laftiisa.
Xubnaha qoysku waxay sheegeen inay isticmaaleen tignoolajiyada soo koraysa si ay ugu oggolaadaan Mr Pelkey inuu isticmaalo ereyadiisa si uu uga hadlo dhacdadii naftiisa lagu dilay.
Inkasta oo khubarada qaarkood ay ku doodayaan isticmaalka gaarka ah ee AI waa tallaabo kale oo mustaqbalka wax badan baddeleysa, kuwa kale waxay yiraahdaan waxay noqon kartaa aaladda cusub ee loo adeegsado isticmaalka tignoolajiyada ee kiisaska sharciga ah.
Qoyskiisu waxay isticmaaleen codad laga duubay, muuqaalo iyo sawirro uu leeyahay Mr Pelkey, oo 37 jir ahaa markii la dilayay, si ay dib ugu sameeyaan muuqaal iyagoo isticmaalaya AI, walaashii Stacey Wales ayaa sidaas u sheegtay BBC-da.
Ms Wales waxa ay sheegtay in ay qortay ereyada loo adeegsaday garaadka macmalka ah ee laga akhriyay maxkamada.
"Gabriel Horcasitas, ninkii i toogtay, waa wax laga xishoodo in maalintaas aan isku aragnay duruufahaas," ayuu yiri garaadka macmalka ah ee Mr Pelkey. "Nolol kale, waxay u badan tahay inaan saaxiibo noqon karno."
"Waxaan rumaysanahay is cafinta, iyo Allaaha wax cafiya taas oo aan mar walba sameeyo"
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Tignoolajiyada ayaa loo adeegsaday xukunka gacan-ku-dhiiglaha oo ay horey dambiga ugu heleen xeerbeegtida - ilaa afar sano ka dib markii Horcasitas uu Mr Pelkey ku toogtay Arizona.
Garsooraha Arizona ee kormeeray kiiska, Todd Lang, wuxuu u muuqday inuu ka mahadcelinayo adeegsiga AI ee dhageysiga. Wuxuu Horcasitas ku xukumay 10-sano iyo bar oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay inuu dilay.
"Waan jeclaaday garaadkaas macmalka ah, waad ku mahadsan tahay taas waana dhageystay cafiska," Garsoore Lang ayaa yiri. "Waxaan dareemayaa inay taasi run ahayd."
Paul Grimm, oo ah garsoore heer federaal ah oo hawlgab ah isla markaana ah borofisar ka tirsan Dugsiga Sharciga ee Duke, ayaa BBC u sheegay in aanu la yaabin in uu arko garaadka macmalka ah ee loo adeegsaday xukunka Horcasitas.
Maxkamadaha Arizona, ayuu xustay, inay durba bilaabeen in siyaabo kala duwan ay isticmaalka garaadka macmalka u adeegsadeen gaar ahaan marka maxkamada sare ee gobolku ay soo saarto xukun, tusaale ahaan, waxa ay leedahay nidaam AI kaas oo ka dhigaya xukunadaas kuwo ay ku qancaan dadka.
Waxaana Mr Grimm uu sheegay in sababta oo loo isticmaalay iyadoo aanay jirin xeerbeegti, kaliya in garsooruhu uu go'aan ka gaaro xukunka, tignoolajiyada waa la oggolaaday.
"Waxaan kiisaska qaar ku tiirsanaan doonaa [AI], laakiin tignoolajiyada waa mid aan la celin karin," ayuu yiri.
Laakiin khubarada qaarkood sida Derek Leben, oo ah borofisar anshaxa ganacsiga ka dhiga Jaamacadda Carnegie Mellon, ayaa ka walaacsan adeegsiga AI iyo horudhaca kiiskan.
In kasta oo Mr Leben aanu su'aal ka waydiin ulajeedka qoyskan ama ficilladooda, haddana waxa uu ka walaacsan yahay in dhammaan isticmaalka AI aysan la socon doonin rabitaanka dhibbanaha.
"Haddii aan haysano dad kale oo sidan samaynaya oo hore u socda, miyaynu had iyo jeer helnaa daacadnimada qofka ama dhibbanaha kiiskan uu rabi lahaa?" Mr Leben ayaa weydiiyey.
Dhanka Ms Wales, si kastaba ha ahaatee, tani waxay siisay walaalkeed ereyga ugu dambeeya.
"Arrintan waxaan ula jeednay anshax iyo akhlaaq maxaa yeelay kani waa qalab awood leh oo sida dubbe loo isticmaali karo in daaqadda lagu jebiyo ama gidaarka la jeexo, sidoo kale waxaa loo isticmaali karaa qalab guri lagu dhiso, sidaas ayaan u isticmaalnay farsamadan," ayay tiri.










