Maxay dalalka Carabta uga walaacsan yihiin suurtagalnimada burburka dawladda Iiraan?

Calammada Maraykanka iyo Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Nasrin Hatum
    • Role, Gulf Affairs Correspondent, BBC Arabic

Kaddib markii ay soo cusboonaatay xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Tehran arrimo la xidhiidha bannaanbaxyada ka socda dalka Iiraan ayaa hadda waxa soo baxaya warar hor leh oo ka imanaya dalalka Carabta.

Waddamo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Qadar iyo Cummaan ayaa bilaabay dadaallo lagaga hor tagayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in uu weerar ku qaado Iiraan, sababo la xidhiidha welwelka ah in tallaabadani ay keeni karto "falcelin xun oo ka dhaca gobolka," sida uu sheegay sarkaal sare oo Sacuudiga ah oo u sheegay AFP.

Sidee ayay waddamada Gacanka Beershiya u arkaan "deriskooda aan xasilloonayn", maxayse yihiin walaacooda ku aaddan xaaladdiisa hadda taagan?

Diblomaasiyadda waddamada Khaliijka

Suurtagalnimada in Maraykanku qaado tallaabo milatari oo ka dhan ah Iiraan ayaa noqotay walaac weyn oo ka jira diblomaasiyadda Carabta, gaar ahaan waddamada Khaliijka.

Walaacan waxa uu ka dhashay u xiisadda juqraafi-siyaasadeed ee Iiraan oo ay deris ku yihiin Khaliijka, haddana xidhiidhkoodu waxa uu in muddo ah ahaa lunsan oo uu Meesha ka maqan yahay isdhexgalka bulshadu.

Si kastaba ha ahaatee, dib-u-soo celinta xidhiidhka u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Iiraan oo uu dhexdhexaadiyay Shiinahu sannadkii 2023-kii waxay ahayd dhacdo dhidibada u taagtay xidhiidh cusub oo ku salaysan mabaa'diida ixtiraamka faragelin la'aanta arrimaha gudaha iyo in la abuuro jawi diblomaasiyadeed oo xasilloon.

Qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Khaliijka ayaa sameeyay xidhiidho diblomaasiyadeed oo ay la yeelanayaan dhinacyo kala duwan si looga hortago sii xoogaysiga khilaafka ku saabsan Iiraan, kaas oo keeni kara isbeddel diblumaasiyadeed.

Waddamada Khaliijka waxay leeyihiin awood dhaqaale oo xooggan iyo maalgelin ballaadhan oo ay ku leeyihiin Maraykanka, islamarkaana waxay isku dheellitiraan xidhiidhka ay la leeyihiin dalalka kale ee waaweyn ee caalamka oo u uku jiro Shiinahu.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Axmed Shizaawi oo ah qoraa iyo falanqeeye siyaasadeed oo ka faaloodda Cummaan ayaa aamminsan in waddamada Khaliijku ay leeyihiin nidaam diblomaasiyadeed oo si wanaagsan u horumarsan, kaas oo awood u leh in uu cadaadis saaro dhinac kasta, ha noqoto xidhiidh toos ah xilliyada xiisaduhu ay taagan yihiin ama door dhexdhexaad ah sida doorka ay Cummaan ka ciyaarayso arrinta Iiraan.

Labaatankii sano ee la soo dhaafay, waddamada Khaliijka waxay ku dadaalayeen in ay kala saaraan dhaqaalahooda si ay uga baxaan ku tiirsanaanta shidaalka, iyaga oo diiradda saaraya waxyaabo ay ka mid yihiin guryaha iyo dhismaha, dalxiiska, tiknoolajiyadda, daryeelka caafimaadka, iyo maalgashiga. Sidoo kale, waxay raadinayeen in ay xoojiyaan kaalintooda fagaarayaasha caalamiga ah iyo hay'adaha go'aan-qaadashada iyagoo door firfircoon ka qaadanaya arrimaha caalamiga ah ee adag.

Si kastaba ha ahaatee, dhankooda, dadaalkan weli wuxuu ku xidhan yahay shuruudda ah in la hubiyo nabadda gobolka, maaddaama weerar kasta oo Maraykanku ku qaado Iiraan uu si weyn u saameyn doono gobolka.

Trump iyo Bin Salman

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa jira shaki weyn iyo walaac ku saabsan suurtagalnimada burburka dawladda Iiraan ee waddamadan, maaddaama laga cabsi qabo in arrintaasi ay horseedi karto soo bixitaanka maleeshiyaad iska soo horjeeda ama kooxo gooni-u-goosad ah oo ka dhex abuurma dalkaasi.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo la hadlay BBC-da, dhacdo noocan oo kale ah waxay abuuri kartaa dhibaato amni, maaddaama aanay ku koobnaan doonin Iiraan oo keliya, balse ay u gudbi karto waddamada Khaliijka. Intaa waxaa dheer, waxay muujiyeen walaac ah in ridista dawlad ay taageeraan Maraykanka iyo Israa'iil ay kordhin karto saamaynta Israa'iil ku yeelato Iiraan.

Falanqeeyaha ayaa sidoo kale wuxuu ka digay in maleeshiyaad xidiidh la leh Iiraan oo ku sugan Ciraaq, Lubnaan, Yemen iyo dalal kale ay noqon karaan waxa uu ugu yeedhay "kooxo argagixiso madax-bannaan" haddii dawladda dhexe ay burburto, taasi oo sii xumaynaysa khatarta amni ee gobolka.

Maxay yihiin sababaha ay dalalka Gacanka uga hortagayaan xasilooni-darrada Iiraan?

Donald Trump bishii Oktoobar ee la soo dhaafay wuxuu saxiixay amar fulineed oo dammaanad qaadaya ammaanka Qadar ee ka dhanka ah weerar kasta.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Si kooban, dadaallada waddamada Khaliijka ee lagu doonayo in lagu hortago guluf milatari dhinaca oo Iiraan lagu qaado waxa kale oo jira dhalleecayn uu la kulmayo waxaana uu habkani noqday mid ay si weyn uga fikirayaan waddamada Khaliijka Carabtu sannadihii u dambeeyay.

Sidaas darteed, waddamada Khaliijku waxay sii wadaan in ay ku adkaystaan xoojinta isbahaysigooda dhow ee Washington, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda xidhiidhka ay la leeyihiin Iiraan iyo in laga fogaado wax kasta oo isku dhac toos ah gobolka gelin kara.