Markii Mucamar Al-qaddaafi sida weyn u taageeray burcad-badeedda Soomaalida

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxaweynihii hore ee Libya Kornyl Mucamar al-Qaddaafi mar uu ahaa Guddoomiyahii Midowga Afrika, ayaa waxa uu sheegay in muhiimaddiisu ay noqon doonto sidii loo heli lahaa magdhow gumeysi iyo in la xaddido awoodda dalalka reer galbeedka.
Hogaamiyaha Libya oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in burcad badeeddu ay tahay koox sameysatay hab ay iskaga difaacaan wadamada reer galbeedka ee hunguriga hayo.
Col Qaddaafi waxa uu xillgaas dareenkiisa u muujiyay markii uu booqasho rasmi ah maalintiisii ugu horreysay ku tagay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa. Wuxuu la hadlay madaxda iyo shaqaalaha Midowga Afrika.
Col Qadaafi ayaa waxa uu shaaca ka qaaday qorshihiisii markaas, isagoo sheegay in uusan aaminsaneyn in burcad badeedda Soomaaliya ay dambiileyaal yihiin.
“Waxay jawaab u tahay dowladaha reer galbeedka ee hunguriga hayo, kuwaas oo si sharci darro ah ugu soo duulay, ugana faa’iidaysanaya kheyraadka biyaha Soomaaliya,” ayuu yiri xilligaas.
"Ma ahan burcadbadeed, ee waa is-difaacayaal, waxay difaacayaan cunnada carruurta Soomaaliyeed," ayuu si adag ugu dhawaaqay Col. Qaddaafi.
Waxa uu markaasi tilmaamay in dalalka qaar, gaar ahaan kuwa reer Galbeedka ay soo galayaan dhul badeedka Soomaaliyeed oo madaxbanaan, taasoo ka soo horjeedda sharciga caalamiga ah.
"Maraakiibta reer Yurub, Maraykanka iyo Shiinaha ayaa soo galaya dhulka Soomaaliya ee xorta ah, sababtoo ah Afrika ma laha difaac adag oo casri ah oo dib u riixaya iyaga, ayuu yiri Qaddaafi.
Isaga oo hadalkiisa sii watay ayaa markaas yiri, “Soomaalidu waxay ka falcelinaysaa, waxayna isku dayayaan inay dalkooda ka qabtaan caddaalad-darrada ah in si sharci darro ah looga faa'iidaysto kheyraadka, laakiin waddamada reer galbeedka ayaa ku tilmaamay burcad-badeednimo, ayuu yiri Qaddaafi.
Hoggaamiyihii Libya ee mudada dheer xilka hayay ayaa sheegay in uu qorsheynayay in uu ku qanciyo madaxda kale ee Afrikaan-ka ah in ay magdhow ka qaataan 'gumeystaha' kadib danbiyadii ay galeen iyo ka faa’iidaysigooda xilligii gumeysiga.
Waxa uu shaaca ka qaaday intii uu xilligaasi qudbadda jeedinayay in Liibiya ay sheegan doonto rubuc bilyan doolar oo magdhow ah oo ay ka hesho Talyaaniga.

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxa uu sheegay in la joogo xilligii la waydiisan lahaa wadamada reer galbeedka in ay bixiyaan qarashkii Afrika soo maray marka loo eego silicii iyo dhiig daadashadii hore.
Baarlamaanka Talyaaniga ayaa isku raacay in lacagtaas la siiyo Liibiya, ayuu markaas yiri.
Col Qaddaafi ayaa intii uu noolaa muddo 40-kii sano ah oo uu dalka Libya ka arriminayay waxa uu diiday wax casuumaad ah oo uga timaadda Talyaaniga ama booqasho rasmi ah ku taga Liibiya, taasoo qeyb ka ahayd mudaharaadkiisa.
Hadallada xilligaasi laga qoray Qaddaafi waxaa kamid ahaa in uu yiri, Muddada aan ku jiro Midowga Afrika, waxaan bilaabi doonaa magdhow abaabulan oo Afrika ah, waxaanan u dagaalami doonaa sidii Afrika cod weyn uga heli lahayd Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
“Haddii iyaga aysan dooneyn inay nagula noolaadaan si cadaalad ah, waa qaaraddeena, waxayna aadi karaan meeraha kale,” ayuu hadalkiisa kusii daray Qaddaafi.
Labo sano kadib maxaa dhacay?

Xigashada Sawirka, Reuters
Hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya Col Mucamar Al-Qaddaafi ayaa la dilay kadib markii lagu weeraray goob uu ku dhashay oo ku taal magaalada Sirte, sida ay xilligaas sheegeen saraakiisha dalkaasi.
Ku-simahii Ra'iisul Wasaaraha oo xilligaas ahaa Maxamuud Jibriil ayaa ku dhawaaqay geerida, waxaana markii dambe uu sheegay in Korneylka lagu dilay israsaaseyn dhexmartay kooxaha daacadda u ah Qaddaafi iyo dagaalyahanno ka tirsan maamulka KMG ah.
Col Qaddaafi ayaa xukunka laga tuuray bishii Agoosto ee 2011-kii kadib 42 sano oo uu dalkaasi maamulayay.
Dhimashadiisa ayaa timid ka dib toddobaadyo uu socday dagaal ba'an oo lagu hayay Sirte, oo ka mid ahayd jeebdihii ugu dambeeyay ee iska caabinta.
Inta badan hogaamiye-yaashii dalalka reer galbeedka ayaa xilligaas soo dhaweeyay tallaabada ay qaadeen Liibiyaanku iyagoo ku tilmaamay in ay iska hor leexiyeen keli talis muddo maamulayay.













