Mareykanka oo tallaabo cusub u qaaday la dagaallanka Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, Telefishinka Qaranka Soomaaliya
Safaaradda ay dawladda Maraykanka ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa saanad hub ah ugu deeqday ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, markii ugu horraysay tan iyo sannado badan oo Soomaaliya ay saarneyd cunnaqabateynta dhanka hubka ah.
Wasiirka Gaashaandhigga ee dawladda federaalka ee Soomaaliya Cabdiqaaddir Maxamed Nuur ayaa u guddoomay hubkaas Soomaaliya, isagoo isla goobtii ka hadalayeyna waxa uu sheegay in hubkani qayb ka qaadan doono dardargelinta hawlihii nabadaynta guud ee Soomaaliya ka socday.
“Agabkan hubka ah wuxuu fariin u yahay adduunka in Soomaaliya ay xaaladeedii wax badan iska beddalen, wuxuu fariin u yahay in Soomaaliya ay horey u dhaqaaqday,” ayuu yiri wasiir Cabdiqaaddir.
Dowladda Mareykanka ayuu ku ammaanay tallaabadan cusub ee ay qaadday oo ay dowladda Soomaaliya ku siisay hubka.
Haddaba arrintani maxay ka dhigan tahay?

Xigashada Sawirka, Telefishinka Qaranka Soomaaliya
Inkastoo Soomaaliya ay saarantahay cunnaqabateynta hubka haddana dowladii kala dambeyay mid walba oo ka mid ah waxay dadaal galisay in dalka laga qaado cunnaqabateynta. Balse dhamaantood kuma aysan guuleysan.
Maxamed Mukhtaar Ibraahim, oo wasiir ka soo noqday Soomaaliya,ayaa aaminsan in hubkan la siiyay dowladda Soomaaliya uu wax badan ku kordhin doono gaarhaan marka laga fiiriyo dagaalka dowladdu xilligaan kula jirto Shabaab.
Wuxuu sheegay in sidoo kale taageerada dowladda federaalku ka hesho dalalka kale aysan ku ekeyn oo kaliya hub, balse la siiyo waxyaabo kale sida cunto iyo dawooyin kuwaas oo gacan ka gaysan kara howgallada socda.
"Hubka hadda la siiyay ciidamada dagaalka runtii wuu ka anfacayaa," ayuu yiri wasiir hore Maxamed Mukhtaar Ibraahim, oo BBC-da u warramayay. Wuxuu intaa raaciyay" runtii waa tallaabo soo dhweyn mudan"
Sidoo kale Muktaar ayaa aaminsan in ciidamada Macawisley ay xitaa helayaan waxyaabaha ay ubaahanyihiin marka la eego kaalmadan agabka kala duwan isugu jirta ee la siiyay dowladda Soomaaliya.
Mar la waydiyay in hubkaan isticmaalkiisa ay u diyaarsanyihiin ciidamada Soomaaliya wuxuu sheegay in hubkaan aanu ku cusbeyn ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. "Runtii hubka hadda Soomaaliya la siinayo maaha hub ku cusub oo aaney aad u garaneyn ma aha waa hub loo tababaray isticmaalkiisa,".
Ciidamada Mareykanka

Sanadkii la soo dhaafay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amray in dib Soomaaliya loogu celiyo boqollaal askarta dalkaas, kuwaas oo
maamulkii madaxweyne Donald Trump bishii December ee sanadkii 2020, Soomaaliya kala baxay ciidan Ameerikaan ah oo tiradooda lagu qiyaasay 700 oo askari, kuwaas oo shaqadooda ay ahayd in ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
"Madaxweyne Biden ayaa xilligaas oggolaaday codsi uga yimid Xogyaha Gaashaandhiga oo ahaa in dib loo howlgeliyo milaterigii Mareykanka ee joogay Soomaaliya, si uu wax ku ool u noqdo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab," ayuu yiri mas'uul sare oo ka mid ah maamulka dowladda, kaas oo magaciisa aan la sheegin.










