You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ma dagaal kale ayaa ka qarxi raba gudaha Yurub?
Gaashaanbuurta NATO ayaa cambaaraysay weerar ay ku dhaawacmeen 25 kamid ah nabad ilaaliyayaasheeda ku sugan Kosovo, kadib dibedbax ay sameeyeen dad ka tirsan qowmiyadda Serbiyaanka dalkaas.
Booliska Kosovo iyo ciidamada NATO ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa u adeegsaday dibedbaxayaal ku sugan magaalada Zvecan oo diidan in gobolkooda loo dhiibay maayaro ka soo jeeda qowmiyadda Albeeniyaanka ah.
Dadka mudaharaadka dhigaya ayaa doonaya in ay la wareegaan xarumaha dowladda ee magaaladaas. Tani ayaa dhalisay walaac ah in Kosovo iyo Serbia uu dhexmaro dagaal toos ah.
Xukuumadda Belgrade ayaa ciidamadeeda galisay heegan buuxa.
Xiisadda ayaa billaabatay bishii April markii ay Serbiyiinta Kosovo qaadaceen doorashada golayaasha deegaanka, taasoo u sahashay dadka Albeeniyiinta in ay la wareegaan maamulka deegaannadaas, kadib codbixin ay ka qeyb qaateen dad ay tiradoodu yar tahay.
Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa ku dhaliilay xukuumadda Kosovo in ay uga sii dartay xaaladda ka taagan waqooyiga dalkaas, waxaana ay ku baaqeen in la dejiyo xiisadda taagan.
Kosovo ayaa sanadkii 2008 ku dhawaaqday in ay ka madax bannaan tahay Serbia, kadib sanado badan oo uu khilaaf xooggan u dhexeeyay Seerbiyaanka iyo Albeeniyaanka ee halka ku wada nool.
Maxay isku hayaan Serbia iyo Kosovo?
Kosovo oo ay u badan tahay qowmiyadda Albeeniyaanka ayaa wixii ka horreeyay 2008 ka tirsanayd Serbia, taasoo go’aanka kadib diidday in ay aqoonsato madax bannaanideeda.
Waxaa Kosovo dal ahaan u aqoonsan ku dhawaad 100 dal oo uu kamid yahay Maraykanka.
Dalalka diiddan waxaa kamid ah shan waddan oo Midowga Yurub ka tirsan, Shiinaha iyo Ruushka. Khilaafka ayaa ka dhigay gobolka Balkan-ka mid uu xilli kasta ka dhici karo dagaal ba’an.
Serbiyiinta ku nool waqooyiga Kosovo ayaa mar kasta xiriir la leh dowladda Serbia, waxaana taasi ay abuurtaa xiisad aan dhammaanin.
Magaalada Mitrovica ee xarunta u ah gobolka Waqooyi ayaa u kala qeybsan deegaanno ay kala leeyihiin Seerbiyiinta iyo Albeeniyiinta oo xiriirkoodu kooban yahay. Waxaa guuldaraystay dedaallo ay dowladda Kosovo ku xallin rabtay khilaafka.
Midowga Yurub ayaa marar badan isku dayay inuu xal waara u helo khilaafka u dhexeeya Kosovo iyo Serbia, balse ilaa haatan ma jiro heshiis dhaqangalay oo ay dhinacyadu gaareen.
Hoggaamiyeyaasha labada dhinac
Kosovo iyo Serbia ayaa labaduba waxaa hogaamiya hogaamiyayaal ku adag afkaarta wadaniyadda, oo aan muujin wax tanaasul ah.
Ra’iisal wasaaraha Kosovo Albin Kurti ayaa mar maxbuus u ahaa Serbia, waxaana uu ku caanbaxay dibedbaxyadii horseeday gooni isu taagga gobolkaas. Waxa uu aad ugu ololeeyaa in Kosovo ay ku biirto Albania.
Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vucic, waxa uu xilligii dagaalka Kosovo ahaa wasiirka warfaafinta ee dalkiisa. Waxa uu doonayaa in Kosovo ay ka tanaasusho qeyb kamid ah dhulkeeda, gaar ahaan gobolka ay ku badan yihiin Seerbiyiinta.
Haddii ciidamada Serbia ay gudaha u galaan Kosovo waxa ay taasi horseedi doontaa in ay ku dhacaan nabad ilaaliyayaasha NATO ee halkaa ku sugan.
Kosovo ayaa u baahan in ay heshiis buuxda la gaarto Serbia si ay xubin uga noqoto Qaramada Midoobay iyo dal laga aqoonsan yahay caalamka oo dhan.