Hooyo afar mataano ah ku dhashay Muqdisho

Waa markii labaad ee afar mataano ay isbitaalka ku dhashaan 2 bil gudahood

Xigashada Sawirka, SNTV

Qoraalka sawirka, Waa markii labaad ee afar mataano ay isbitaalka ku dhashaan 2 bil gudahood

Farxiyo Xuseen Cali oo ah hooyo soddon jir ah ayaa isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ku dhashay afar gabdhood oo mataano ah, sida ay BBC u xaqiijiyeen maamulka isbitaalka.

Waa markii labaad ee muddo laba bilood ah gudahood ay afar mataano isbitaalka ku dhashaan.

Hooyada ayaa hore isbitaalka u timid ka dib markii ay dareentay “fool beenaad”, ka dibna dhakhaatiirta ayaa dawooyin siiyey, hase yeeshee xalay ayey mar kale dib u timid isbitaalka, ayadoo markan fool run ah ay haysay.

“Hore ayaa loogu sharxay inay afar mataano ah waddo, loona baahan yahay in ay taxadar dheeraad ah muujiso, ayna sugto usbuucyo. Xilligaas 5 maalmood ayey isbitaalka ku jirtay, laakinse seddex maalmood ka dib ayey soo noqotay. 3dii aroornimo si nabad ah oo dabiici ah ayey u dhashay ilmaha” ayey tiri Fartuun Shariif Maxamed, Agaasimaha Isbitaal Banaadir.

Isbitaal Banaadir waxaa yaalla qalabka loo baahan yahay in la geliyo carruurta aan dhamayska ahayn

Xigashada Sawirka, SNTV

Qoraalka sawirka, Isbitaal Banaadir waxaa yaalla qalabka loo baahan yahay in la geliyo carruurta aan dhamayska ahayn

Waxay intaa ku dartay in carruurta aysan ‘bilo dhamays’ ahayn oo aysan dhamaysan 9-ka bilood ee carruurtu ku dhalato. “Hooyada dhiig yari ayaa ku dhacday dhiig ayaana lagu shubay, carruurtana waxay ku jiraan qaybta lagu koriyo ilmaha aan dhamayska ahayn, ayagana ogsijiin ayaa ku socda” ayey sii raacisay fartuun.

Waxay intaa ku sii dartay in Farxiyo Xuseen Cali ay hadda istaagi karto, oo ay ka soo kabanayso xanuunkii hayey, carruurtana aysan khatar ku jirin, has eyeeshee ay isbitaalka ku sii jiri doonaan si lo baxnaaniyo.

Wasiirka caafimaadka oo soo booqday afar mataano oo dhashay 31 Maarso

Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho

Qoraalka sawirka, Wasiirka caafimaadka oo soo booqday afar mataano oo dhashay 31 Maarso

Hore isbitaalka Banaadir waxaa ugu dhashay bishii Maarso hooyo ayadana 4 ilmood oo mataano ah sidday.

Xilligaas oo ahayd 31kii Maarso, ayey hooyadaas oo ka soo jeedda gobolka Shabeellaha Dhexe waxay dhashay afar gabdhood oo mataano ah

Agaasimaha isbitaalka waxay BBC u sheegtay in isbitaalka ay yaallaan qalabka muhiimka u ah xaaladahaas oo kale in loo isticmaalo, kuwaasoo ay ganacsato ugu deeqeen.

“Laakin waxaa muhiim ah in la garab istaago qoyskaas oo u baahan xanaano, bacdamaa odayga reerka u yahay qof danyar ah” ayey tiri Fartuun Shariif Maxamed.