Wiilka Soomaaliga ah ee doonaya in uu safar mooto ah ku tago cidhifka koonfureed ee Afrika

Feysal Cabdulaahi Cabdi oo ah wiil dhallinyaro Soomaali ah oo safar dhulka ah oo mooto ah ku maraya dalal ka tirsan Afrika.

Safarkan ayaa ah safar waxbarashaso iyo khibrad korodhsi ah sida uu BBC-da u sheegay Faysal.

Faysal ayaa ka bilaabay safarkan magaalada Nayroobi, isaga sida oo kalena soo maray gobollada Soomaalida ee Kenya ee Waqooyi Bari, Mombasa, kaddib Tansaaniya, halkaas oo uu uga sii gudbay halka uu haatan marayo oo ah dalka Malaawi.

"Waxaan isku deyeyaa in safarkayga aan xusuuso ka reebo, oo dhallinyarta Soomaalida uga faa'iideeyo, haddadadan lafteeda waxaan isticmaalaa baraha bulshada oo ku soo gudbiyaa hadhawna sida qoraal iyo baahin kaleba" ayuu BBC-da u sheegay Faysal Cabdilaahi Cali.

Faysal ayaa qarashka safarkan ku baxaya sheegay in uu isagu dejistay oo uu iskii isu maalgelinayo.

Safarkan ayuu doonayaa in uu ku gaadho cidhifka ugu koonfureeya qaaradda ee Koonfur Afrika.

"Socdaalkayga meelihii ugu xiisaha badnaa waxa ay ahaayeen Hadzabi Tribe, oo qabiil keliya ee adduunka ku danbeeya oo aad ilbaxnimada uga fog kuwaas oo ku nool qadhaabsi iyo ugaadhsi" ayuu yidhi Faysal.

Xiisihii safarkiisa

Qabiilkan ayaa deggan ayaa waqooyiga Tansaaniya oo ka mid qabiillada weli sidii hore ee aadamaha u nool iyaga oo keliya jooga kaymaha fog fog ee dalkaas.

Faysal ayaa sheegay in ay xiiso u samaysay habka dadkan.

"Meesha ay deggan yihiin iyo labbiskooda waa wax xiiso leh, markaa waxaad is weydiinaysaa waayadeennii hore ma sidan baynu u noolayn?" ayuu yidhi Faysal.

Muddooyinkii u danbeeyey waxaa adduunka ku soo badaneyey dadka ku safraya mootooyinka baaskiiladaha ee ugu kala gudbaya qaaradaha iyo dalalka kala duwan kuwaas oo doonaya in ay gaadhaan hadafyo kala duwan.

Dadkaas ayaa qaarkood raba in ay dhigaan rikoodho cusub oo ku aaddan dhanka safarka, halka qaar kale ay samayanayaan xogo ay baahiyaan, halka kuwo kale ay doonayaan in ay khibrad helaan.

Waa kuma Faysal?

Faysal ayaa wiil dhallinyaro ah oo ku dhashay kuna barbaaray magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Faysa ayaa ah Youtuber bartiisa ku soo gudbiya safarrada uu sameeyo, si gaar ah kuwa baaskiiladaha iyo kuwo kaleba.

Waxaana hadda ka hor uu Faysal safar baaskiil ku maray Jabbuuti iyo Somaalilaan

Waxaana uu BBC-da u sheegay in keliya aannu safrini dadka uu la kulmona uu wax ku kordhiyo.

"Dadka reer miyiga ah ee aan la kulmi waxaan u sameeyaa wacyigelin, waxaanan u sheegaa in ay carruurtooda waxbarasho geystaan" ayuu yidhi Faysal.

Isaga oo socdaalkani aannu noqonayn kii ugu horreeyey ee u sameeyo, isaga oo habkan u safraya.

Waxaa hore u jiray nin dhallinyaro ah oo hore safarkaasoo kale u sameeeyey.

Cadnaan Cadceed oo ah wiil dhallinyaro ah oo ku nool Magaalada Hargaysa ayaa muddo sannad ah ku safrayay baskiilka, isagoo oo ku dhawaad saddex waddan ku tagay intii uu ku safrayay baskiilka 2022 - 2023.

Waddamada uu ku tagay waxaa ka mid Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya, waxa uu sidoo kale maray guud ahaan Somaliland marka laga reebo gobolka Sool.

Cadceed oo uu qorshahiisu yahay inuu baskiilka ku maro guud ahaan caalamka oo dhan ayaa sheegay inuusan markii hore ku fikrayn inuu baskiil uu ugu kala dhex goosho magaalooyin badan.

Waxa uu BBC-da u sheegay inuu lahaa riyo taas ka weyn oo u hirgeli weysay taas oo ahayd inuu noqdo duuliye.