Maxaa ka jira in dowladda Qatar ay hadiyad u siinayso Trump diyaarad casri ah?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in maamulkiisu uu jeclaan lahaa in Qatar ay ka aqbasho hadiyad diyaaradeed oo dhan $400 milyan, isagoo ku tilmaamay inay tahay arrin aad u wanaagsan ayna nacasnimo tahay in la diido.

Tallaabadan suurtagalka ah ayaa lagu tilmaamay inay tahay "gabi ahaanba sharci-darro ah" qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee ay iska soo horjeedaan - taasoo Aqalka Cad ay beeniyeen islmarkana ay cambaareeyeen taageerayaasha Trump.

Qatar qudheeda ayaa horay u sheegtay in wararka la xiriira diyaaradda ay yihiin kuwo aan sax ahayn, isla markaana ay socdaan wada xaajoodyo.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli Trump uu booqasho ku tagay dalal dhowr ah oo ku yaalla bariga dhexe oo ay ku jirto Qatar.

Maxaan ka ognahay diyaaradda?

Axaddii, warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in maamulka Trump uu isku diyaarinayo inuu aqbalo diyaarad weyn oo Boeing ah oo qaali ah, oo loo yaqaan Boeing Jumbo Jet, oo ka timid qoyska boqortooyada Qatar. Diyaaradan ayaa dib u habeyn lagu sameyn doonaa waxaana si ku meel gaar ah loo isticmaali doonaa sida Air Force One, magacaasi oo ah midka loo yaqaano diyaaradda uu imika istcmaalo madaxweynayaasha Mareykanka.

Markii dambe, Trump cinwaanka uu ku leeyahya barta Truth Social: soo dhigay qoraal u dhignaa: Wasaaradda Difaaca waxay heleysaa hadiyad bilaash ah oo ah 747 si ay si ku meel gaar ah u bedesho diyaaradda Air Force One oo 40-sano jirsatay taasi oo ah heshiis dadweyne oo hufan."

Mar ay saxafiyiintu waydiiyeen Trump waxa uu yiri "Waa deeqsinimo cajiib ah oo ka timid Qatar, aad ayaan uga mahadcelinayaa, waligay ma diidi doono dalab noocaas ah".

Bishii Febraayo ee la soo dhaafay, Trump wuxuu sheegay "in uusan ku faraxsanayn Boeing" dib u dhigista labada diyaaradood ee cusub ee Air Force One, kuwaas oo uu filayay inay si toos ah uga helaan shirkadda. Waxa uu intaa ku daray in Aqalka Cad laga yaabo inuu "iibsado diyaarad ama uu helo diyaarad,.".

Diyaaradda Qatar ayaa laga so qadaay sawir iyada oo taalla xeebta Palm Beach, Florida, oo ah goob loo dalxiis tago bishii Febraayo, halkaasoo Trump uu kormeeray. Diyaaradda ayaa hadda leh saddex qol oo jiif ah, qol gaar ah, iyo xafiis, sida ku cad dukumeenti kooban oo gaar ah oo la shaaciyay 2015 ah.

Sarkaal dowladda Qatar ka tirsan ayaa CNN u sheegay in diyaaradan ay ugu deeqday Wasaaradda Difaaca Qatar Pentagon-ka, waxna laga beddeli doono si ay u waafaqdo heerka badbaadada iyo amniga ee Air Force One.

Khubarada ayaa sheegaya in tani ay u badan tahay inay qaadan doonto sanado, taasoo la micno ah in diyaarada aysan diyaar u ahayn in la adeegsado ilaa inta uu ka dhamaanayo xilliga Trump.

Trump wuxuu sheegay in diyaaradda si toos ah loogu wareejin doono madxafkiisa madaxtooyada ka dib marka uu xafiiska ka tago, iyo in "aanu isticmaali doonin" ka dib marka mudda xileedkiisa dhameysto.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa dhaleeceyn uga timid xisbiga Dimuqraadiga, iyo sidoo kale qaar ka mid ah taageerayaasha Trump , oo ay ku jirto dhaqdhaqaaqa garabka midig ee Laura Loomer, oo tiri, "Tani waxay ku noqon doontaa ceeb maamulka, haddii ay run tahay."

Hadiyadu ma sharci baa?

Dhawr ka mid ah Dimuqraadiyiinta sare ayaa ku andacoodey in aqbalitaanka hadiyaddu ay tahay "sharci darro ah."

Senetarka Dimuqraadiga Adam Schiff wuxuu soo xigtay qodob ku jira dastuurka Mareykanka kaasoo dhigaya in mas'uul la doortay uusan aqbali karin "hadyad kasta... noocuu doono ha ahaadee islamarkana uusna ka aqbali karin hoggaamiye ajnabi ah isagoon ansixin Congress-ka ka helin.

Qodobkan "waxaa loogu talagalay in laga hortago laaluushka si uusan saameyn ugu yeelin dowladda," ayuu yiri Frank Cogliano, borofisar taariikhda Mareykanka ka dhiga Jaamacadda Edinburgh.

Waxaa jiray sharciyo kale oo dhowr ah oo ay ansixiyeen Congress-ka oo ku saabsan aqbalaadda hadiyadaha ajnabiga, sida qodobka Hibada iyo Sharafta Shisheeye ee 1966, kaas oo u baahan ansixinta kongareeska si loo aqbalo hadiyado shisheeye oo ka badan qiimo gaar ah.

Hadda, saraakiisha Maraykanku waxay aqbali karaan hadyado qiimahoodu ka yar yahay $480.

Inkasta oo Trump uu tilmaamay in diyaaraddu ay ugu dambeyntii aadi doonto keydka"Mdxafkiisa", khubaradu waxay soo jeediyeen inuu dhab ahaantii ula jeedo matxafka aasaaskiisa.

Madaxwaynayaashii hore waxay sida caadiga ah haystaan ​​maktabad ay ku jirto kaydkooda, iyo madxaf — oo inta badan lagu maalgeliyo deeqaha gaarka ah - oo ay ka buuxaan waxyaabo xusuus ah oo u furan dadweynaha.

Khubarada oo ay BBC-da la hadashay laanta Xaqiiqda Raadinta ayaa carabka ku adkeeyay in suurtagalnimada in diyaaradda la siiyo maamulka -halkii si toos ah loo siin lahaa madaxweynaha - ka hor inta aan loo wareejin madxafkiisa aysan ka fogaan karin ku xadgudubka Dastuurka.

Jordan Leibowitz oo ka tirsan xarunta Citizens for Responsibility and Ethics ee Washington ayaa sheegay in isticmaalka kasta oo diyaaradda uu isticmaalo Trump ka dib markii uu xafiiska ka tagay ay ka gudbi doonto calaamadda: "Reagan's Air Force One waxay ku dhammaatay maktabadda madaxtooyada, laakiin halkan farqi baa jira. Diyaaraddu waa hawlgabtay, Reagan mar dambe kuma duulin, oo hadda waxay ku fadhidaa gudaha maktabadda sida qayb madxaf ah."

Waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarisay qoraal ay ku sharraxayso sababta ay u aaminsan tahay in aqbalida diyaaradda ay tahay mid la ogol yahay, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin.

Markii xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Carolyn Leavitt wax laga waydiiyay sharcinimada heshiiska, waxay tiri, "Faahfaahinta sharciga ah ayaa wali laga shaqaynayaa, laakiin dabcan, deeq kasta oo la siiyo dawladdan waxaa had iyo jeer loo sameeyaa si buuxda oo waafaqsan sharciga."