Waa sidee xaalka duulimaadyada Baydhabo ee la sheegay in 'hakad ku yimid'?

Muqdisho

Xigashada Sawirka, SOCAIL

Wararka laga helayo Muqdisho ayaa sheegay in dib u dhac ku yimid duulimaadyadii diyaaradaha rayidka ee u socday magaalada Baydhabo, kuwaas oo ka anbabixi lahaa magaalada Muqdisho saaka, in kasta oo markii dambe ay baxeen.

Sida ay BBC da u sheegeen ilo ka tirsan dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, 'waxay ogaadeen in la hakiyay duulimaadyo u socday magaalada baydhabo oo ahaa kuwa rayid saaka'.

Aadan Abaarey oo ah la taliye ka tirsan wasaaradda amniga ee Koonfur Galbeed oo isaga oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho la hadlay BBC da, ayaa ku eedeeyay dawladda Soomaaliya "in ay amar ku bixisay in la hakiyo duulimaadyada rayidka ee aada baydhabo".

Waxa uu sheegay in qudhiiso uu ka mid ahaa dad ku xanibmay garoonka oo uu dib u dhac ku yimid duulimaadkii uu ku qornaa.

“Saaka aroortii hore ayaan soo galnay garoonka diyaaraha ee Adan Cabdulle anagoo ku wajahnayn magaalada Baydhabo dad badan oo shacab ah iyo anagoo isugu jirna siyaasiyiin. Waxaa laynuga wargeliyey in diyaaradu aysan baxayn, waxaan soo galnay shantii iyo afartan daqiiqo” ayuu BBC da u sheegay Abaarey.

Hay'adda Duulimaadyada Rayidka Soomaaliya (SCAA), oo war saxafadeed ku aadan arrinkaan ku soo daabacday baraheeda bulshada ayaa waxay sheegtay "in aysan jirin wax hakad oo ku yimid duulimaadyada aada magaalada Baydhabo".

hay'adda duulist arayidka

Xigashada Sawirka, SCAA

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineeysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbedel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaad-yadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba.”ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda duulista rayidka Soomaaliya.

Rakaab qaar oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in tigetyada diyaarada ay raaci lahayeen ay ugu qornayd inay ka baxayaan garoonka Aadan Cabdulle siddeeda iyo barka subaxnimo.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay sheegeen dadka qaar in bilowgii ay heleen tikid lagu raaco-buska basle markii danbe saraakiisha diyaarada ee ka shaqaynayey garoonka ay u sheegeen inay diyaaradu dib u dhacayso basle aysan sabab la wadaagin.

Lataliye Aadan Cabdi Abaarey oo BBC-du la hadashay mar kale ayaa sheegay in mar danbe howl wadeenada diyaaraddu ay ku wargeliyeen in duulimaadka Baydhabo uu baxayo.

In kasta oo aynaan si madaxbanaan u xaqiijin karin, Aadan waxa uu sheegay in afar saac ka badan ay ku xayirnaayeen garoonka.

BBC-da ayaa isku dayday in xiriir la samaysay hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya iyo hay'ado kale oo ka tirsan dawladda Soomaaliya, si aan faahfaahin dheeraad uga weydiino dhacdadaan, balse nooma aysan suuragalin inaan helno, in kasta oo aan isku dayo badan samaynay.

Xubno ka tirsan xildhibaanada laga soo doorto dowlad goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa qaybtood baraha bulshada kaga hadlay "dibu dhaca ku yimid diyaaradihii rakaabk"a.

Duulimaadyada diyaaraha gudaha ayaa si maalin leh isaga kala goosha gobolada Soomaaliya.

Baydhabo

Xigashada Sawirka, OPM

Wararka hadda naga soo gaaray Baydhabo ayaa sheegaya in duulimaadyadii ay si nabadgalyo ah hadda uga dageen magaalada Baydhabo.

Dhawaan ayey ahayd markii uu Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu booqday magaalada Baydhabo halkaas oo ay kulamo kula yeeshay madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Lafta-gareen.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warar madaxbanan oo aysan BBC-du xaqiijin sheegeen in safarkiisu daranaa wax ka qabashada tabashooyin ay muujiyeen maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Sidaas oo kale xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee barlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa si adag ugu horyimid qorshaha dowladda Soomaaliya ay dalka ugu saarayso ciidamada Itoobiya oo meelaha ay ku sugan yihiin ay ka mid tahay Koonfur-galbeed.

Koonfur-galbeed ayaa horraan sheegtay inay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan in deeganadooda ay kaga xoraynayaan al-shabaab in kasta oo ay kuwa badan ay ka taliyaan kooxda al-shabaab.