Maxaad ka ogtahay inta sano ee uu jiro dayaxu?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tan iyo markii ugu horreysay ee bini'aadamku ay cagta saaraan dayaxa sannadkii 1969-kii, saynisyahannadu waxa ay baaris ku sameeyeen dhagxaanta qiimaha leh ee cirbixiyayaashu dib ula soo noqdeen.
Mid ka mid ah ujeedooyinkooda ugu weyn ee lagalahaa baaritaanadaas ayaa ah inay ogaadaan da'da Dayaxa.
Helitaanka da'da dayaxa uma fududa sida marka la fiirinayo kaararka aqoonsiga ee dadka.
Markii hore, saynisyahannadu waxay moodayeen in dayaxu jiray qiyaastii 4.35 bilyan oo sano, inkastoo cilmi-baaris cusub ay muujisay in da'da dayaxu ay tahay mid ka weyn dhowr milyan oo sano.
Barafisoor Francis Nimmo iyo nin ay shaqo wadaag yihiin oo ka socda Jaamacadda California, oo lagu magacaabo Santa Cruz oo labaduba ku sugan gudaha Mareykanka ayaa sameynaya cilmi baaris ku saabsan arrintan.
Tijaabooyin loo isticmaalayo in lagu go'aamiyo da'da dayaxa ayaa laga soo ururiyay oogada dayaxa waqtigii halkaas la tagay.

Xigashada Sawirka, NASA
Kooxda cilmi-baaristu waxay aaminsan yihiin in dusha dayaxa uu dhab ahaantii "dib u sameysay" qiyaastii 435 bilyan oo sano ka hor, iyada oo ay ku dhex jiraan muunado duug ah oo ku dhisan wali lakabyada hoose ee dayaxa.
Kooxda cilmi-baaristaan samaysay ayaa baaritaan ku samaysay jeexjeexyada iyo godadka dayaxa, da'da qaar ka mid ah macdanaha iyo dhagxaanta la soo qaaday ayaa tilmaamaya in dayaxu laga yaabo inuu jiro 451 bilyan oo sanno, waxaana muhiim in tiradaasi ay 150 milyan oo sanno ka weyn tahay qiyaasihii hore. Farqigaas ayaana muhiim ka dhigaya cilmi baaristaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Saynis yahanadu waxa ay rumaysan yihiin in dayaxu uu samaysmay wakhti hore oo jihowareer uu ku dhacay nidaamka meerayassha ku hareereysan qorraxdda, markaas oo meere aan jiritaankiisa wali la hubin oo lagu magacaabo Theia, oo cabirkiisu la ekaa kan xiddiga haatan jira ee Mars, uu sida la sheegay hertiyay meeraha dhulka oo markaas cusbaa.
Jajabkii ka dhashay isku dhacaas labada meera ayaa waxa ay qabaan saynisyahanadaani in uu isku badalay sameysanka dhagax dhalaaaya, kaas oo galay hawada sare. Dhagaxaas ayay sheegeen in uu samaystay giraan qolof ah oo adag oo ku wareegaysa dhulka.
Muddo ka dib, walxahaas oo dhan ayaa is bahaystay, waxaana ka dhashay meeraha haatan jira ee Dayaxa.
Kooxda cilmi-baarista samaysay ayaa aaminsan in dayaxu markii hore dhalaalay ka dibna uu ay ku qaadatay muddo dheer in uu qaboobo, sababtaas awgeedna uu dhalaalkii iyo milankii dib qaabeeyay naqshadda dayaxa ee haatan.
Waxay la sheegay in cilmi-baaristan ay sharxi karto sababta aysan u jirin dildilaacyo, daloolo, ama dalool dusha dayaxa ah, inkasta oo dhagxaani ay ku dul dhaceen dayaxa qiyaastii 4 bilyan oo sano ka hor.













