Filim sameeyaha ku koray xerada qaxootiga ee ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah

Filimsameeye Saciid Fadhaye

Xigashada Sawirka, Said Fadhaye

Qoraalka sawirka, Filimsameeye Saciid Fadhaye
    • Author, Abdishukri Haybe
    • Role, BBC-Somali

Soomaaliya oo in ka badan soddon sano ay wali ka jiraan colaado ayaa waxaa marar badan laga tabiyaa warar la xariira dagaallo, barakac, baahi, balse sanidihii u danbeeyay waxay u egtahay in Soomaaliya uu ka jiro horumar iyo nolol dhaantii tii ka jirtay waqtigii colaadaha ba'ani ay socdeen.

Film sameeye Saciid Fadhaye oo ka mid ah muuqaal duubayaal Soomaaliyeed oo go'aan saday in ay sawirka wanaagsan ee Soomaaliya baahiyaan ayaa aaminsan in ay jirto sheeko sheelan oo sheegis u baahan.

Saciid ayaa u arko in doorkii sheekooyin wanaagsan ee Soomaaliya ay gabeen warbaahinta ka warranta Soomaaliya.

‘‘Waxaa noo imaada warbaahin caalami ah oo marti noo ah; waxa kaliya ee ay raadinayaana waxay tahay waa waxii iyaga loosoo diray – kuwaas ayay dabogalaan wakhti badana ma hayaan. Keliyana waxyaabaha ay sameeyaan waxay tahay halkaan buu qarax ka dhacay!”, sidaas waxaa aamin Siciid oo BBC da la hadlay.

Sida uu sheegay Siciid, taasi kama dhigna in uusan qirsanayn xaaladda nololeed ee khadhaadh ee Soomaaliya taala.

‘‘Waa run Soomaaliya dhibaato way soo martay, haddadaan aan isla hadlaynana waxyaabo badan baa jira. Laakiin ma’aha in sheekadii Soomaaliya oo dhan ay kusoo ekaato burbur iyo qarax keli ah” ayuu leeyahay Saciid oo hadalka sii wata.

Saciid dhawaan waxuu ku guuleystay abaalmarin caalami ah oo ku saabsan sheeko gaaban oo uu ka sameeyay dalka taas oo uu ugu magac daray ‘Soomaaliyada Cusub’ waa Soomaaliya ku cusub indhahii arki jiray keliya muuqaalka naxdinta leh ee Soomaaliya.

Sawir uu qaaday Saciid

Xigashada Sawirka, Said Fadhaye

Qoraalka sawirka, Sawir dusha ka ka muujinaya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya

Bilowga sheekadan muuqaalka ah waxaa ibo fur u ah weedh afka Ingiriiska ah oo macnaheedu yahay. ‘‘Sheekooyinka aan maqalo ee dadka iyo goobaha ku saabsan, waxay saamayn ku yeeshaan sida aan u fekero iyo sidaan u dhaqanno”.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaana xigay taas muuqaaladii indhaha, maqalka, caqliga iyo dareenkaba u daraa ee warbaahinta caalamiga ahi Soomaaliya ka tabinaysay. Waa qarax, waa qax, waana qaxar abaar ah.

Balse waxyar kadiba waxaa isbeddelaya muuqaalka; waa xeebta curubo iyo dabaysha badda oo garaacaysa janbiga dhismayaal taariikhi ah oo kasoo hadhay burburkii.

Sheekada muuqaalkan ka hadlayo oo ku qotonta film sameeyaha qudhiisa ayaa ka warramaysa sida isagoo yar isaga iyo qoyskiisaba uu dagaalkii sokeeye ugu qasbay in ay dalka ka qaxaan, badi noloshiisii carruurnimana uu ugu qaatay xero qaxooti oo ku taala Kenya.

‘‘Waxaan kusoo koray meel xero qaxooti ah, waxaana jirtay qolyo warbaahin ah oo noo imaan jirtay oo wax naga duubi jirtay – waxay naga duubi jireenna waxuu ahaa [tusaale] ilmyaroo buskud loo qaybinaya uun” ayuu yiri Saciid oo dib u milicsanaya noloshiisii qaxootinimo iyo warbaahintii uu isagu arki jiray.

Sheekooyinka uu sameeyay kuma koobna oo keliya filimkaan, balse Saciid waxuu inta badan safaro ku maraa gobolada dalka Soomaaliya iyo guud ahaanba dhulka Soomaalida isaga oo sawirro iyo muuqaalaba ku muujiyana nolosha dahsoon ee Soomaalida xiitaa markay aragto dib-u-gelinaysa xusuus milicsigeeda naftooda saamayn ku yeelanayso, murugo, farxad iyo rejaba.

Waxuu barahiisa bulshada sida Instagram, Youtube iyo Tiktok-ba soo geliyaa muuqaalo kala duwan oo ku saabsan nolosha caadiga ah ee Soomaaliya waxaana halkaas ka daalacda kumanaan iyo boqolaal kun oo qof.

Sawir muujinaya hooyo Soomaaliyeed oo ilmo dhabarka ku sida mayalkana u ahaysa awr ay ku raranyahiin alaabtii reerka oo geedi ah

Xigashada Sawirka, Said Fadhaye

Qoraalka sawirka, Sawir muujinaya hooyo Soomaaliyeed oo ilmo dhabarka ku sida mayalkana u ahaysa awr ay ku raranyahiin alaabtii reerka oo geedi ah

Saciid dikumintarigiisa gaaban ee "Soomaaliyada Cusub" waxuu ku guuleystay bilad abaalmarin ah oo ay bixisyo The Telly Awards, oo sharafta muuaal sameeyayaasha talefeeshinnada iyo dhammaan dhalooyinka wax laga daawado ee dunida waxaana la sameeyay 1979-kii. Waxuuna dikumintariga ee uu sameeyay ku guuleystay biladdda muuqaalada ka yar 40-ka daqiiqo.

Soomaaliya dadka ka shaqeeya ee filimsameeyayaasha, sawirqaadayaasha, iyo saxafiyiinta isugu jira waxay la kulmaan caqabado joogta oo naftooda. Hay'adda xoriyadda saxaafadda u dooda ee Free Press, waxay sheegtay in Soomaaliya mid kamid ah meelaha ugu halista badan ee saxafi lagu noqdo. iyada oo saxafiyiintu la kulmaan handadaado iyo weeraro.

Said Fadhaye

Xigashada Sawirka, Said Fadhaye

Qoraalka sawirka, Said Fadhaye

Waxuu qabaa Saciid Fadhaye in dhallinyarada sheekada Soomaaliya dunida tusinaysa in ayna gudaha dalkooda ku helin dhiirigelintii ay mudnaayeen isaga oo taas u sababaynaya in dadkuba ayna ku baraarugsanayn shaqadooda.

"Dhiirigelintii ay mudnaayeen dadka inta badan waxa wanaagsan ka sheega Soomaaliya ma helaan. Sababtuna waxay tahay dadka Soomaaliyeed oo aan ku baraarugsanayn [ahmiyadda shaqada dadkani qabtaan]".

Abaalmarinta la siiyay haddeer ayuu Saciid ku sheegay in ay tahay mid uu ku taamaayo aadna ugu faraxsanyahay maadaama oo shaqadiisii quruxda badnayd ee uu dalkiisii hooyo ka qabanaayay la aqoonsaday. Waa aqoonsi Saciid shaqadiisa abaalmarin lagu siiyay ka horba intii dalkiisii uu sheekada wanaagsanayd ka sheegaayay uu san u abaalgudin.

"Waa abaalmarintii ugu horreysay ee caalami ah oo aan helo, waliba aan ku helo dukumeentari aank sameeyay howl ayaamo badan aanku jiray oo dalkayga Soomaaliya ah."