Trump oo dalalka Nato ku xiray shuruud si uu cunaqabatayn ugu soo rogo Ruushka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu cunaqabateyn adag ku soo rogo Ruushka, balse waa haddii dalalka Nato ay buuxiyaan shuruudo gaar ah oo ay ka mid yihiin joojinta iibsashada saliidda Ruushka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social, Trump wuxuu ku sheegay inuu "diyaar u yahay inuu soo rogo cunaqabatayn weyn oo ka dhan ah Ruushka" marka ay waddamada NATO "isku raacaan, oo ay bilaabaan, inay sameeyaan isla arrintaas."

Trump ayaa marar badan hanjabaado culus u jeediyay Moscow, laakiin ilaa hadda wax tallaabo ah ma qaadin, xilli Kremlin-ku uu iska indhatiray waqtiyadii kama dambaysta ahaa iyo hanjabaadihiisa cunaqabataynta.

Wuxuu ku tilmaamay iibsiga shidaalka Ruushka mid "yaab leh" wuxuuna sidoo kale soo jeediyay in NATO ay saarto canshuur dhan 50 ilaa 100% Shiinaha, isagoo ku andacoonaya in tani ay daciifin doonto "xakamaynta xooggan" ee Ruushka.

Waxa uu ugu yeeray warqad uu u diray dalalka Nato, Trump waxa uu ku yiri "Diyaar baan u ahay in aan 'aado' marka aad diyaar tihiiin, kaliya dheh goorma?

Wuxuu intaas ku daray, "Iibsiga shidaalka Ruushka ee ay qaar sameynayaan waa mid layaab leh! Waxay si weyn u wiiqaysaa awooddiinna gorgortan iyo saameynta aad ku leedihiin Ruushka."

Trump ayaa sidoo kale sheegay in joojinta iibsiga tamarta Ruushka, oo ay la socoto canshuur culus oo la saaro Shiinaha, taasoo uu sheegay in "laga laaban doono gebi ahaanba marka dagaalku dhamaado," ay noqon doonto "caawimaad weyn" oo lagu soo afjari karo colaadda.

Tan iyo markii Ruushku bilaabay duullaanka ballaaran ee Ukraine, ku tiirsanaanta Yurub ay ku tiirsan tahay tamarta Ruushka si weyn ayey hoos ugu dhacday.

Sannadkii 2022, Midowga Yurub wuxuu qiyaastii 45% gaaska ka keensaday Ruushka. Laakiin sanadkan waxaa la filayaa in heerkaas uu hoos ugu dhaco ilaa 13%. Si kastaba ha ahaatee, hadalka Trump wuxuu muujinayaa inuusan u arkin in hoos u dhacaas uu ku filan yahay.

Fariinta Madaxweynaha Mareykanka ayaa timid xilli xiisad xooggan ay ka dhex taagan tahay xulafada NATO iyo Ruushka, kadib markii in ka badan toban diyaaradaha an duuliyaha lahayn oo Ruushka leeyahay ay galeen hawada dalka Poland Arbacadii.

Warsaw waxay sheegtay in duullaanku uu ahaa mid ula kac ah, balse Moscow ayaa hoos u dhigtay dhacdadan, waxayna sheegtay inaysan "u qorshaynayn in la beegsado" xarumaha Poland.

Dhinaca kale, Denmark, France iyo Germany ayaa ku biiray howlgallo cusub oo NATO ah oo lagu xoojinayo dhanka bari ee isbahaysiga, iyagoo qorsheynaya inay ciidan iyo qalab milatari u raraan bariga.

Isbuucii hore, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sidoo kale dalab rasmi ah u jeediyay dalalka Yurub si ay u joojiyaan iibka shidaalka iyo gaaska Ruushka.

Wareysi uu siiyay ABC News, wuxuu ku yiri: "Waa inaan joojinno iibsiga nooc kasta oo tamar ah oo Ruushka laga helo. Dhab ahaantii, wax heshiis ah lama geli karno haddii aan dooneyno inaan joojino dagaalka. Ma jiri karaan wax heshiis ah haddii aan dooneyno inaan hakino Ruushka."

Tan iyo sanadkii 2022, dalalka Yurub waxay ku bixiyeen ku dhawaad 210 bilyan Yuuro shidaalka iyo gaaska Ruushka, sida ay sheegtay xaunta cilmi baarista tamarka iyo hawada nadiifka ah ee CRECA. Lacagtaas badankeeda ayaa si dadban u maalgelisay duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Midowga Yurub wuxuu horey u ballanqaaday inuu si tartiib tartiib ah uga baxayo heshiisyada shidaalka Ruushka ka hor sanadka 2028. Balse Mareykanka wuxuu doonayaa in arrintaas si degdeg ah u dhacdo — isagoo sidoo kale raba in Yurub ay ka iibsato shidaalka Mareykanka halkii ay ka sii wadan lahaayeen heshiisyada Ruushka.

Fariinta Trump waxay si gaar ah ugu socotay waddamada NATO, ma ahayn Midowga Yurub, taasoo la micno ah inay si toos ah u khuseyso dalal sida Turkeyga, oo ah dal si weyn u iibsada shidaalka Ruushka kana mid ah xulafada NATO ee xiriirka dhow la leh Moscow — marka loo eego xubnaha kale ee isbahaysiga.

In Ankara lagu qanciyo inay jarto xiriirka shidaalka Ruushka waxay noqon kartaa hawl aad u adag.

Hanjabaddii ugu dambeysay ee Trump ee cunaqabatayn adag oo ka dhan ah Ruushka waxay ahayd horraantii bisha Sebtembar, kadib markii Kremlin-ku qaaday weerarkii ugu culusaa ee cirka ah ee Ukraine tan iyo bilowgii dagaalka.

Markii suxufiyiin weydiiyeen haddii uu diyaar u yahay inuu u gudbo "wejiga labaad" ee ciqaabta Ruushka, Trump wuxuu ku jawaabay, "Haa, waan ahay," – balse faahfaahin dheeraad ah ma bixin