Wax ka ogow taariikhda aan la xusin ee bunka (qaxwo)

Bunka

Xigashada Sawirka, NICK DAVID

In ka badan laba bilyan oo koob oo bun ama qaxwo ah ayaa maalin kasta laga cabaa dunida. Britain oo qura, ayaa dadkeedu waxa ay maalintii cabaan 90 milyan oo koob oo bun ah.

450 sano ah, bunka ayaa ahaa wax aan laga aqoon dalalka Galbeedka. Waxa uu asal ahaan ka soo bilowday dalka Itoobiya, dalkaas oo uu si weyn uga baxo geedka bunka.

Dadkii xilligaa ku noolaa Itoobiya ayaa ogaaday in marka la qalajiyo miraha bunka laga sameyn karo cabitaan madaxa dejiya. Kadib waxa uu si weyn ugu faafay dalkaas.

Reer Galbeedkii xilligaa booqan jiray Itoobiya ayaa ogaaday muhiimadda uu leeyahay cabitaanka bunka, waxaana ay geeyeen dalalkooda.

Waxa ay fahmeen in cabidda bunka uu u wanaagsan yahay maskaxda, gaar ahaan marka ay dhinacyada ka xaajoonayaan arrimaha ganacsiga.

Markii se uu bunku gaaray dalalka Galbeedka, waxa ay shacabkii halkaa ku noolaa u arkeen siyaabo kala duwan. Qaar ayaa ku tilmaamay “cabitaankii Pluto ee ay saaxiriinta ka shubi jireen madaxa dadka dhintay”.

Maqaayadii ugu horreysay ee bunka

Guud ahaan Britain, maqaayadii ugu horreysay ee lagu iibiyo bunka ayaa sanadkii 1651 lagu furay Oxford. Waxaa xigay mid kale oo laga furay caasimadda London.

Qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan shaqaalaha bangiyada, ganacsatada, mutacalimiinta iyo dadka caadiga ah ayaa billaabay inay cabaan bunka.

Boqorkii England ee Charles II ayaa mar isku dayay inuu mamnuuco cabitaanka bunka, isagoo sheegay inuu horseedo khiyaanada qaranka.

Xilligaas waxaa bunka cabi jiray ragga oo qura, waxaana loo yaqaanay cabitaanka ragga. Dhanka kale waxaa soo baxay quraafaad badan oo ku saabsan cabitaanka bunka.

Sanadkioi 1674, dadka qaar ayaa ku dooday inuu ragga ka dhigo “ma dhaleys” oo uu kulaykiisa uu yareeyo waxtarka shahwada ragga. Sanado kadib, waxaa soo baxday sheeko ah in bunka uu kordhiyo dareenka ragga, isla markaana uu xoojiyo ragganimadooda xilliga galmada.

Bunka

Xigashada Sawirka, TOM WERNER

Casriyeynta bunka

Waagii hore, bunka waxaa loo karin jiray sida shaaha oo kale. Balse markii uu Talyaaniga qarnigii 19-aad sameeyay makiinadda Espresso taasoo casriyeysay habka loo sameeyo bunka.

Dhaqanka bunka ee Talyaaniga ayaa ku faafay dunida galbeedka. Waxaa se sii kordhay caadooyinka ku aaddan bunka, sida in aan nooca cappuccino la cabi karin qadada kadib.

Noocyada bunka

Labaatankii sano ee la soo dhaafay, waxaa caalamka ku soo kordhay noocyo cusub oo bunka loo sameeyo. Waxaa kamid ah nooca loo yaqaan American Coffee iyo bunka cad.

Waxaa caadi noqotay in bunka oo kooban caag ah ku jira ay dadka la maraan wadooyinka xilliyada ay u socdaan shaqooyinkooda.

450 sano kadib, bunka ayaa ku faafay daafaha caalamka, waxaana u noqday mid muhiim u ah noolasha aadanaha.