Soo celinta koontaroolka xuduudaha ee Netherland saameyn noocee ah ayey ku yeelan kartaa isu socodka dadka degan Yurub oo ay Soomaalidu ka mid tahay

Dalka Netherland

Xigashada Sawirka, AP

Sida laga soo xigtay Midowga Yurub, waddamada xubnaha ka ah waxaa loo oggol yahay inay si ku meel gaar ah dib ugu soo celiyaan kontaroolada xuduudaha gudaha ee ururka haddii ay dhacdo khatar weyn, sida mid ka mid ah amniga gudaha.

Dowladda Holland ayaa Isniintii ku dhawaaqday qorshayaal ay kusoo bandhigayso baaritaanno dheeraad ah oo dhanka xuduudaha ah si wax looga qabto socdaalka aan joogtada ahayn, ka dib tallaabo taas la mid ah oo uu Jarmalku qaaday bishii Sebtembar.

Tallaabadan ayaa ah dadaalkii ugu dambeeyay ee ay dowladda midigta fog ee dalkaasi ku doonayso inay ku xoojiso koontaroolka socdaalka iyadoo ay sare u kacday nacaybka ajaaniibta guud ahaan Yurub oo dhan.

Wasiirka socdaalka ee Holland Marjolein Faber ayaa kaga dhawaaqday siyaasaddan warsaxaafadeed ka dib markii ay heshay ansixinta golaha wasiirada.

"Waxaa la joogaa waqtigii si dhab ah wax looga qaban lahaa muhaajiriinta sharci darada ah iyo tahriibka aan joogtada ahayn. Taasi waa sababta aan u bilaabi doono dib u soo celinta koontaroolada xuduudaha Nederland laga bilaabo bilowga Disembar, "ayay ku tiri hadal ay soo saartay.

Talaabadan oo lagu wado in ay dhaqan gasho 9-ka December ayaa waxa ay waafaqsantahay sharciga Midowga Yurub ee dhigaya in waddamada xubnaha ka ah ay ku wargaliyaan Brussels afar toddobaad ka hor inta aan la xadidin xoriyada dhaqdhaqaaqa.

Horraantii sanadkan, Faber waxa ay u sheegtay Brussels in Netherlands ay sidoo kale rabto inay ka baxdo waajibaadka qaxootiga ee Midowga Yurub.

Geert Wilders, oo ka tisarn xisbiga ka soo horjeeda socdaalka uu ku guuleystay saamiga ugu badan ee kuraastii doorashooyinkii sannadkii hore, ayaa baraha bulshada soo dhigay in xisbigiisa PVV "uu hirgelinyo ballanqaadkiisa." Wilders waxa uu ku baaqayay in la xiro xuduudaha Nederland muddo ka badan toban sano.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Faber, oo ku metsha xisbiga Wilders Golaha Wasiirada, ma aysan caddeyn sida loo fulin doono kontaroolka xuduudaha. Talaabadan ayaa imaanaysa iyada oo aan wax dhaqaale ah oo dheeri ah loo qorsheyn siyaasadda qaranka ee ku aadan habka loo hubinayo xuduudaha. Xayiraadaha lixda bilood ah waa in lagu sameeyaa "awooddaha markaasi jira" ayaa lagu yiri bayaanka.

Netherlands waxay leedahay boqollaal waddo oo oo ka yimaado xudduudaha dhulka ee Jarmalka iyo Beljamka. Hadda, booliisku waxay sameeyaan baaritaannada goobta ah. Faber waxa ay leedahay waa in kontaroolada xuduudaha lagu fuliyaa sida ugu caqabdda yar ee suurtagalka u ah gaadiidka.

Jarmalku waxa uu bilaabay in uu baaritaano la mid ah kuwan uu ka sameeyo xuduudka uu la wadaago France, Netherlands, Belgium, Luxembourg iyo Denmark bishii hore ka dib weeraro dhawr ah oo ay fuliyeen kooxaha xagjirka ah.

Jarmalka iyo Nederlaan labaduba waa qayb ka mid ah aagga Schengen, oo ah aagga socdaalka ee xorta ah oo ay ku jiraan inta badan waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo sidoo kale Iceland, Liechtenstein, Norway iyo Switzerland.

Sida laga soo xigtay Midowga Yurub, waddamada xubnaha ka ah waxaa loo ogol yahay inay si ku meel gaar ah dib ugu soo celiyaan koontaroolada xuduudaha gudaha ee EU-da haddii ay dhacdo khatar halis ah, sida mid ka mid ah amniga gudaha. Laakiin sidoo kale waxay leedahay koontaroolada xuduudaha waa in lagu dabaqaa sidii ugu dambeysay ee xaaladaha aan caadiga ahayn, waana inay ahaadaan kuwo waqti xaddidan.

Saameeyn noocee ah ayaa ka dhalan karta soo celinta koontaroolka xuduudaha

Cali Cabdi Waare oo Bartay Cilmiga Maamulka Dowliga & Siyaasadda muddo dheerna deganaa Waddanka Netherland ( Holland) ayaan weeydiinay saameynta ka dhaln karta soo celinta koontaroolka xuduudaha ee Netherland gaar ahan Soomaalida? “ Soomalaidu waxa ay degantahay dalalka yurub oo dhan waana dad jecel safarka iyo in ay is booqdaan markaa tallaabadani waxa ay culeys ku keeni kartaa dhanka safarka sida gaar ahaan dadka ku safraya gaadiidka doomaha iyo tareenada in waqtiga safarka uu ku dheerado maadaama baaritaano iyo hubinta dukimintiyada la sameynayo marka lagu koontaroolayo goobaha loogu talagalay”

Cali Waare waxa uu sheegay in guud ahaan arintani ay culeys ku keeni karto dalxiiskii imaanayey dalka Holland iyo gaadidka xamuulka ah ee badeecdaha kala duwan wada, sida kuwa laga yaaba in ay waqtigii loogu talagalay ay ku gaari waayaan goobaha ay badeecadda u wadaan taasina laga yaabo in ay culeys ku keento dhaqalaalaha iyo ganacsiga .