Maxay indhahooda ku arkeen dadkii daganaa halkii ay ku dhacday diyaaraddii rabkaabka ee lagu dhamaaday?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadka ayaa isugu soo baxay, iyadoo ciidamada gurmadka ay ka shaqeynayeen goobta.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay arkayeen markii diyaaradda rakaabka ah ay ku burburtay gobolka São Paulo ee dalka Brazil ayna ku dhinteen rakaabkii saarnaa oo 62 qof ahaa.

“Waxa aan arkay iyada oo gurigeyga ka sii gudbaysa. Way iska daba wareeganeysay, qiiqna wuu ka soo baxayay,” Edival Monteiro de Souza, oo 67 jir ah, ayaa sidaan u sheegay BBC-Brasil.

"Markaa si toos ah ayay u soo hoobaneysay, waxay ku dul dhacday buurta dusheeda, xawaare sare ayayna ku socotay, guuxeedana wuu sareeyay, weyna ruxmeysay, qeybta danbe waxaa ka soo baxayay qiiq madow oo cirka isku shareeray si la arki karo.”

Letícia Oliveira, oo 25 jir ah, ayaa sheegtay in diyaaradda ay u dhacday sidii warqad oo kale.

"Waxa ay ahayd arin cad in duuliyihii uu xakameyn waayay, wax xunna ay dhici karaan," ayay u sheegtay BBC-Brasil.

"Waxay aad ugu dhowaatay xaafadda aan ku noolahay, isla markii ay dhacday, dhamaanteen qiiq ayaa na qariyay, waxaana galnay xaalad aamusnaan ah."

Nathalie Cicari waxay ku nooshahay meel u dhow halka ay diyaaraddu ku dhacday ee magaalada Vinhedo waxayna sheegtay inay qadaynaysay markii ay maqashay "shanqar xoog leh oo aad ugu dhow".

Waxay ku tilmaantay mid la mid ah dhawaaqa dayaaradaha aan duuliyaha lahayn balse aad uga qeylo dheer.

"Waxaan u baxay balakoonka, waxaana arkay diyaaradda oo wareegeysa," Ms Cicari ayaa u sheegtay CNN-Brasil.

"Ilbiriqsiyo gudahood, waxaan rumeystay in caadiyan diyaaradda aysan dhaqdhaqaaqeyn." Waqtigaasna xaaladu waxa ay isku badashay "argagax", ayay tiri. Ma aysan dhaawacmin inkastoo ay ka baxday gurigeeda oo uu ka buuxsamay qiiq madow oo aad u badan shilka ka dib.

"Markii aan maqlay dhawaqa diyaaradda soo dhacaysa, waxaan eegay daaqadda guriga anigoo arkayay burburkeeda," Felipe Magalhaes ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Muuqaal dusha sare laga duubay ayaa muujinaya sida ay u burburtay diyaaradda Voepass ee ay ku dhinteen dhamaan rakaabkii saarnaa.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu ka soo cararay gurigii uu ka deganaa magaalada Vinhedo si uu u arko halka ay diyaaraddu ku dhacday. "Aniga oo argagaxsan oo garan waayay waxaan sameeyo, ayaan darbiga ka booday," ayuu yiri.

Markhaati kale oo la yiraahdo Pietro ayaa u sheegay Reuters inuu arkay "dad badan" oo jabinaya guri "si ay muuqaalo u duubaan".

"Waxa aan arkay waa burburka diyaaradda, iyada uuna badbaaday qolkii," ayuu yidhi.

Qaar kamid ah dadkii ay u suurtagali weysay in ay soo raacaan diyaaradda burburtay oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Cascavel kuna yaalla koonfurta gobolka Paraná, oo ay ka soo duushay diyaaradda Voepass ee ay ku dhinteen 62-qof ayaa ka hadlay dareenkooda.

'Ninyahow, waa dareen xad dhaaf ah'

Adriano Assis ayaa sheegay in markii uu yimid garoonka diyaaradaha uusan wax xog ah ka heynin duullimaadyada, isla markaana aysan jirin qof ku sugan counter-ka si uu uga jawaabo weydiimaha.

Qofkii yimid ayaana u sheegay, in uusan safri Karin, sida uu sheegay.

"Xitaa waan la murmay isaga, balse waxa uu badbaadiyay nafteyda," Mr Assis ayaa u sheegay wargeys maxalli ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka Brazil ee Globo.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Luiz Augusto de Oliveira (L), oo ah mulkiilaha guriga ay ku burburtay diyaaradii Voepass Airlines. ayaa la sawiray isagoo dadka isku duubaya.

Rakaab kale oo lagu magacaabo Jose Felipe, ayaa markii hore qorsheystay in uu ku safro diyaaradda Latam, balse taa badalkeeda waxa uu isku dayay in uu raaco diyaaradda Voepass.

"Waxaan qorsheynayay in aan aado dhanka duulimaadka Latam, laakiin waqtigii ayaa xirmay," Mr Felipe ayaa sidaan u sheegay Reuters.

"waan soo dhaqsaday, waan sugay, waan sugay, waan sugay, waxbana ma jirin."

"Markii la gaaray 11:00, waxaan u imid inaan halkan [macluumaadka] ka raadiyo," ayuu sii raaciyay.

"Kadibna waxay iisheegeen in 'aanan raaceyn diyaaradda, sababtoo ah in aan dhaafay waqtigii duulimaadka."

"Markaas waan dagaalamay, xitaa gadaal ayaan u riixay waxyar, waxaana ku dhahay 'I daa aan baxee, waa in aan diyaaradda raacaa, balse waxa uu igu yiri, 'Maya, mar kale ayaan kuu jarayaa tikidkaada'.

"Run ahaantii waa dareen xad dhaaf ah, halkaan ayaana gariirayaa, waa kuwaan lugaheygii… Aniga iyo Ilaaheey baa og xaalka xiligaan."