Malaayiin qof ayaa u dhinta xanuunnada wadnaha, haddaba sidee ayaad u ilaalineysaa caafimaadka wadnahaaga?

    • Author, Ameer Ahmed
    • Role, BBC World Service

Wadne caafimaad qaba waa mid muhiim u ah in jirkaagu si fiican u shaqeeyo. Waxa kala wadaa dhiigga, isagoo oksijiin iyo nafaqooyin muhiim ah gaarsiinaya jirka oo dhan.

Cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga (Cardiovascular diseases - CVDs) waa sababta ugu badan ee dhimashada caalamka oo dhan, iyagoo dilaya ku dhowaad 18 milyan oo qof sanad walba, sida uu sheegay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Afar ka mid ah shan dhimasho oo la xidhiidha CVD waa wadne xanuun (heart attack) ama istaroog (stroke).

Inaad wadnahaaga caafimaad ku hayso taasoo dadka waaweyn la micno ah garaaca wadnaha marka uu nasanayo oo u dhexeeya 60 illaa 100 jeer daqiiqadii waa arrin aad ka shaqayn karto maalin kasta, sida ay sheegeen dhakhaatiirta wadnaha.

"Waxaan yareyn karnaa waxyeellada wadnaha marka hore ee nolosha annagoo raacna cunto wanaagsan, jimicsi sameynayna oo ka fogaanayna alaabta tubaakada laga sameeyo," ayuu yidhi Dr. Evan Levine, oo ah dhakhtar wadnaha ah oo Mareykan ah.

Laakiin ma sidaas bay u sahlan tahay in: wadne caafimaad qaba uu yareeyo halista wadne istaag?

Ugu horeyn, waa maxay wadne qabad?

Wadne qabadku waxa uu dhacaa marka dhiiga wadnuhu uu si lama filaan ah u xidhmo.

Marka socodka dhiigga keenaya ogsijiinta wadnaha uu go'o, muruqa wadnuhu wuu dhaawacmi karaa ama bilaabi karaa inuu dhinto. Daawaynta degdega ah la'aanteed, muruqyada wadnuhu waxa laga yaabaa inay dareemaan dhaawac aan laga soo kaban karin. Haddii qayb weyn oo wadnaha ka mid ah ay sidaas u dhaawacanto, wadnuhu wuu joojiyaa garaaca (taas oo loo yaqaanno wadnaha oo istaaga), taasoo keenta dhimasho.

Kala badh dhimashada wadno-qabadka waxay dhacdaa saddexda ama afarta saacadood ee ugu horreeya ka dib marka astaamuhu bilaabmaan, markaa waa muhiim in calaamadaha wadno-qabadka loola dhaqmo sidii xaalad degdeg ah oo caafimaad.

Sababta ugu badan ee wadne qabadku waa wadne xanuunka, halkaas oo walax dufan ah oo loo yaqaan plaques ay ku ururto halbowlayaasha xididdada dhiigga taas oo ka dhigaysa mid aad u cidhiidhi ah oo aan si fudud dhiiggu ugu socon.

Sannad kasta, ku dhawaad 805,000 oo qof oo Maraykan ah ayaa wadna-xanuun ku dhacaa. Kuwaas, 605,000 ka mid ah ayaa la kulma wadne xanuunkii ugu horreeyay iyo 200,000 waa dad hore u qabay.

Tani waxay ka shaqeysaa qiyaastii hal qof oo uu ku dhaco wadna qabad qiyaastii 40-kii ilbiriqsi kasta, sida laga soo xigtay Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Mareykanka.

Sideen ku ogaan karaa in wadno-xanuun igu dhaco?

Qabasho wadne qabad (heart attack) waxuu ku iman karaa calaamado kala duwan, tan ugu badan waa xanuun laabta ah laakiin xanuunkaas ma aha mid fiiqan oo kaliya, balse waa cadaadis xooggan iyo laab istaag daran oo guud ahaan laabta ku faafa.

Dumar badan waxay dareemi karaan xanuun laabta ah oo ay la socdaan xanuun qoorta ah iyo labada gacmoodba.

Dr. Ailin Barseghian, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada wadnaha kana oo reer California ah, wuxuu leeyahay: wadne xanuunka waxaa marka hore loo fahmi karaa calool xanuun ama dheefshiid xumo.

Laakiin waxa uu ka duwan yahay dheefshiid xumada, sababtoo ah wadne xanuunka wuxuu keenaa xanuun ku faafo meelo kale oo jirka ka mid ah, sida gacanta bidix, daanka, dhabarka iyo caloosha.

Calaamadaha kale ee wadne xanuunka waxaa ka mid noqon kara: madax wareer, hindiso, dhidid badan, neef-qabatin iyo neef-celin.

In kasta oo wadne xanuunku si lama filaan ah u dhici karo, mararka qaar waxaa jiri kara calaamado digniin ah oo dhici kara saacado ama xitaa maalmo kahor. Laab xanuun aan tagayn nasasho aad heshay xiitaa waa calaamad digniin ah.

"Ka dib saddex saacadood, murqaha wadnaha saamayntu gaadhay waxay bilaabi karaan inay dhintaan haddii dhiigga dib aan loo soo celin. Waxaan kula talinayaa in qofku uu ruugo kiniin aspirin ah ilaa ambalaaska caafimaadka yimaado," ayey tidhi Dr. Ailin Barseghian.

Dhakhaatiirta wadnaha waxay xoogga saaraan muhiimadda ah in si degdeg ah loo helo daaweyn haddii aad u malaynayso in wadne xanuun kugu socdo.

"Waxaad u baahan tahay inaad naftaada barato iyo halista ku heysa, da'daada, miisaankaaga, cabista sigaarka iyo khamriga, iyo sidoo kale taariikhda caafimaad ee qoyskaaga. Haddii dhammaan waxyaabahaas aad leedahay oo aad dareento cadaadis laabta ah, la xidhiidh adeegga degdega ah ee caafimaadka," ayuu yidhi Dr. Evan Levine, oo ah dhakhtar Mareykan ah oo kuna takhasusay wadnaha.

Cilmi-baadhayaashu waxay ka digeen in cudurrada wadnaha lagu tiriyo kuwo ragga uun ku kooban.

Arrintan waxay sababtay in haweenku si yar uga muuqdaan daraasadaha la xidhiidha cudurrada wadnaha, taasoo keentay in daawooyin badan lagu tijaabiyo ragga, kadibna haweenka lagu dabaqo iyadoon si gaar ah loo baadhin.

Cilmi-baadhis lagu sameeyay ku dhawaad 300,000 qof oo ku nool England, oo lagu daabacay joornaalka caafimaad ee British Medical Journal Heart, ayaa muujisay in haweenka, dadka madowga ah, iyo dadka ka yimaadda deegaanada saboolka ah ay aad uga yartahay in loo sameeyo qalliin wadnaha ah, waxayna u badan yihiin inay dhintaan ama dib isbitaalka loogu soo celiyo sanadka ka dib qalliinka.

Qaar ka mid ah halista cudurrada wadnaha waxay haweenka ku saameeyaan si ka daran sida ragga –sida cadaadiska dhiigga oo sarreeya, sigaarka iyo macaanka, sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS).

Sidee looga hortagaa wadne istaagga?

Waxaa jira siyaabo badan oo aad ku yarayn karto halista wadne xanuunka, sida hoos u dhigista cadaadiska dhiigga iyo heerka kolestaroolka adigoo isticmaalaya cunto iyo jimicsi.

Kolestaroolku waa maaddo ku jirta dhiiggaaga oo muhiim u ah dhismaha unugyada caafimaadka qaba. Laakiin, heerarka sare ee noocyo gaar ah oo kolestarool ah waxay kordhin karaan halista cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Dhakhaatiirta wadnaha waxay xooga saaraan in la ilaaliyo hab nololeed caafimaad leh, taasoo ah wax aan maalin kasta sameyn karno si aan u ilaalino wadnaheenna.

Waxaa lagu talinayaa cunto dufan yar oo fiitamiinno iyo fiber badan leh, isla markaana xaddidida isticmaalka milixda ilaa 6 garaam maalintii, maadaama milixda badan ay kor u qaadi karto cadaadiska dhiigga.

Sidoo kale waxaa ls dhiirigelinayaa in laga fogaado cunista cuntooyinka aadka loo farsameeyay iyo kuwa dufanka buuxa leh, maadaama ay kordhiyaan kolestaroolka dhiigga. Cuntooyinkan waxaa ka mid ah: buskud, keeg, suusaj, subag iyo cuntooyinka saliida qunbaha.

Cunto dheelitiran waa in ay ka koobnaataa dufanka aan buuxin, kuwaasoo la og yahay inay kor u qaadaan kolestaroolka wanaagsan (HDL) isla markaana ka caawiyaan in la nadiifiyo xididdada dhiigga.

Cuntooyinkan waxaa ka mid ah: kalluunka dufanka leh, avocado, lowska iyo saliidda kudhaareedka.

"Cuntada Mediterranean-ka waa mid aad u wanaagsan maadaama cilmi ahaan la caddeeyay inay yarayso dhacdooyinka cudurrada wadnaha," ayay tidhi Dr. Ailin Barseghian.

Isku darka cunto caafimaad leh iyo jimicsi joogto ah ayaa loo arkaa mid ka mid ah siyaabaha ugu waxtarka badan ee lagu ilaalin karo caafimaadka guud ee wadnaha. Miisaanka caafimaadka leh wuxuu yareeyaa fursadaha ah in aad ku dhacdo cadaadis dhiig oo sareeya.

Dhakhtarka wadnaha Dr. Evan Levine wuxuu ku talinayaa in qofku jimicsi sameeyo ugu yaraan 30 daqiiqo maalintii, shan jeer usbuucii. Laakiin taladiisa ugu weyn ee ku saabsan hab nololeedka caafimaadka leh waa in "marnaba" aadan sigaarka ama vape-ka isticmaalin.

Cilmi-baaris lagu sameeyay 24,927 qof ayaa muujisay in dadka isticmaala labadaba sigaarka elektaroonigga iyo sigaarka caadiga ay halista cudurrada wadnaha u leeyihiin sida qofka kaliya sigaarka caadiga ah isticmaala, sida ay sheegtay Ururka Wadnaha Mareykanka. In kasta oo kuwa kaliya sigaarka elektaroonigga isticmaala ay 30-60% ka yaraayeen inay soo sheegaan dhacdooyin cudur wadne.

Dadka hore u qabay wadne xanuun, Ururka Wadnaha Mareykanka wuxuu sheegayaa in ku dhawaad shan meelood meel ay u badan tahay in dib loo dhigo isbitaal sababo la xidhiidha wadne qabad labaad muddo shan sano gudahood.

In kasta oo lagu qoro bukaanka daawooyinka statins iyo ezetimibe kadib wadne xanuunka, taasoo ka caawisa yaraynta halista wadne xanuun labaad, sida ay cilmi-baarayaal ka socda Imperial College London iyo Lund University ee Sweden sheegeen. Labadan daawo waa kuwa hoos u dhigaya kolestaroolka.

"Waxaan haynaa xog sanado badan ah oo muujinaysa in kolestaroolka LDL uu hoos u dhaco, halista dhacdooyinka cudurrada wadnaha ay sidoo kale hoos u dhacdo," ayay tidhi Dr. Ailin Barseghian.

Kor u kaca dhalinyarada wadna xanuunka qabta

In kasta oo halista wadne xanuunku guud ahaan ay la sii kordhayso da'da, xogta ka socota Xarunta Qaranka ee Tirakoobka Caafimaadka Mareykanka (US National Center for Health Statistics) ayaa muujineysa in tirada dadka da'da yar ee qaangaarka ah ee wadne xanuunka qaba ay kordhayso.

Sanadka 2019, ku dhawaad 0.3% dadka da'doodu tahay 18 ilaa 44 sano ayaa qabay wadne xanuun. Sanadka 2023, tiradaas ayaa korodhay ilaa 0.5%.

Dr. Evan Levine wuxuu sababtaas ku sheegay isbeddelka hab-nololeedka, oo ay ku jiraan cunista badan ee cuntooyinka la farsameeyay iyo jimicsi la'aanta ka dhex jirta kooxdan da'da yar.

"Dhammaanteen waxaan u baahanahay inaan dhaqaaqno, ma aha in qofku uu si khasab ah u tago jimicsiga, balse in uu sameeyo jimicsi yar yar. Waxaan ka walaacsanahay in tan iyo COVID dadka shaqeeya guriga ay abuureen nolol caajis iyo sun ah," ayuu yidhi.

In kasta oo sigaarku caddayn u yahay inuu yahay sabab ka mid ah cudurka xididdada dhiigga oo la yiraahdo atherosclerosis, taasoo ah isku urursiga dufanka ee xididdada dhiigga, dhakhaatiirta wadnaha sida Dr. Evan Levine waxay sidoo kale ka welwelsan yihiin saameynta aan weli la garanayn ee vape-yada ku yeeshaan dhalinyarada.

Intaa waxaa dheer, Dr. Ailin Barseghian ayaa sheegtay: "Qodobbada hiddo-sideyaasha ah, sida hyperlipidaemia qoyska [aad ka] dhaxashaa, waxay sidoo kale kordhiyaan halista wadne xanuun hore. Waxaana si sii kordheysa loo aqoonsanayaa in arrimaha deegaanka sida culeyska nafsiga iyo hurdo xumo ay yihiin qodobo saameyn ku leh."