Saddex si oo uu madaxweyne ku sii ahaan karo Uhuru Kenyatta, muddo xileedkiisa kaddib

Xigashada Sawirka, Getty Images
Doorashooyinka ka dhaca Kenya waxaa caado u ah in si adag loogu loollamo, balse doorashadii laga codeeyay 9-kii bishan August waxay noqotay tii ugu adkayd ee soo marta taariikhda waddankan, gaar ahaan marka uu madaxweynaha sii jiray dhammaystay muddo xileedkiisa.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo sii dhammaysanaya labo muddo xileed oo isku xigtay ayaa sugaya qofkii kala wareegi lahaa kursiga, sida uu dastuurku qabo.
Kenyatta waxa uu si wayn u taageerayaa hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga oo uu hadda la safan yahay, isagoo kasoo horjeeda ninka madaxweyne ku xigeenka u ahaa tobankii sano ee uu hoggaanka hayay.
Inkastoo uu horay u ballan qaaday in uu garab istaagi doono Ruto, oo qudhiisa labo doorasho lasoo taagnaa, waxa uu ka door biday in uu ka shaqeeyo sidii uu xilka ugu wareejin lahaa Raysul Wasaarihii hore, oo 77 jir ah, markii shanaadna u taagan tartanka madaxweynaha, oo uusan weligiis ku guulaysan.
Labo murashax oo kale ayaa ka qayb galay loollanka loogu jiro jagada ugu sarraysa dalka, kuwaasoo kala ah George Wajackoya iyo Waiga Mwaure.
Inkastoo ay suurtagal tahay in bisha September uu xukunka la wareego murashaxa ku guulatsa doorashada, haddana waxaa jira arrimo haddii ay dhacaan sababi kara in dalku uu ilaa sanadka dambe sugo dhaarinta madaxweynaha shanaad.
Taasi waxay ka dhigan tahay in waqti dheeraad ah uu xilka sii hayn doono Uhuru Kenyatta, ilaa laga helo qofkii baddali lahaa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qodobka 142(1) ee dastuurka Kenya ayaa dhigaya, "Madaxweynuhu waxa uu xafiiska la wareegayaa oo uu muddo-xileedkiisu billaabanayaa taariikhda la dhaariyo, waxa uuna waqtiga xilka u dhammaanayaa marka madaxweyne cusub la dhaariyo."
Madaxweyne Kenyatta horay ayuu shacabka Kenya uga saaray cabsida la xiriirta in uu xilka isku sii dhajin doono 10-ka sano ee sharciga u ah kaddib waxa uuna u xaqiijiyay in doorashada ay ku dhici doonto waqtigeeda, oo ku beegnaa 9-ka August, 2022-ka.
Arrintaas waxa uu meesha uga saaray dad ku dhaleeceynayay inuu qorsheynayo sii joogitaanka xafiiska madaxtooyada.
Balse maxay yihiin arrimaha sababi kara in waqtiga uu xilka haynayo Madaxweyne Kenyatta uu dhaafo xilligii uu dastuurka u asteeyay?
Haddii natiijada lala aado maxkamad
Toddobo maalmood gudahood markii lagu dhawaaqo natiijada waxaala gudbin karaa dacwad cabasho ah oo la gaarsiiyo Maxkamadda ugu sarraysa Kenya.
Sida caadiga ah, haddii wax dacwad ah oo looga soo horjeedo natiijada la gudbin waayo ilaa 23-ka August waxaa 30-ka August la dhaarin doonaa Madaxweyne cusub.
Dastuurka ayaa qaba in 14 maalmood gudahood marka natiijada ay ku dhawaaqaan guddiga IEBC la dhaariyo guulaystaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxkamadda ugu sarraysa waxay haysataa 14 maalmood oo ay go'aan ku gaarto haddii loo gudbiyo dacwad ka dhan ah natiijada.
Taasi waxay sababi kartaa in dhaarinta madaxweynaha dib loo dhigo ilaa 13-ka bisha September.
Haddii natiijada waxba kama jiraan laga soo qaado, sidii dhacday 2017-kii, waxaa la qaban doonaa doorasho cusub oo ku dhici doonta 60 maalmood gudahood.
Haddii la aado wareeg 2-aad
Doorashada madaxtinnimada Kenya sharcigeeda waxa uu dhigayaa in murashax uu guulaysanayo haddii uu helo wax ka badan kalabar ka mid ah codadka guud ee doorashada.
Sidoo kale waa in uu murashaxu helo ugu yaraan 25% ka mid ah codadka laga riday mid walba oo ka mid ah wax ka badan kala bar 47-da maamul goboleed ee dalka.
Haddii murashaxiinta midna uu heli waayo tiradaas waxaa khasab noqonaysa in la aado doorasho kale oo ku dhacaysa 30 maalmood gudahood.
Taasina waa sabab kale oo kallifaysa in Uhuru Kenyatta uu sii hayo xilka waqti ka dheer muddo xileedkiisa sharciga ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xaaladdaasoo kale marka ay imaato, wareegga labaad ee doorashada waxaa galaya labada murashax ee haysta tirada ugu badan ee codadka doorashada.
Markii hore doorashada madaxweynaha Kenya waxaa u taagnaa afar murashax oo kala ah Raila Odinga, William Ruto, George Wajackoyah iyo David Waihiga Mwaure.
David Waihiga waxa uu ku dhawaaqay in laga guulaystay, halka Wajackoyah uu yahay murashaxa kaalinta saddexaad ku jira. Sidaas awgeed, haddii ay dhacdo in wareeg labaad la aado waxaa u soo baxaya oo keliya Ruto iyo Odinga.
Haddii murashaxiinta midkood uu dhinto
Xilli uu tartanka doorashada madaxweynaha xasaasi yahay, geerida mid ka mid ah afarta murashax - oo ah xaalad aysan jirin cid jeclaan lahayd - waxay horseedi kartaa dib u dhac.
Islamarka la laalo natiijada doorashada waxaa la guda galayaa diyaargarowga doorasho cusub oo lagu qabanayo 60 maalmood gudahood.
Waxaa kale oo doorashada dib u dhigi kara haddii ay musiibo qaran dhacdo.
Wax kasta oo doorashada waddadeeda ka leexiya waxay sababayaan in madaxweynaha xilka haya uu sii joogo xafiiska.










