You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dalal Yurub ah oo xaalad koronto la'aan ah waajahaya
Spain ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, xilli dhanka kalena ay xoojinayaan roondada bilayska iyada oo la dirayo soddon kun oo askari oo dheeri ah, xilli ay la tacaalayaan koronto la'aan, taasoo sidoo kale saamaysay dalka ay dariska yihiin ee Portugal.
Malaayiin qof ayaa isticmaalayay shumacyo iyo nalal dabka keydiya si ay ilays ugu shitaan guryahooda. Khudbad laga sii daayay taleefishinka ayuu ra'iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ku sheegay in kala badh awooddii korontada Spain hadda dib loo soo celiyay, laba iyo toban saacadood kaddib markii ay korontadu ka tagtay.
Khubarada farsamada ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in xidhiidhiyaha korantada ee u dhexeeya France iyo Spain uu ahaa halkii fashilku ka yimi. Laakiin Ra'iisul wasaaraha Spain Pedro Sanches wuxuu sheegay in aysan jirin sabab macquul ah oo loo aaneeyn karo waxii dhacay.
Magaalada caasimadda ah ee Madrid, dadku waxay ku farxeen oo u sacab tumeen markii nalalka dhismayaasha ay dib u shidmeen.
Safafyada loogu jiro mashiinnada lacagta laga qaato ayaa waxaa saameyn ku yeeshay Koronta la'aanta waxaana jira warar sheegaya in qaar ka mid ah kaalmaha shidaalka ay xidhmeen
Markii shaacu madoobaaday ee laydhku tegay Metro ee Madrid, rakaabka ayaa galay xaalad jahawareer iyo argagax ah. Mid ka mid ah dadka deegaanka, Sarah Jovovich, ayaa sharraxday dareenka jahawareerka ee dhulka hoostiisa markii nalalka ay tageen hal mar istaanka tareennada ee metro.
Go'idda korantada ayaa sidoo kale sababtay in tiro dad ah ay ku xayirmaan wiishashka dhismayaashii ay ku jireen.
Shaqaalaha gurmadka ayaa loogu yeedhay illaa 286 dhismo si ay u soo daayaan dadka ku go'doonsan wiishashka gudaha gobolka Madrid, madaxa dowlad goboleedka, Isabel Díaz Ayuso, ayaa u sheegay telefishinka Antena 3.
Sidii wax ku bilaabmeen?
Warbixinadii ugu horreeyay ee ku saabsan koronto la'aanta ayaa bilaabmay duhurkii Isniintii (10:00 GMT), waxaana saameynta arrintani si degdeg ah u sii korortay gelinkii danbe.
Markii ay cadaatay baaxadda qalalaasaha, dadka deggan Madrid ayaa lagu wargeliyay in ay guryahooda joogaan, ka fogaadaan waddooyinka, ayna aanay la xidhiidhin adeegyada gurmadka degdegga ah haddii aysan jirin xaalad "aad u daran".
Shirkad ka shaqeysa korontada ee Spain ayaa sheegtay in dib u soo celinta korontada ay qaadan karto illaa 10 saacadood, halka shirkadda korontada ee Portugal ee REN ay sheegtay in dib u helidda koronto buuxda ay qaadan karto ilaa toddobaad.
Ku dhawaad boqolkiiba konton ayaa loo soo celiyey Spain, halka Potugal shirkaddu sheegtay ee in ku dhawaad 700,000 oo macmiil oo keliya ay dib u heleen korontadoodii.
Masuuliyiinta Spain ayaa ku baaqay, in xaaladda degdegga ah ee dalka la geliyey lagusii jirayo, waxaana dadka looga digay fidinta warar aan sal lahayn, inta si dhab ah loo helayo xaqiiqada waxa sababay tegitaankii korontada.