You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mpox iyo Covid: Khabiir ka hadlay in Furuqa daanyeerka uu noqonayo mid la mid ah Covid-19 iyo inkale
Mpox "ma ahan Covid cusub", sababtoo ah mas'uuliyiintu waxay si cad u garanayaan sida loo xakameeyo faafitaankiisa, khabiirka ugu sareeya Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sidaas yiri.
In kasta oo ay jirto walaac dhab ah oo ku saabsan nooc cusub oo fayraska ah, iyo feejignaan caalami ah, agaasimaha Yurub Dr Hans Kluge ayaa u sheegay saxafiyiinta, inay si wadajir ah wax uga qaban karnaa mpox.
Tallaabooyinka xoogga leh ee hadda la wadana- oo ay ku jiraan hubinta in tallaalku gaaro meelaha aadka loogu baahan yahay - waxay joojin kartaa wareeg kale oo argagax iyo dayacaad ah.
Kiis cusub ah ayaa lagu xaqiijiyay Iswidhan toddobaadkii hore waxaana lala xiriiriyay faafitaanka sii kordhaya ee Afrika.
Mpox ayaa ugu yaraan 450 qof ku dilay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), bilihii la soo dhaafay, oo lala xiriirinayo nooca cusub ee Clade Ib.
Weli waxaa jira wax badan oo laga baran karo noocyada cusub, khubaradu waxay yiraahdeen, laakiin waxaa laga yaabaa inuu si fudud u faafo, oo keeno cudurro halis ah.
Ma jiro kiisas Clade Ib ah oo lagu arkay UK - laakiin khubaradu waxay ka digayaan inuu faafi karo haddii aan tallaabo caalami ah la qaadin.
Laakiin khubaradu way yaqaaniin sida loo xakameeyo mpox, iyada oo aan loo eegin kala duwanaanshaha iyo noocyada cusub - iyada oo loo marayo ficil-caafimaad dadweyne oo aan takoor lahayn iyo helitaan tallaal oo siman, ayuu yiri Dr Kluge.
Muxuu yahay fayraska MPox ama furuqa daanyeerka?
Mpox, oo afka qalaad markii hore loo yaqaannay furuqa daayeerka ayaa ah xanuun uu sababo fayras. Waxaa lagu kala qaadaa taabashada qofka qaba xanuunka. Waxaa sidoo kale la isugu gudbin karaa neefta. Calaamadihiisana waxaa ka mid ah nabro yaryar oo jirka kasoo baxa, dildillaac afka iyo xubinta taranka ah.
Waxaa jira laba nooc oo waaweyn kuwaas oo mudooyinkii danbe laga diiwaan galiyay cayayaanka, mid kamid ah waxaa lagu sheegay in uu ahaa mid si dhaqsi leh ku faafa kaas oo aanan saameyn weyn laheyn, halka midka kale uu yahay mid dilaa ah, waxaana lagu tiriyaa xayawaanada in laga qaado.
Dunida ayaa mar qura ku baraarugtay xanuun faafa kaas oo lagu magacaabo COVID-19 kaas oo si xowli ah ku faafay guud ahaan caalamka, balse midkaan hadda ee MPOX ayaa ka bilowday Afrika waxa uuna ilaa haatan ku faafay dalal aan badneyn walow durba qaylo dhaan laga muujiyay.
29kii Luulyo, Xarunta Yurub ee Ka hortagga iyo Xakamaynta Cudurku waxay sheegtay in khatarta fayraska mpox ay "aad u hoosayso" Yurub.
Qaar kamid ah calaamadaha lagu ogaado ‘MPox’
Calaamadaha lagu garto furuqa daanyeerka, waxaa ka mid ah:
- Qandho
- Madax-xanuun
- Barar
- Dhabar-xanuun iyo muruqyada oo xanuuna qofka.
Marka qofka ay qandhada ka jabo waxaa ku hara nabro yaryar oo jirka ah, badanaa nabraha ayaa ka soo baxa wajiga, ka dibna waxa ay ku faafaan qeybaha kale ee jirka sida calaacalaha gacmaha iyo cagaha.
Finanka nabraha ah ee qofka ka soo baxa ayaa ah kuwo xanuun badan oo ay biyo fariistaan ilaa ugu danbeyn ay qalalaan.
Qofka wuxuu ka qaadi karaa qof qabo cudurka, waxaa lagu kala qaadi karaa taabasho, neefsiga, wuxuu u gudbaa indhaha, sanka ama afka.
Waxaa kale cudurka laga qaadi karaa qofka marka uu qofka taabto xayawaanka uu ku dhacay feyraska sida Daanyeerka, jiirka iyo dabagalayaasha.
Feyraskan wuxuu la mid yahay feyraska ka dhasha busbuska inkastoo uu xoogaa daran yahay, khubaradana waxay sheegeen in halistiisu ay tahay mid sahlan.
Waxaa cudurkan inta badan lagu arkay meelo fog-fog oo ka mid ah bartamaha iyo galbeedka Afrika, oo u dhow kaymaha ku yaalla halkaas.
Ma jirto wax dawo ah oo lagu talagalay feyraska Monkeybox laakin waa laga hortagi kari karaa in uu fido.
Tallaalka ka hortagga busbuska ayaa la xaqiijiyay inuu 85% waxtar u leeyahay ka hortagga feyraska monkeypox , mararka qaarkoodna waa la adeegsan karaa tallaalkaas.
Feyraskan waa caabuq naadir ah kaas oo dadka badankiis ay ka soo kabtaan dhowr toddobaad gudahood, sida ay sheegtay waaxda qaran ee arrimaha caafimaadka UK ee NHS.
Sida caadiga ah caabuqa nabarada ayaa iska baaba'a inta u dhaxeysa 14 ilaa 21 maalmood.