Maxay kooxaha xagjirka ah u jecel yihiin gawaaridda shirkaddan?

Askarta Daalibaan oo wata Toyota Hilux ee saldhigga ciidamaad cirka ee Bagram

Xigashada Sawirka, Getty Images

Isbeddelka dhanka awoodda ee ka dhacay Afgaanistaan ​​ma ahayn oo keliya marka laga eego qasriga madaxtooyada ama wasaaraddaha, laakiin sidoo kale waxaa isbadal ku dhacay noocyada kala duwan ee baabuurta lagu arko waddooyinka ka dib markii maamulka cusub uu yimid.

Isbedelka dhanka awooda ee Afghanistan ayaa saameyn ku yeesha gaadiidka ay isticmaalaan ciidamada dalkaasi oo isna isbadalay.

Waagii hore intii ay dalka Afgaanistaan ​​ku sugnaayeen ciidamadii Midowga Soofiyeeti iyo Maraykanku iyo nidaamkii dalka ka jiray, waxa ay ciidamada Afgaanistaan ​​adeegsan jireen gawaari ay leeyihiin shirkado badan, kuwaas oo noocyo kala duwan leh.

Hadda, xukuumadda ku meel gaarka ah ee Taliban ee Afgaanistaan ​​ayaa doonaysa inay adeegsato noocyada kale ee baabuurta halkii ay isticmaali lahayd baabuurta Ranger ee shirkadda Maraykanka.

Xukuumadda Taalibaan ee Afgaanistaan ​​ayaa la xiriirtay shirkadda caanka ah ee Toyota Motors ee laga leeyahay dalka Japan si ay u iibsadaan baabuur cusub. Shirkadda Toyota ee gudaha Afgaanistaan ​​waa 'Habib Gulzar Motors'.

Xabiib Gulzar Motors ayaa arintaan xaqiijiyay waxayna sheegtay in dowlada Taalibaan ay la soo xiriirtay si ay baabuurteeda u iibsadaan. Si kastaba ha ahaatee, codsigoodii lama aqbalin.

Diidmada Toyota ee codsiga Taliban

Booliiska Afgaanistaan ​​ayaa isticmaali jiray baabuurta Ford

Xigashada Sawirka, Getty Images

Agaasimaha dhanka iibka ee Toyota Axmed Shaakir Caadil ayaa BBC u sheegay in Talibanka Afgaanistaan ​​ay la xiriireen Toyota laba bilood ka hor, Sebtembar 27, 2025.

Waxa uu sheegay in shirkadda Toyota ee dalka Afgaanistaan ​​ay u oggolaatay oo kaliya in ay baabuurta ka iibiso "hay'adaha caalamiga ah, qaar ka mid ah hay'adaha aan dawliga ahayn iyo safaaradaha."

Mar ay BBC-da weydiisay waxa uu kaga jawaabay markii ay Taalibaan naga soo dalbadeen baabuur, waxa uu yiri waanu diidnay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Taalibaan ayaa go'aansatay in ay iibsato gaadiid kale halkii ay ka iibsan lahayd baabuurta Ranger ee shirkadda Ford ee Maraykanka laga leeyahay. Dabcan, ilaa hadda lama garanayo gaadiidka cusub ee ay iibsanayaan, beddelka baabuurtan.

Waxaa la rumeysan yahay in Taliban ay soo bandhigtay rabitaankooda ku aadan baabuurta Toyota Japan oo ah baabuurta cusub.

Mar sii horreysay, wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda KMG ah ee Afgaanistaan ​​ayaa BBC-da u sheegtay in aan weli go'aan laga gaarin nooca labaad ee baabuurta ay soo iibsanayaan.

Waxa uu yiri, "Ma jirto wax miisaaniyad ah oo la ogolaaday in lagu soo iibiyo baabuur cusub. Si kastaba ha ahaatee, dharka cusub ee booliiska ayaa loo qaabeeyey islamarkana loo ekeysiiyay nooca Toyota Hilux."

Maxay kooxaha sida kuwa xagjirka ah u jecel yihiin gawaaridda Toyota ?

Sawirkan ayaa laga soo qaaday muuqaal la sheegay in lagu magacaabo Fiidyow dacaayad ah oo ay faafiyeendowladda Islaamiga ah.

Xigashada Sawirka, IS/File

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Baabuurta Toyota waxa ay caan ku ah oo adeegsada kooxaha xagjirka ah, taas oo ay ugu wacan tahay matoorada awoodda badan ee ay wataan, waxa ay awood u leeyihiin in ay ku dhex maraan dhulka buuralayda ah iyo saxaraha iyo waddooyinka qardajeexa.

Gawaarida ayaa sido kale ah kuwa isticmaala shidaal yar , si fudud oo ay u heli karaan agabka dayactirka, iyo meel ay ku rakiban karaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkii u dhexeeyey Chad iyo Liibiya 1977kii waxa loo yaqaanay 'Dagaalkii Toyota'.

Dagaalkaas waxa loogu magac daray 'Toyota War' waayo baabuurta Toyota pickup (baabuur waaweyn) (gaar ahaan Hilux iyo Land Cruiser) aad baa loo isticmaali jiray wakhtigaas.

Laba bilood ka dib weeraradii 9/11, wargeyska Mareykanka ee 'New York Times' ayaa sheegay in muuqaal laga soo duubay Taliban lagu dhex arkayay iyaga oo wata gawaari nooca Land Cruiser ah.

Intaa ka dib, shirkadda Japan ee Toyota ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in Afgaanistaan ​​ay si sharci ah u soo dejisata hal Land Cruiser oo kali ah shantii sano ee u dambeeyay.

Shirkaddu waxay tiri, "Gawaarida Toyota ee Afgaanistaan ​​waxaa laga soo dalbaday dalalka deriska ah iyadoo la sii marinayo hay'ado aan dowli ahayn," taasoo la macno ah in baabuurta la tahriibiyay.

Balse arrinta xisaha leh ayaa ah in gawaarida Taliban oo kale ah ma aha kooxda Isticmaasha gawaarida shirkadda Toyota ee waxa jira kooxa kale oo islaamiyiin ah oo isticmaala gawaarida shirkadda.

Hadii aad daawatay muuqaalada dacaayadaha ee ay faafiyaan kooxda loogu yeero Dawladda Islaamka ee aduunka oo dhan, waxaad arkaysaa iyaga oo wata gawaaida Toyota Hilux.

Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii 2014-kii ku xooganayd Suuriya iyo Ciraaq. Wakhtigaas waxa ay isticmaali jireen gawaadhida Land Cruiser iyo Hilux muuqaallo badan oo ay faafinayeen.

Shirkadda Toyota ayaa sheegtay in gaadiidkeeda ay adeegsadaan kooxaha hubeysan aysan iyada ka iibin balse ay yihiin kuwa ay ku heleen qaab kontarabaan ah ama ahakuwa gacan labaad.

Toyota waxay ku nuuxnuuxsatay in aanay baabuurteeda gaynin Suuriya. Liibiya iyo Ciraaq, kaliya waxay gawaarideeda u rarta macaamiisheeda la xaqiijiyay aqoonsigooda.

Xiligii Gawaarida Maraykanka waa soo dhamaaday

Xubno ka tirsan Booliska Madaniga ah ee Afgaanistaan ​​oo saaran Ford Ranger bishii Abriil 2009.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Dalka Afgaanistaan, dowladdaha oo ay taageerayaan ciidamada Mareykanka iyo kuwa reer galbeedka ayaa si aad ah u isticmaalayay baabuurta Ranger-ka Mareykanka labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

Shirkadda AMS oo fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa qandaraas lagu siiyey dayactirka baabuurta gudaha Afgaanistaan. Shaqaale hore uga tirsanaan jiray shirkadda ayaa BBC-da u sheegay, isagoo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, in baabuurta Ranger-ka loo naqshadeeyay iyadoo maskaxda lagu hayo xaaladda Afgaanistaan.

Shirkad dib u hagaajinta iyo dayactirka ku samaysa gaadiidka ciidamada ee dalka Afgaanistaan ​​ayaa sheegtay in intii u dhaxaysay 2017 iyo 2021 ay dayactir ku samaysay in ka badan 130,000 oo baabuur oo isugu jira kuwa milatariga iyo booliska.

Qandaraas dib u dayactirka ayaa ku kacaya 1.2 bilyan oo doolar oo lala saxeexday dawladda Maraykanka.

Ka hor inta aysan dowladda Talibanka qabsan Afgaanistaan, dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale kaalmo dhaqaale siin jirtay ciidamada Afgaanistaan.

Qof horey shaqaale uga ahaa AMS ayaa sheegay in dadka maxalliga ah ee Afgaanistaan ​​ku nool ay dib u hagaajin jireen baabuurtan, laakiin inta badan dadkii shaqadan qaban jiray ayaa hadda ka dhoofay waddanka.

Waxa uu sheegay in Talibanka Afgaanistaan ​​ay doonayaan in ay iibsadaan gawaari kale halkii ay ka iibsan lahaayeen baabuurta Mareykanka,sababtoo ah waxaa adkaatay in loo helo agabka dheeriga ah ee lagu dayactiro baabuurtan.

Cunaqabatayn dhaqaale oo caalami ah ayaa lagu soo rogay xukuumadda Taliban. Sidaa darteed, xitaa ma samayn karaan wax heshiis ah sida mid ay la galaan shirkadda Ford.

Ka dib diidmada cdsiga Taliban ee shirkadda Toyota, ilaa hadda ma cadda khiyaarka kale ama waddada kale ee u furan. Dabcan, waxay sidoo kale iibsan karaan baabuurta kale ee laga heli karo suuqa.