You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Somaliland oo ku dhawaaqday goorta ay bilaabayso qodista shidaalka iyo halka ay ka qodayso
Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday qodista ceel shidaal oo hore looga sahamiyey deegaanka XOOD oo ka tirsan degmada Qoryaalle ee Gobolka Togdheer.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu furayay shidaalka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Somaliland ay bilaabeyso qodista shidaalka dalka.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in shacabka Somaliland uu ugu bishaareynayo in "dalka shidaal laga soo saarayo maadaama ay in badan is weydiinayeen goorta uu dalka shidaal yeelanayo".
"Waxaan ugu bishaareynaa ugu dambeyn in qodista shidaalka Somaliland uu bilaabmayo 2027".
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in xitaa ay suuragal tahay in waqiga uu sheegay uu ka soo hormaro oo la bilaabo sanadka soo socda ee 2026.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dalka ay ku jiraan macdano badan oo dunida qaali ka ah, taas oo in ay soo saaraan ay u furan tahay cid kastsa oo lagu "kalsoonaan karo" oo diyaar u ah in ay iskaashi kala sameyso Somaliland.
Barnaamijka looga dhawaaqay qodista shidaalka Somaliland oo ka dhacay Hargeysa ayaa waxaa ka hadlay wasiirka tamata iyo macdanta Somaliand, Axmed Jaamac Barre, oo sheegay in shirkadaha waday sahanka Shidaalka ay bilaabeen howlaha lagu bixinayo qandaraasyada la xiriira qodista shidaalka.
"Waxaan ku rajo-weynahay in shirkadihii ka shaqeyanayey shidaalka Somaliland ee heshiiska kula jiray wasaaradda ay xayeesiiyeen qandaraasyada riigagga lagu qodi lahaa shidaalka".
Wasiirka ayaa sheegay in bilaha ugu horreeya ee sanadka 2027 qodista ay bilaaban doonto.
Maxamed Jaamac oo ka faalooda arrimaha shidaalka ayey BBC-da weydiisay suuragalnimada in Somaliland ay soo saarto shidaal dunida loo iib geeyo, waxa uuna sheegay in tan ay tahay tijaabo lagu ogaanayo heerka uu gaarsiisan yahay shidaalka dalka.
"Xogti hadii aynu haysno, shidaalku wuxuu leeyahay nidaamyo la maro sida in la tijaabiyo".
Somaliland ma aysan carrabaabin faa'iidada laga heli doono qodidda ceelkan iyo sida loo qeybsan doono.
Deegaanka xood ee gobolka togdheer ayaa waxaa muddo ka socday baaris shidaal, waxaana hore loo geeyay qalab kala duwan oo lagu baaryao shidaalka. Sanadkii hore ee 2024 ayey aheyd in la bilaabo qodista balse coladda gobolka sool ayaa arrintaas dib u dhigtay.
Bishii Maarso ee sanadkii 2023-kii ayey Somaliland sheegtay in ay bilaaban doonto marxaladdii ugu dambeysay ee baaridda batroolka ku jira Somaliland, taasoo lagu qodayo ceelka Toosan 1 oo ku yaalla agagaarka deegaanka Xood ee gobolka Togdheer.
Balse, dowladda Soomaaliya ayaa si caro leh uga hadashay sanadkii ka horeeyay ee 2022 howlaha ay shirkadda Genel Energy ay xagga shidaal qodidda uga sameyneyso deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, arrintaas oo markii dambena ay war ka soo saareen mas'uuliyiinta Somaliland qudhooda.
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markaas soo saartay war-saxaafadeed ay ku diidday wax ay ugu yeertay "sheegasho sharci darro ah" oo ay shirkadda Genel Energy ku sheegtay in ay heysato fasax ay sahmin shidaal uga sameyso Somaliland.
Bayaanka ka soo baxay wasaaradda ayaa looga digay khatarta ka dhalan karta maalgashi iyo sahminta ay shirkaddaas waddo.
Wasaaradda Batroolka ee Soomaaliya ayaa intaas ku dartay in ay iyada keliya tahay hay'adda sida sharciga ah ee u oggolaan karta howlo laga fuliyo gudaha Soomaaliya.
Shirkaddan ayaa sanadkii 2012 qorshaheeda shidaal sahminta ka billowday Somaliland, iyadoo heshiis la saxiixatay shirkadda OPIC Somaliland Corporation.
Dhanka kale, bishii Oktober ee sanadkii hore, Soomaaliya ayaa heshiis shidaal sahmin ah la gashay shirkadda Coastline Exploration ee fadhigeedu yahay dalka Mareykanka.