Maxaa xiga oo dhacaya kaddib geerida Boqorad Elizabeth

Windsor Castle

Xigashada Sawirka, SWNS

Dadka ku nool UK iyo caalamka oo dhan ayaa ka falcelinaya geerida Boqorad Elizabeth II.

Iyadoo la sameeyay jadwal si taxadar leh loo qorsheeyay, lana xiriira munaasabadaha rasmiga ah, uuna si goonni ah u soo bixi doono, ayaa haddana dhimashada Boqoradda waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa nolol-maalmeedka UK. Faahfaahinta inteeda badan waa in la xaqiijiyo, laakiin halkan waxaan idinkula wadaageynaa waxa la filayo.

Ma jiri doontaa maalin fasax qaran ah?

Aaska ayaa la filayaa in lagu qabto Westminster Abbey qiyaastii toban ilaa 11 maalin gudahood, iyadoo taariikhda uu xaqiijin doono Qasriga Buckingham. Waxay u badan tahay in lagu dhawaaqo maalin fasax qaran ah, laakiin tan waxaa xaqiijin doona Qasriga iyo dowladda.

Haddii fasaxa lagu dhawaaqo, dugsiyada waa la xirayaa.

Ilaa hadda ma cadda inay gabi ahaanba xiri doonaan xilligaas ka hor. Waaxda waxbarashada iyo maamullada la sameeyay ayaa laga filayaa inay talo soo saaraan.

Ma jiri doonaan munaasabado meesha laga saarayo?

Ciyaaraha loo qorsheeyay Jimcaha ayaa inta badan la baajiyay, oo ay ku jiraan ciyaaraha Horyaalka Kubbadda Cagta ee Ingiriiska iyo Kubbadda Cagta Waqooyiga Ireland.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa kaloo dib loo dhigay tartamada baabuurta iyo baaskiillada. Waxaan sidoo kale jiri doonin cayaaraha Golf-ka.

Marxaladda lixaad ee tartanka Baaskiilka ee Britain, oo lagu waday in qabto Jimcaha ayaan sidoo kale dhici doonin.

Ballanqaadyadii BBC-da ee Khamiista iyo Jimcaha ee madaddaallada ahaa waa la joojiyay.

Bandhigyada masraxyada ee UK ayaa la filayaa inay sii socdaan, iyadoo la ilaalinayo aamusnaanta halka daqiiqo ah.

Shaqo-joojinta tareennada iyo boostada ma sii socon doonaan?

Ururka tareennada, badda iyo gaadiidka (RMT) ayaa ku dhawaaqay in shaqo-joojinta la qorsheeyay ee 15-ka iyo 17-ka Sebtember la joojin doono, iyadoo la xushmeynayo Boqoradda. Ururka shaqaalaha ayaa sidoo kale joojiyay shaqo-joojin la qorsheeyay bisha Sebtembar.

Shaqo-joojintii boostada ee Jimcaha ayaa sidoo kale waxaa joojiyay Ururka Shaqaalaha Isgaarsiinta (CWU).

Ma jiri doonaan adeegyo kale oo xusuus ah ka hor aaska?

Waxaa Jimcaha maanta ah ka dhici doona kaniisadda St Paul's Cathedral kulan xus ah, oo ay ka soo qeyb galayaan raysul wasaaraha iyo wasiirro kale oo sarsare.

Sababtoo ah Boqoraddu waxay ku dhimatay Scotland, naxashkeeda waxaa la geynayaa St Giles' Cathedral ee Edinburgh. Dadweynaha waxaa laga yaabaa in loo oggolaado maalmo kaddib.

Haweeney ubax dhigeysa qasriga Buckingham

Xigashada Sawirka, Getty Images

Naxashka ayaa markaas kaddib la geyn doonaa London, halkaas oo boqollaal kun oo qof loo oggolaan doono muddo afar maalin ah inay ku booqdaan Westminster Hall.

Calanka Midowga ayaa laga dejin doonaa xarumaha dowladda ilaa subaxda ka dambeysa maalinta aaska.

Calanka si buuxda ayaa dib loogu soo celin doonaa muddo 24 saacadood ah oo ka billaabanaysa 1-da xilliga duhurnimo ee maalinta Sabtida si ay u calaamadiyaan ku dhawaaqista Boqor Charles.

Jimcaha maanta ah, dhawaqa gambaleelka ayaa abaal-marin doona Boqoradda gaar ahaan Westminster Abbey, St Paul's Cathedral iyo Windsor Castle.

Waxaa Boqoradda lagu sharfi doonaa 96 xabbadood oo lagu xusayo sanad kasta oo nolosheeda ka mid ahaa, waxaana laga ridi doonaa Hyde Park iyo meelo kale.