Lix arrimood ka ogow Salaadda Tahajudka

Dadka ku tukanayay mid kamid ah masaajidda Muqdisho

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadka ku tukanayay mid kamid ah masaajidda Muqdisho

Cibadooyinka ay sameeyaan Muslimiinta bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa kamid ah salaadda tahajudka oo la tukado habeenkii, waxay kamid tahay salaadaha gaarka ah ee la tukado, taasoo inta badan bilaabata tobanka dambe ee bisha soonka.

BBC-da ayaa la hadashay qaar ka mid ah culimada caanka ka ah ee Nigeria kuwaasoo faahfaahin ka bixiyay arrimo la xiriira salaadda tahajudka.

Goormaa ayuu bilowdaa tahajudka?

Sheekh Halliru Maraya oo ka mid ah culimada caanka ah ee ku nool gobolka Kaduna ee Nigeria ayaa sheegay in salaadda Tahajudka aan la tukan bisha Ramadaan oo keliya balse la tukado xilliyada kale ama Ramadaan kadib.

"Salaadda Tahajudka macneheedu waxaa weeyee , waa salaad uu qofka tukado marka uu soo tooso, waana mid aad u fadli badan tobanka dambe ee bisha soonka, sababtoo ah waxaa tobanka dambe ku jiraa habeenka Laylatul-Qaadri oo u dhiganta kun bilood ajarkooda "ayuu yiri Sheekh Halliru.

Waxa uu sheegay in xitaa marka la gaaro bisha Ramadaan la billaabi karo salaadda Tahajudka.

"Qofku haddii Ilaahey la kulansiiyo habeenka Laylatul-Qadrigu, waxa la qorayaa in ka badan ajarka 83 sano," ayuu yiri Sheekha.

Meeqa rakca ayaa la tukadaa?

Sheekh Halliru Maraya wuxuu sheegay in tirada ugu yar ee rakacadda la tukan karo salaadda tahajudka ay tahay laba rakaco iyo wixii ka badan.

"Salaadda tahajudka waxaa ugu yar laba rakacadood, qofka wuxuu tukan karaa, afar, lix iyo xitaa boqol rakaco, waxayna ku xiran tahay awoodda qofka" sida uu sheegay Sheekha.

Tahajudka iyo taraawiixda ma la is raacin karaa?

Sheekha wuxuu sidoo kale sheegay in salaadaha taraawiixda iyo tahajudka ay kala duwan yihiin.

"Qofka haddii uu tukado Taraawiixda oo uu nasto, ka dibna uu seexdo, isla markaana uu soo tooso si uu u tukado laba rakcadood ,taasi waxa loola jeedo Tahajudka." ayuu yirii Sheekh Halliru.

Wuxuu Muslimiinta ku booriyay inay tukadaan salaadda tahajudka.

Xilliggii Nebiga iyo tahajudka

Dr. Jamilu Yuusuf Zarewa, oo bare sare ka ah kuliyadda arrimaha shareecada Islaamka ee jaamacadda Ahmadu Bello University ayaa sheegaya in salaadda tahajudka uu tukaday nebiga N.N.K.K.H habeenka koowaad iyo labaad Ramadaanka.

"Balse habeenkii saddexaad nebiga ma uusan tukan, markii wax laga weydiyyay arrintaas, wuxuu ku jawaabay, in uusan dooneyn in dadkiisa waajib looga dhigo".

Wixii xilliggaa ka dambeeyay salaada tahajudka dadka guryaha ayay ku tukanayeen.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Suurado dhaadheer miyaa lagu tukadaa?

Dr. Jamilu Yuusuf Zarewa wuxuu sheegay in aan loo baahneyn in qofka uu akhriyo suurado dhaadheer marka uu tukanayo salaadda tahajudka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qofka ama Imaamka dadka tujinaya salaadda uu akhrin karo wixii awooddiisa ah.

Dumarka guryaha maku tukan karaan salaadda tahajudka?

Sheekh Jamilu Yuusuf wuxuu sheegay in dumarka ay u fadli badan tahay inay ku tukadaan guryaha.

"Haddii haweeneyda u aragto inay aaddo masaajidka si ay ugu soo tukato salaadda tahajudka markaas wey u bannaan tahay, waxaa uga fadli badan inay ku tukadaan guryaha salaadda tahajudka".