Ramadan: Masar oo war ka soo saartay go'aan muran badan dhaliyay oo ku saabsan salaadda Tahajudka

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wasiirka Awqaafta Masar, Dr. Mukhtaar Gomaa, ayaa ka noqday go'aankiisii ​​hore ee ahaa ee lagu mamnuucay in saaladda Tahajudka lagu tukado masaajidda, tobanka habeen ee ugu dambeeyay bishan Ramadaan kadib markii hadal heyn ballaaran ay ka dhalatay markii baraha bulshada lagu baahiyay sawirro ku saabsan kormeerayaasha wasaaradda awqaafta oo habeenkii sameynayay howlgallo lagu xaqiijinayo in masaajidda la xiray iyo in kale.

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in haatan laga laabtay tallaabadii lagu xiray masaajidda xilli haatan dib loogu furay dadka ay ugu ictikifaan.

Toddobaadkii hore, wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa ku dhawaaqday in salaadda tahajudka aan lagu tukan karin masaajidda, iyadoo laga duulayo awaamiirta ka soo baxday guddiga ka hortagga cudurka Karoona taasoo qeyb ka ah dadaallada looga hortaggayo fiditaanka cudurka.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Sawirro muujinaya kormeerayaasha Wasaaradda Awqaafta Masar oo habeenkii wareegaya si ay u hubiyaan in masaajidda la xiray iyo in kale ayaa waxay caro xooggan ka dhex dhaliyeen dadweynaha Masar ee isticmaala baraha bulshada.

Qaar kamid ah warbaahinta Masar ayaa ku warrantay in toddobaadkii hore ay saraakiisha Awqaafta ay bilaabeen howlgallo habeenkii lagu fulinayay masaajidda si loo hubiyo in albaabada la isugu dhuftay iyo in kale.

Intaa ka dib, muuqaal lagu faafiyey baraha bulshadu ayaa muujinaya "masjid ku yaalla degmada Helwaan laga hor istaagay dad doonayay inay ku cibaadeystaan si ay salaadda taraawiixda ugu soo tukadaan, taasina waxa go'aamiyay kormeere ka socday wasaaradda Aw-qaafta" ayay yiraahdeen dadkii ku sugnaa halkaas.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Hase ahaatee, ilo ka tirsan Wasaaradda Awqaafta Masar, oo u warramay shabakadda "Qaahira 24", ayaa beeniyay in kormeere ka tirsan wasaaradda uu dad ka hor istaagay inay ku cibaadeystaan masaajid, isagoo ku macneeyay in mid ka mid ah xubnaha masaajidka uu soo dhexgalay ka dib markii uu imaamka dhaafiyay waqtigii loo asteeyay in lagu tukado Taraawiixda kaas oo loo qorsheeyay nus saac.

Wasaaradda waxay sidoo kale sheegtay inay baaritaan ku sameysay sawirrada la isla dhex wareegyay isla markaana aysan waxbo ka jirin.

Dadweynaha Masar ayaa baraha bulshada ka billaabay halk ku dhigyo ka dhan wasaaradda awqaafta, waxay noqotay arrinta loogu hadal badan yahay Masar.

Waxay ku eedeeyeen wasiirka in dadka ictikaafayo uu ka hor istaagay inay masaajidda ku cibaadeystaan isagoo ku anadoocanayay in la kala fogaado cabsi laga qabo fiditaanka cudurka Karoona.

Dadka qaar ee isticmaala baraha bulshada ayaa ku eedeeyay saraakiisha wasaaradda awqaafta Masar inay waddo 'olole ka dhan ah salaadda tahajudka'

Dadka qaar ee barta Twiiter-ka isticmaala ayaa ka codsaday Sheekh Al Azhar-ka Masar in uu fatwo ka soo saaro go'aanka dadka loogu diiday in salaadda Tahajudka ay ku tukadaan masaajidda inkastoo Sheekh Al Azhar uusan ka hadlin arrintani.