Rag dumar u doontay dal dibadda ah oo dabin ku dhacay kadibna la dilay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhimashada rag u dhashay Maraykanka oo ku sugnaa Colombia oo la fahmi la’yahay sida ay u dhacday ayaa la xiriirinayaa Appab la iksu shukaansado in ay sabab u yihiin. Qaraabada dadkaas la dlay ayaa haatan raadinaya jawaabo waafi ah, sidaas waxaa qoraya Austin Landis oo ku sugan Medellin.
Tou Ger Xiong wuxuu jeclaaday ku soo noqoshada Colombia.
"Wuxuu ka hadlayay dad ay ruuxdoodu aad u sareyso… oo nolosha uun ku raaxeysanayay,” Eh Xiong oo ah walaalkiis ayaa sidaas u sheegay BBC da. “Xitaa waligiis afka Spanish ka ma baran."
"Waligiiis xataa kuma fakarin inuu musiibadaas dhexda u gali doono"
Tou Ger oo ahaa 50 jir ayaa ka mid noqday dad Hmong-Maraykan ah oo kami dah dadka ololeeya, sidoo kale wuxuu ahaa shactiroole ka soo jeeda Minnesota. Ka hor inta uusan Medellin, wuxuu la hadlayay haweeney.
Laba todobaad marka uu booqasho laba bilood ah oo halkaas ku tagay ku maqan yahay, waqtigaas o ku beegneed bartamihii bishii 12 aad, ayuu soo wacay walaalkiis, isag aoo waydiistay lacag dhan $2,000 laakiin uma uusan sheegin waxa uu ku samayn doono iyo in ay wax ka qaldameen midna. Eh ayaa sheegay inuu lacagta bixin doono. Balse war dambe kama uusan maqal walaalkiis.
Maalinkii xigtay booliska ayaa maydka Tou ka helay meel cidlo ah, oo ah meel geedo yaalaan. Nin ay saaxiibo yihiin Eh oo ku sugan Medellin ayaa u sheegay in walaalkiis la afduubtay markii $2000 dalbanayayna qori madaxa looga hayay.
“Ma aanan rumaysan karin. Xataa ma aanan qiyaasin in taasi dhacayso.“ Eh ayaa sidaas yiri. ”Qalbada ayaa mar qura i jabtay”.

Xigashada Sawirka, Qoyska Tou Ger Xiong
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Eh ayaa markii wicitaan kula booday safaaradda Maraykanka, kuwaas oo u xaqiijiyay in maydku yahay kii walaalkiis. Booliska Colombia ayaa todobaadkaan qabtay haweeney iyo laba nin oo dilka ninkaan lala xiriirinayo, iyaga oo lagu eedeyay in ay ninkaan afduubeen.
Ma cadda in uu haweeneydaan markii hore kula kulmay appka la isku shukaansado iyo in saaxibadiis ay bareen. Dhimashada ninkaan ayaa kamid noqotay sideed dil oo ka dhacday Medellin, taas oo keentay in safaaradda Maraykanku ay digniin ka bixiso aaminista appab ka la isku shukaansado.
Wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa horay u sheegtay in ayjirto koox isbahaysatay oo horay u bartilmaameedsatay rag u dhashay Maraykanka kuwaas oo afduubtay kadibna dilay. Balse ma cadda in isla kooxdaas ay tahay kuwa dilay muwaadiniinta Maraykanka ah.
Tobankii bilood ee ugu horeysya sanadkii 2023 da ayaa korjoogtada dalxiiska ee Medellin waxay sheegeen in ay diiwaan galiyeen 32 dil oo loo gaystay dad ajanabi ah oo ka dhacday magaalada, oo ay ku jiraan 12 u dhashay Maraykanka iyo saddex u dhalatay Ingiriiska.

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Jeff Hewett ayaa isna laga helay maydkiisa oo dhexyaalla qol uu ka daganaa hotel isaga oo dhiig badan oo ka baxay ku dhex jira. Saaxiibadiis ayaa ku qoray bog internet in uu ahaa “Nin aan dhib badnayn”, sida muuqatana uu dhibane u noqday “dhac si xun ku dhamaaday”.
Nin kale oo lagu magacaabo Johny Jerome ayaa isna la dilay isaga oo 45 jir ah. Phillip Mullins ayaa isna la daroogeeyay una dhintay xaddi culus oo ka qaatay daroogadam sida ay qoreen warbaahinta gudaha.
Safaaradda Maraykanka ayaa sheegtay in kiisas badan oo ay ka bilowdeen appab ka la isku shukaansado oo lagu dabay dhibanayaasha, waxyaabaha walwalka sii kordhiyay ayaa waxaa kamid ah qaybaha la xiriira dad “la daroogeeyay, kuwo la dhacay, iyo kuwo ay dileen lamanayaashoodi Colombia u dhashay,” Laba app ee ugu caansan Tinder iyo Bumble ayaa arrintaan wax jawaab ah ka bixin.
Afhayeen u hadlay kormeertada dalxiiska ayaa xaqiijiyay in “badi” dhibanayaasha sanadkii hore ay ahaayeen rag, balse wuxuu sii raaciyay in kiisas badan ay baaritaan ku jiraan.
Dhillaysiga ayaa sharci darro ka ah Colombia, balse wuxuu si aad ah ugu baahsan yahay goobaha ay tagaan dalxiisayaasha sida caasimadaha Medellin iyo Cartagena. Balse ma jirto xog tibaaxeysa in ragga la dilay loo adeegsada haweenka jirkooda ka ganacsada.













