You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Daawo muuqaalka Imaamka ay bisadda garabka ka fuuleyso ee indhaha caalamka soo jiitay
Kaamaarad si toos ah u duubeysay misaajid laga tukanayay salaadda taraawiixda ayaa muujineysa Imaam misaajid oo ay yaanyuur ku boodeysa oo ay ku dul socoto. Bisadda ayaa si tartiib ah u fuushay garabka Imaamka oo tujinayay taraawixda.
Muuqaalkan oo baraha bulshada aad loogu wadaagay ayay dadku waxa kaga hadlayeen sida Imaamka uu xasilooni iyo naxariis ugu muujiyay yaan-yuurta.
Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaalada Bordj Bou Arreridj ee dalka Aljeeriya.
Imaam Waliid Mehsas oo aan wax cabsi ah aan muujin ayaa waxa gacanta si naxariis leh ugu taabanayay bisadda ka hor inta aysan garabka ka fuulin.
Ugu dambeyn bisadda ayaa waa ay ka degtay garabka Imaamka waxaana muuqaalka laga arki karaa iyadoo socota safka hore ee jameecada ku daba-tukaneysay Imaam Waliid.