Dhegeyso: Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka dhacay Wargaadhi

Qoraalka Codka,
Dhegeyso: Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka dhacay Wargaadhi

Wararka laga helayo Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaal culus uu ka dhacay deegaanno dhinaca xeebta ah oo ku yaala gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kooxo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa weeraray saldhigyo ciidamada dawladdu ku lahaayeen tuulada Wargaadhi oo qiyaastii 70 km u jirta degmada Cadale.

Dawladda ayaa sheegtay in dib loo riixay kooxihii weerarka soo qaaday.

Haddaba wararkii ugu dambeeyay waxaa Muqdisho ka soo diray weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan.