Maxakamadda ICC ma soo xiri kartaa Putin?

Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Garsoorayaal ka tirsan maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa daba yaaqadii maalinnimada Jumcaha soo saaray warqadda xarigga, taasoo ku wajahan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo koomishankiisa u qaabilsan xuquuqda carruurtaMaria Lvova-Belova.

Bayaan ay soo saartay maxakamadda ICC ayay ku sheegtay in looga shakisan yahay dambiya dagaal oo ah in caruur si sharci darro looga tarxiilo Ukraine lana geeyo Ruushka.

Waxaa jira sababo macquul ah oo lagu aamino in Madaxweyne Putin uu qaadayo mas'uuliyadda dambiyada shakhsi ahaaneed ee masaafurintan, ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo intaa lagu daray in lagu eedeeyay inay dhacday tan iyo markii uu bilaabay duullaanka buuxa ee Ukraine bishii Febraayo ee sanadkii la soo dhaafay.

ICC masoo xiri kartaa Putin?

Maxakamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC waxaa loo aasaasay in ay dacwad ku soo oogto oo ay cadaaladda horkeento kuwa mas'uulka ka ah dambiyada ugu xun - xasuuqa, dambiyada ka dhanka ah aadanaha, iyo dembiyada dagaalka. Maxkamaddu waxay leedahay xukun caalami ah.

Waa maxkamadda ugu dambaysay, oo soo faragelisa oo keliya marka masuuliyiinta qaranku aanay dacwayn karin ama aanay doonayn inay dacweeyaan qofka dambiilaha ah.

ICC ma laha awood ay ku xirto tuhmanayaasha, waxayna awood u leedahay oo kaliya inay galangal ku yeelato wadamada saxiixay heshiiska lagu dhisay maxkamada, oo loo yaqaan Rome Statute.

Ruushku kama mid aha saxiixayaasha heshiiskan - sidaas darteed Vladimir Putin ama Maria Lvova-Belova midkoodna lama dhiibi doono, dabcan Putin waa madaxweynaha Ruushka.

ICC waxay ku tiirsan tahay waddamada caalamka si ay gacan uga geystaan soo qabashada iyo u wareejinta tuhmanayaasha xarunta maxkamadda ee Hague.

Ruushka ayaa ku celceliyay in aanay aqoonsanayn maxkamaddan, wax micno ahna aanay ugu fadhinin warqaddan ay soo saartay iyada oo Hogaamiyihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev oo aad ugu fogaaday inuu is barbar dhigo waaranka lagu xirayo Vladimir Putin iyo "xaashida musqusha". Isaga oo ula jeeda in anay la qiima dhaamin warqadda saxarada la iskaga tiro.

Ninkan oo madaxweyne ka soo noqday Ruushka intii u dhaxaysay qaar ka mid ah xilliyadii Putin, ka dibna muddo dheer soo hayay xilka ra'iisul wasaaraha, ayaa si weyn u hadal hayay oo taageersanaa dagaalka Ukraine.

Cumar Al-Bashiir

Al BAshir

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Al-Bashiir (Midig) Uhuru (bidix)
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maxkamaddan ayaa sannadkii 2009-kii warqaddan oo kale u jartay madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al-Bashiir taas oo ay ku guul darreysatay in la soo xiro sababaha aan kor kusoo xusnay awgood. Warqadda xabsiga ee Al-Bashiir oo dhowr jeer la cusboonaysiiyay ayaan waxab soo kordhin. Waxaa lagu qiyaasaa intii u dhaxaysay 2009 illaa 2016 inuu galay in ka badan 70 safar oo uu ku kala tagay 22 dal kuwaas oo badankood ahaa kuwa aan saxiixin heshiiska.

Balse waxaa sidoo kale ka mid ah dalalkan, waddanka Kenya oo isaga qudhiisa dacwado ay kaga socdeen maxakmaddan qaar ka mid ah hogaamiyeyaashiisa, wuxuuna dalkani iska dhaga tiray dalabka ah in Al-Bashiir lasoo qabto isaga oo si nabdoon uga laabtay.Al bashiir ayaa sidoo kale sannadkii 2017 booqday dalka Ethiopia wuxuuna kulan la qaatay raysal wasaarihii xilligaas ee Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Jonathan Leader Maynard, oo jaamacadda King's College ee London bare ka ah siyaasadda caalamiga ah, ayaa sheegay in tani ay tahay "wax aan macquul aheyn in mustaqbalka dhow ay welwel ah ku abuurtu Putin.”

"ICC waxay ku tiirsan tahay iskaashiga dawladaha si ay si dhab ah u xiraan dadka, dawladda Ruushkuna ma aha mid iskaashi ka sameynaysa arrintan - sidoo kale maaha mid saxiixday heshiiskii Rome ee lagu abuuray ICC," ayuu raaciyay.

Balse waxay dhibaatooyin u abuuri doontaa mustaqbalka Putin wixii hadda ka dambeeya. Ayuu yiri.