Maxaad ka taqaan haweeneydii ugu horeysay adduunka ee qaadata shahaadada PhD?

Xigashada Sawirka, WIKIMEDIA
Bishii 25 keedii 1678 dii, haweeneey Talyaani ah oo lagu magacaabo Elena Cornaro ayaa waxay shahaadada PhD da ku qaadatay cilmiga falsafada, iyada oo noqotay haweeneydii ugu horeysay adduunka ee darajada heerkaas la eg ka gaartay cilmiga.
Sida laga soo xigtay Encyclopedia Britannica, Elena Cornaro waxay ku dhalatay Venice oo Talyaaniga ku taalla 5 tii bisha June 1646 dii iyada oo dhimatay 26 kii bisha July 1684 tii. Waxay ku dhimatay Padua oo iyana ku taalla Talyaaniga.

Xigashada Sawirka, Google
Sidee u wax u baratay una barbaartay?
Elena waxay eheed cunuga saddexaad ee nin lagu magacaabi jiray Giovanni Battista Cornaro Piscopcia, hooyadeedna waxay ahayd haweeneey beeraley ah oo lagu magacaabi jiray Zenta Boni.
Markii Elena ay gaartay sano todobaad, nin ay saaxiib ahaayeen qoyskeeda ayaa waxa uu ka dhaadhiciyay aabaheed bal in uu baro afka Giriigga iyo kan Latin ka. Muddo kadib waxay taqaanay Elena afaf badan oo ay ka mid yihiin Faransiiska, Isbaanishka, Cibriga iyo Carabiga oo ay si fasaaxo leh ugu hadli kartay dhamaantood, taas oo ay usii dheerayd afkeedii hooyo ee Talyaaniga.
Gabadhaan ayaa markii ay ahayd 11 jirka waxay nadar kula gashay nafteeda in ay ka dheeraato wax walba oo xiriir rageed ku saabsan iyada oo mardabana iska diiday codsiyo badan oo guur oo rag gayaan keed ah uga yimid. Waxay rabtay in qof iska cibaadeysta ay noqoto maadaama ay ahayd qof haystay diinta kirishtanka, gaar ahaan madhabka Kaatoliga, balse aabaheed oo jeclaa sayniska iyo suugaanta ayaa ka diiday.
Aabaheed ayaa qarash badan waxa uu ku bixiyay in ay waxbarato, markii ay ahayd sideed iyo taban jirkana waxaa aabaheed qarash xoog leh uga bixiyay si loo baro shaqsiyadda wanaagsan.
Markii ay ahayd 19 jirka, waxaa loo yaqaanay in ay ahayd haweeneyda ugu aqoonta badan Talyaaniga, dad badan oo isaga yimid daafaha Talyaaniga ayaana u imaan jiray si ay iyada u arkaan.
Waxay caan ka noqotay Talyanaiga oo dhan, waxaana loogu wici jiray munaasabado waawayn oo yeelan jireen dadka saynisyahannada ah. Sanadkii 1670 kii waxaa laga dhigay madaxa Akademiyadda Nabadda ee Venice.

Xigashada Sawirka, Google
PhD
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marka uu sanadku ahaa 1672 dii, ayaa aabaheed u diray jaamacadda caanka ah ee Padua eek u taalla Talyaaniga, oo jaamacadda saddexaad ee ugu duqsan Talyaaniga, waxa uuna u iibiyay guri u dhawaa jaamacadda halkaas ayayna Elena ka bilowday hayaankeedii waxbarashada.
Ma aysan doonayn iyadu in ay qaadato shahaado, kaliya qorshaheedu wuxuu ahaa in ay wadato waxbarashada uun. Balse aabaheed ayaa waxa uu doonayay gabadhiisu in ay aduunka tusiso baaxadda aqoonteeda.
Waxay ay dareemeysay xanuun ka hor inta aysan ku biirin jaamacadda Padua, balse markii ay bilowday waxbarashadeeda xanuunkii waa uu ka haray.
Intii ay dhiganeysya jaamacadda, waxay la kulantay dad fara badan oo ka kala yimid Yurub oo dhan, iyada oo ka qayb gashay dodo badan oo la yeelatay aqoonyahanno caan ahaa xilligaas, taas oo ay aad u jeclaatay. Doodahaas waxay caan ka dhex noqdeen Talyaaniga oo dhan iyo Yurub.
Aabaheed waxa uu jeclaa in ay barato maadada theology ga, waana uu ku adkeystay in ay barato maadadaas, waana ay dalbatay. Balse arrintaas waxaa aad uga soo horjeestay kaniisadii kaatoliga oo diidaneed in qof dumar ah uu qaato shaahadada PhD da, una arkeysay waxa aan qumanayn in haweeney ay barato theology ga.
Balse kaniisadda ayaa waxay markii dambe u ogolaatay in ay barato falsafadda, halkii ay baran leheed theology ga.
Markii ay Bisha June ahayd 25 sanadkii 1678 dii, waxaa laga qaaday imtixaan, taas oo ay muddo saacad ah ku hadleysay af Latin qaraami ah, iyada oo tuducyo ad adag ka soo xulatay falsafadihii Aristotle, fasiraado fiicanna ka bixineysay.
Waxay bixineysay jawaabo cajiib ahaa iyada oo soo jiidatay dareenka dadkii ka qaadayay imtixaanka, kuwaas oo ugu dambeyntii go’aansaday in qaadato shahaadada saree e PhD da iyaga oo tixgalinayay aqoonta baaxadda leh ee ay u laheed falsafadda ee ay kas batay iyado oo soddon jir ah.
Marka laga soo tago shahaadada, waxa kale oo la siiyay shahaado macalinimo iyo abaalmarino dhinaca gabayada ah.
Caafimaad qabka jireed ee Elena mar kasta aad uma xooganeyn, oo waxay mar walba la daalaadhici jirtay xanuuno. Markii ay ahayd 38 jir, taariikhduna ku beegeed 1684 tii ayay geeriyootay. Waxaana la aaminsan yahay in ay u dhimatay xanuunka qaaxada.













