You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Macallinkii taariikhda ee ku soo koray nolosha saboolka ah hadana noqday madaxweynaha
Yamandú Orsi oo hore u ahaa macalin taariikhdeed, ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Uruguay.
Orsi ayaa ku garaacay Álvaro Delgado, oo ah musharraxa isbahaysiga muxaafidka ah ee talada haya, in ka badan boqolkiiba saddex dhibcood wareegii labaad ee doorashadii dhacday Axadii.
Delgado ayaa qirtay in laga adkaaday, wuxuuna u hambalyeeyay Orsi iyo isbahaysigiisa Broad Front, oo hadda ku soo laaban doona xukunka shan sano oo cusubna hayn doona.
Isbahaysiga Broad Front ayaa xukumayay Uruguay 15 sano laga soo bilaabo 2005 tti ilaa 2020 kii, hor inta uusan ka adkaan madaxweynaha xilka ka degaya haatan, Luis Lacalle Pou - kaas oo sida uu dhigayo dastuurka Uruguay laga mamnuucay inuu mar labaad isku soo sharaxo doorashadan.
Orsi, oo 57 jir ah, ayaa loo arkaa in uu arday u yahay madaxweynihii hore ee dalkaas José Mujica, kaas oo ku kasbaday quluubta dad badan oo reer Uruguay ah qaab nololeedkiisa suubban, taas oo keentay in dad badan ay ku tilmaamaan “madaxweynaha ugu saboolsan adduunka”.
Orsi laftiisu waxa uu ka yimid guri ay noloshiisu dabaqada hoose ahayd, isaga oo ku soo koray miyiga Uruguay, guri aan koronto lahayn.
Intii uu ahaa macalinka taariikhda ka dhiga iskuulada, ayuu sidoo kale noqday mid ku firfircoon siyaasadda gudaha deegaankiisa, ugu dambayntii waxa uu noqday duqa magaalada Canelones, oo ah waaxda labaad ee ugu dadka badan Uruguay.
Intii Orsi uu ahaa hoggaanka Canelones, shirkadda teknolojiyadda Google ayaa ku dhawaaqday inay ka dhisi doonto xarun xogeed weyn waaxdiisa.
Orsi intii uu ku jiray ololihiisa waxa u la yimid hal-kudhig ganacsiga soo dhawynaya, isaga oo sheegay in uu qorsheynayo in uu ka fogaado kordhinta cashuuro cabsi gelin kara maalgashadayaasha.
Isagoo taageerayaashiisa la hadlayay fiidnimadii Axadda, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inuu doonayo inuu madaxweyne u noqdo dhammaan 3.4 ta milyan ee reer Uruguay, isagoo sheegay inuu “in uu qaban doono wadahadal qaran oo marar kala duwan”, isla markaana uu dhegaysan doono codka kuwa codeeyay ninka ay iska soo horjeedeen.
“Anigu waxaan noqon doonaa madaxweyne dhisa dal isku xiran, ina oo khilaafkeena dhinac iska dhigayna oo aan cidina laga tagaynin, dhaqaale, bulsho iyo siyaasad ahaan midna.
Madaxweynaha xilka ka degaya ee Luis Lacalle Pou ayaa sheegay in si wanaagsan uu ugala shaqayn doono Orsi xaaladda kala-guurka ka hor dhaarinta madaxweynaha cusub ee loo balansan yahay 1-da March ee sanadka soo socda.
Xisbiga Broad Front ee Orsi ayaa sidoo kale ku guuleystay aqlabiyadda Senatka Uruguy, laakiin isbahaysigiisu ma aysan helin aqlabiyadda Aqalka Wakiilada.
Doorashadii Uruguay - oo ay iskaga horyimaadeen laba qof oo qunyar socod ah - ayaa dib u dhigtay isbeddelka lagu arkay waddamada kale ee ku yaal Galbeedka Hemisphere, sida Argentina, Brazil iyo Maraykanka, halkaas oo kala qaybsanaan qoto dheer ay ka dhalatay.