Maxay tahay caafimaad darrada soo wajahdo ragga marka ay xaasaskooda dhalaan?

Dad badan ayaa qaba in niyad-jabka ama isku buuqa dhalmada ka dib uu yahay xaalad saameeya haweenka oo keliya. Balse dhab ahaantii, waxay sidoo kale saamaysaa ragga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dad badan ayaa qaba in niyad-jabka ama isku buuqa dhalmada ka dib uu yahay xaalad saameeya haweenka oo keliya. Balse dhab ahaantii, waxay sidoo kale saamaysaa ragga oo cilmi-baarisyada qaarkood waxay ku qiyaasaan inay ku dhacdo 10% aabayaasha.

Waxaa jira sababo badan oo keena niyad-jabka dhalmada ka dib ee ragga taas lid ku ah in isbadalka hormoonnada keliya ay sababaan. Xataa dumarka, hormoonnada ayaa door yar ka ciyaara niyad-jabka dhalmada kadib.

Caadi ahaan waxaa sabab u ah arrimo dhowr ah, oo ka mid yihiin hurdada la’aanta ka dib dhalashada ilmaha, caawin la'aanta, ama dhibaatooyinka dhaqaale.

Waxayna arrintan dhici ku dhici kartaa qofka da' kasta oo uu dhalo. Calaamadaha niyad-jabka dhalmada ka dib waxay la mid yihiin kuwa niyad-jabka caadiga ah.

Waxay noqon karaan calaamadaha in qofka uu dareemo dhiirigelin la'aan, hurdo la'aan, iyo inuu dareemo qiimo la'aan, feejignaan la'aan, isbeddelka rabitaanka cuntada ama miisaanka oo is dhimo ama kordho, daal iyo sidoo kale inuu ku fekaro inuu isdilo.

Farqiga ugu weyn ee u dhexeeya niyad-jabka caadiga ah iyo kan qoflka ku dhaca ka dib dhalmada ayaa ah in kan caadiga uu qofka ku dhici karo xilli kasta halka kan kalana uu dhaco ka dib marka ilmuhu dhasho. Waa wax iska caadi ah inaan xoogaa la tacaalno caafimaadka dhimirka ka dib markuu ilmuhu dhasho.

Waxaa xusid mudan in isku buuqa dhalmada ka dib uu dhici karo wakhti kasta ka dib marka ilmuhu yimaado sanadka ugu horreeya ama labada sano ee dhalmada ka dib, ee ma aha oo kaliya bilaha ugu horreeya.

Sidaa darteed, haddii aad ka shakisan tahay inaad la halgamayso niyad-jabka dhalmada ka dib, waa muhiim inaad taageero u raadsato, maaha oo keliya caafimaadkaaga, laakiin waxay sidoo kale saamayn kartaa xiriirka ilmahaaga.

Waxaad u baahantahay inaad taageero ka raadsato sida saaxibadaa, ehelkaaga ama dhakhtarkaga.

Maxay tahay caafimaad darrada soo wajahdo ragga marka ay xaasaskooda dhalaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Isbadallada kuugu iman kara waxaa ka mid ah xanaaq farabadan. Ragga la tacaalaya caafimaadkooda dhanka maskaxda aad ayay u caroodaan.

Si aad xanaaqaas wax uga qabato, isdeji oo Samir badan muuji. Isku day in aad fasaxdo; Tani waxay kaa caawin kartaa inaad dareentid raaxo badan inaad ka hadasho waxa aad dareemeyso.

Sidoo kale iska hubi halka aad kaga hadleyso dhibaatooyinka ku haysta iyo dadka aad la wadaageyso. Tusaale ahaan, dadka qaar ayaa laga yaabaa inay u fududaato inayka hadlaan baraha bulshada ama guruubyada la isugu yimaada ee aaladaha internet-ka taas oo laga yaabo inay kaaga sii darto oo aad dhibaato hor leh kala kulanto.

Taas waxaa kaaga fudud kaagana fiican inaad raadsato app caafimaadka dhimirka la xiriira. Dadka qaar ayaa waxaa u fudud inay tan u isticmaalaan inay su'aalo weydiiyaan, xal u helaan, ugana hadlaan sida ay dareemayaan. Waxa jira abab qaarkood oo haysta agabyo kaa caawin kara inaad la qabsato waalidnimada. Niyad-jabka dhalmada ka dib ee waalidku waa dhab, waana arrin muhiim ah. Nasiib wanaag, marka la barbar dhigo dhowr sano ka hor, waxaa jira wacyigelin iyo caawinaad ka badan sidii hore.