"Hannaanka ragga ay isaga joojinayaan dhalmada wey ka fududdahay sidii hore"

Jordan Banjo(Bidix) oo ka tirsan kooxda qoob ka ciyaarka ee Troupe Diversity-dhawaana wuxuu maray qalliinkan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Jordan Banjo(Bidix) oo ka tirsan kooxda qoob ka ciyaarka ee Troupe Diversity-dhawaana wuxuu maray qalliinkan

Hannaanka qalliinka ah ay maraan ragga doonaya inay iska joojiyaan dhalmada ayaa lagu soo warramayaa in uu fudud yahay isla markaana uusan halis ahayn, sida uu sheegay dhakhtar ku sugan UK oo dib u eegis ku sameeyay arrintani.

Wuxuu soo jeediyay in macluumaadka ku saabsan hannaankan wax laga baddalo si dadka loogu wargeliyo badqabkiisa.

Dhakhtarka wuxuu sidoo kale sheegay in ragga mara qalliinka ay isaga joojinayaan dhalmada uu qofka isku arkayo barar iyo xanuun laakin halistiisa ay tahay mid dhif ah.

Kooxda, shaqadoodu aheyd inay baaritaan ku sameeyaan hannaanka oo warbixintooda ku soo badhigay magaalada Milan ee Talyaaniga ayaa hubiyay 94,000 habraac oo ku aadan caqabadaha lagala kulmi karo sida caabuq.

Qalliinka noocan ah wuxuu qaataan 15 daqiiqo, waxaa la suuxiyaa qofka iyadoo la adeegsanayo dawooyin maxalli ah.

Haddaba , muxuu yahay qalinkan?

Qalliinka waxaa lagu sameynayaa tuubbada kasoo baxda xiniinyaha ee shahwada qaadda, waxaana la xirayaa tuubadaas.

Waxaa qalliin yar lagu sameynayaa qeybta hoose ee Xininyaha ama waa la daloolinaya maqaarka xiniinyaha kadibna waxbo lagu xiraya.

Qalliinka ma sameynayo in biyaha ragga ay kasoo duulaan halkaas, qalliinkuna ma saameynayo shahwada iyo soo saarista maaddada testosterone ama dardargelinta awoodda galmada.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xiniinyaha weli wey soo saarayaan shahwada laakiin gudaha ayaa si taxaddar loogu dhex celiyaa halka bannaanka loo soo tuuri lahaa.

Qofka ragga ah ee la marsiiyo qalliinkan waxaa lagula taliyaa in uu nasto uuna iska ilaaliyo in uu kubad dheelo ama ka qeybgalka ciyaaraha, waxaa sidoo kale lagula taliyaa in uusan wax culus qaadin muddo toddobaad ah.

Qalliinka noocan waa mid lagu guuleysto, laakiin dhakhaatiirta waxay dumarka raggan kula taliyaan inay qaataan dawooyinka uurka ka hortagga bilooyinka ugu horreeya maadama qalliinka lagu sameeyay raggooda uu hor leeyahay.

Dhakhaatiirta waxay ku taliyaan ragga da'doodu ka hooseyso 30 jir in aysan isku sameeyaan qalliinka noocan ah.

Arrinta ma ahan go'aan loo baahan yahay in si deg deg ah uu qofka ugu tallaabsado iyadoo aan si buuxda looga fiirsaneyn.

Dhowr toddobaad ka hor ayay aheyd markii uu muuqaal barta Instagram-ka uu soo dhigay Jordan Banjo, oo 30 jir ah, oo ka tirsan kooxda qoob ka ciyaarka ee Diversity,uu shaaca ka qaaday inuu isku sameeyay hannaanka qalliinka uu iska ilaalinayo in uu wax dhalo ee loo yaqaanno vasectomy.

Xilli uu galayay baabuurkiisa, xaaskiisa Naomi oo uur leh ilmaheedii saddexaad, ayaa la maqlay iyadoo weydineysa, "Qalliinka ma xun yahay?" kaas oo ugu jawaabay: "Maya - xanuunku majiro ," xilli uu ku kaftamayay khibradiisa gaarka ah ee habkan.

Maalintii xigtay wuxuu sheegay teleefishin u sheegay in qalliinka uusan wax dhibaato ah kala kulmin.

Dalka Mareykanka, waxaa la arkayay raga kasoo muuqday barta TikTok oo sheegay inay isku sameeyeen qalliinkan ay isaga joojinayaan dhalmada, waxaana soo bataya tiradda ragga ah ee maraya hannaankan kadib markii Maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka ay meesha ka saartay xaqa dumarka dalkaas ay u leeyihiin inay iska soo xaaqi karaan ilamaha gobollada qaar.