You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Jahawareer ka dhashay 'dhaqanxumo' ay sheegeen in ay la dagaallamayaan maamulka Gobolka Banaadir
Dhawaan ayay ahayd markii uu baraha bulshada ku baahay muuqaal guddoomiyaha gobolka Banaadir uleynaya dhallinyaro ay ku sheegeen in ay dhaqan xumo ku foognaayeen.
Arrintan ayaa siyaabo kala duwan looga falceliyey iyada oo dadka qaar ay soo dhaweeyeen, falkaana ku tilmaaameen mid togan oo hor kacaya in samaha iyo dhaqan wanaagsan laga shaqeeyo.
Halka dad badan oo kale ay ku tilmaameen xaalad fawdo ah oo aan ka turjumayn kala danbayntii iyo habka u shaqayso dawladnimada casriga ah. Sida oo kalena ay ugu daraan in la duubo muuqaal masuul dawladeed oo dhallinyaro gacanta ula tagaya.
Arrintaas ayaanse halkaas ku istaagin, waxaana iyana mar kale la soo tebiyey in maamulka gobolku amray in la weeraro hudheelo iyo meherado ganacsi oo gaar ah kuwaas oo lagu eedeeyey in ay ka mid yihiin goobaha ‘dhaqan-xumada iyo waxyaalaha mamnuuca ah’ ka shaqeeya.
Maamulka gobolka Banadir ayaa sheegay in uu shatiga kala noqday maqaayado iyo hoteello ku yaalla Muqdisho oo sida ay sheegeen dhaan xumo lagu sameeyo sida isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha. "Markii hore shatiyada waxa ay ku heleen in loo furay maqaayado ahaan, markii dambana waxa aan billownay baaritaanno iyo dabagal aan ku sameyneyno maqaayadaha ku yalla muqdisho, qaabka ay shatigooda u isticmaalayaan iyo in waxa ay shatiga u qaateen uu meeshaasi ka socdo iyo in kale,tankale goobaha aan soo xirnay agagaarkooda waxa ku yaallay maqaayado kale wax saameyn ahna kuma aysan yeelan howlgalladeenna” ayuu BBC u sheegay Saalax Dheere oo ah afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.
Sidoo kalena laamaha amniga oo galay toddobaadkan goobahaasi waxay sheegeen in goobahaa lagu iibiyo waxyaabo lid ku ah anshaxa suuban.
Maamulka gobolka Benaadir oo arrintaasi aan wax ka weydiinnay ayaa sifo sharci ah ku tilmaamay howlgalkaasi, iyadoo maamulku uu caddeeyay in goobahaasi hadda albaadada la’isugu dhuftay. "waxyaabaha lasoo bandhigay ee lagu dhaliilayo maamulka iyo waxa halka ka jiray runtii wax is qaadan karo maaha, inta aan lasoo bandhigin ayaa ka badan waxa hadda lasoo bandhigay,sidoo kalana haddii waalidiinta qaar ay arki lahaayeen waxa halkaasi ka dhacayay runtii waxa ay noqon lahayd wax uu ka xumaado oo ka tiiraanyoodo, maamulkana mar walba waxaa ka go,an inuu kahortago wax walba oo dhibaato u geysan kara bulshadeenna diinteenna suuban-na kahor imaanaya".
Saalax dheere oo aan weydiinnay halka ay ku dambeeyeen dhallinyaradii howlgallaadaasi lagusoo qab qabtay ayaa yiri "laamaha ammanka ayaa lagu wareejiyay dhallinyaradii lasoo qabtay, maamulka mar waliba waxaa ka go,an in bulshada wacyi gelin lagu sameeyo isla markaana looga digo waxyaabaha qaar, hadda waxaa soo dhamaatay digniintii waxaana billowday holgalka lagusoo afjarayo muqaadaraadka ku sii baahaya muqdisho”.
Goobaha la xidhay ayaa gaaraya illa afar xarumood sida uu noo sheegay afhayeenka gobolka Benaadir saalax Dheere. Milkiilaha seddex ka mid ah meheradahaas ayaa beenisay in ay ku lug leeyihiin waxyaabo sharciga ka horjeeda, goobaheedana ay yihiin kuwo ay sharci heysta, canshuurtana bixiya.
Manaal Macallin ayaa uga warrantay BBC-da waxa lagu haysto iya sida ay u arkaan.
“Waxaa weerar nagu soo qaaday guddoomiyaha gobolka banaadir oo meeshaydii ka geystay burbur, jidhil iyo hantidii Meesha taallay oo la qaatay, weliba ma ah hal meel ee keliya tiraba saddex meelood oo aan leeyahay ayaa la weeraray” ayay sheegtay Manaal.
“Arrintanna uma argno dhaqan xumo la dagaallan ee waxaan u argnaa ganacsi la dagaallan; isaga oo noo imaan kara oo na weydiin karay ayuusan sidaa samayn, mana aha meel aan shalay bilawnay ee waa wax muddo sagaal sano aan soo wadnay” ayay sii raacisay Manaal.
Dhanka kale waxaannu la xidhiidnay Muna Xasan Maxamed (Muna Axlaa), oo ka mid u dhaqdhaqaayaasha arrimaha Bulshada ee Muqdisho, waxayna arrintaas ku tilmaantay in sida looga falceliyey ay jiri kari lahayd fal kale oo ka wanaagsanaan lahaa.
“Dad khamri cabbaaya ama dhaqan xumo samaynaya kama ay dhex muuqan muuqaalka, waxaanan u arkaa in qaab kale oo ka wanaagsan looga falcelin karey, guddoomiyahana uusan sharciga gacantiisa ku fulinin ee waaxda baadhista iyo maxkamadaha la aado. Sida oo kalena aan Kaamera laga duubin, oo dhallinyartii taasi ay caqabad bulshada dhexdeeda ku noqon doonto gabadh iyo wiilba. Markaa aniga falkaasi iima cuntamin, qofku danbi wuu geli karaa, waxay se ahayd in wadiiqo sharci ah loo maro oo baadhis iyo xeer-ilaalin maxkamadayn leh la maro”.