‘Isbitaalkeenu wuxuu daawayn jiray boqolaal qof oo danyar ah maalinkii, hadda xitaa daawo uma heli karno’

Warbixin ay soo saartay hay’adda Amnesty International ayaa lagu sheegay in waaxda caafimaadka ee Soomaaliya ay marayso ‘xanuun badan’.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Soomaaliya aysan dhaqaalo ku filan ku bixinaynin caafimaadka, ayna yareysay qarashkii horay ugu qoondeysnaa caafimaadka.

Hay’adda ayaa sheegtay in lafagur ay sameeysay ay ku ogaatay in qoondada caafimaadkaee miisaaniyadda Soomaaliya si daran hoos loogu dhigay, iyadoo sheegtay in sanadkii 2023 dii ay ahayd 8.5% sanadkaan 2024 na laga dhigay 4.8%. Taas ayaa ka dhigaysa heerka dhimista miisaaniyadda caafimaadka ku dhawaad kala bar.

Hay’adda ayaa warbixinteeda ku tir: “Tani waxay su’aal galineysaa ka go’naashaha dalka ee sare u qaadista caafimaadka”.

Arrintaan ayaa imaaneysa iyada oo Soomaaliya laga cafiyay dayntii lagu lahaa, taas oo gaareysay 4.5 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, taas oo wax ka badal ku sameysay heer kaalmada ay helayaan adeegyada caafimaadka Soomaaliya ee ka imaaneysa deeqbixiyaasha caalamiga ah.

Saameyn nuucee ah ayay ku yeelatay adegga caafimaadka?

Isbitaalka Demartino ee ku yaalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxa uu ka mid yahay dhawr isbitaal oo ay gacanta ku hayso dawladda Soomaaliya, kaas oo adeegyadiisa ay ka faa’iideystaan kumanaan ruux oo danyar ah, sida uu sheegay Isbitaalku.

Agaasimaha isbitaalka Dr. Cabdirisaaq Jalaaludiin ayaa sheegay in tan iyo bilowgii sanadkaan ay la kulmeen saameyn xoogan oo kaga timid dhinac is dhimitaanka qoondadii dhaqaale ee dawladda ee caafimaadka.

Isbitaalka oo adeegyo bilaash ah siiya dad danyar u badan oo aan xitaa heli karin wax ay quutaan, ayuu sheegay in uu ku guul dareystay bixinta adeegyadii caafimaad ee ay siin jireen shacabka.

“Isbitaalku waa isbitaal wayn oo 300 oo sariir oo bukaan jiif ah leh, waxaa noo imaan jiray 700 ilaa 900 maalinkii oo bukaan socod ah…hadda 300 ilaa 400 oo qof ayaan qaabilnaa marka ay ugu badnaato,” ayuu BBC da u sheegay Dr Jalaaludiin.

Sababta ay isku dhimeen tirada dadka bukaanka ah ee ay qaabilaan ayuu ku sheegay in aysan heli karin adeegyadii caafimaad ee bilaashka ahaa ee ay dadka siin jireen. Tusaale ahaan, daawooyinka ayuu sheegay in ay dadka si bilaasha ah ku siin jireen balse haatan ay u sheegaan dadka in ay soo iibsadaan iyagu.

“Waxaa kale oo hoos u dhacay daryeelkii aan u bixi jirnay gurmadka dagdagga ah ee shilalka, maadaama tasiilaadka ay hadda u baahan yihiin…dakhli joogta ah aan u waynay,” ayuu Dr Jalaaludiin oo sii sharraxayay adeegyada haatan is dhimay.

Qalabyada iyo adeegyada caafimaad ee ay dhaqaale ku filan u waayeen ayuu sheegay in ay ka mid yihiin kuwa loo adeegsado in lagu xiro dadka uu naqas ku dhago, kateetarka loo xiro bukaanka marka uu xaaladaas galo iyo xitaa kaanoolka loo xiro qofka si uu qaato faleembooyinka iyo daawooyinka kalaba.

Arrintaan ayuu u aaneynayaa in dawladda Soomaaliya aysan qoonda fiican ka siinin caafimaadka miisaaniyadda guud iyo in barnaamijkii dayn cafinta Soomaaliya uu sababay in deeqbixiyaashu ay yareeyeen kabkii ay siin jireen waaxda caafimaadka ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Dr Jalaaludiin in ay bilowgii sanadka dalbadeen dhaqaale ay sare ugu qaadeen adeegyada caafimaad, kaas oo u suuragalin kari lahaa in ay soo iibsadaan qalab caafimaad, daawo iyo in ay qortaan shaqaale caafimaad oo ku filan lehna xirfado sare, balse aysan helin dhamaan waxyaabihii ay codsadeen.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo aan la xiriirnay si aan wax uga waydiino hoos u dhac dhaqaale ee ku yimid qaybta caafimaadka ee dalka ayaa BBC da u sheegtay in ay ka gaabsaneyso ka hadalka arrinkaan.

Dhanka kale wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo aan isku daynay inaan wax ka waraysano hoos u dhaca la sheegay in uu ku yimid qaybta caafimaadka ayaan noo suuragalin, balse su’aal qoraal ahayd oo ka waydiinay arrintaan ayuu si si kooban noogu jawaabay wasiirka wasaaraddu, isagu oo yiri: “Waxba isma dhiman”.

Dawladdaha Afrika ayaa horay ugu heshiiyay in ugu yaraan qoondada caafimaadka ee miisaaniyadda guud ee dalka ay noqoto 15%, balse Soomaaliya ayaa aad ugu hooseysa heerkaas sida wadajirka ah looga doonayo qaramada Afrika in ay gaaraan.

Dr Jalaaludiin ayaa qaba in canshuuraha laga qaado waxyaabaha caafimaadka wax u dhiba oo uu ka mid yahay maandooriyaha jaadka loo weeciyo dhanka horumarinta adeegbixinta caafimaadka, taas oo sida uu sheegay ah mid ay sameeyeen wadamo ku yaalla Bariga Afrika.