Maxay dadka dheer yihiin raggan ay dumarku u doontaan uurka?

Haweeney Jarmal ah ayaa tagtay magaalada Ladakh waxayna maalmaheedii ku qaadatay inay la sheekaysato nin u dhashay deegaanka.

Waxay halkaa u tagtay oo keliya inay uur yeelato, haddaba maxay tahay sababta ku kalliftay in ay dalkeeda kasoo safarto si ay xiriir ula sameyso nin kale oo ajinabi ah?

Sababta ayaa ah dadka deegaanka Brokpa.

Dooxada Indus ee magaalada Ladakh waxaa ku yaal tuullooyin lagu magacaabo Biama, Dah, Hanu iyo Darchik. Ilaa 5000 oo qof oo ka mid ah bulshada Brokpa ee deegaankan ku nool ayaa isku haysta inay yihiin 'dad nadiif ah'.

Kor u qaadista iyo faafinta xogtooda lagu baahiyay baraha bulshada ee macluumaadka ku saabsan dadkan Brokpa, ayaa gaaray meel kasta oo adduunka kamida. Waxaa la sheegay in haweenka ka yimaada dalalka caalamka ay halkaas u tagaan 'dalxiiska uurka'.

Haddaba haween ajaanib ah ayaa halkaas u taga iyagoo damacsan inay uur qaadaan, si ay u dhalaan carruur ka dhalatay qowmiyaddan loo yaqaanno Aryan-ka, iyagoo xiriir la sameynaya ragga deegaanka.

Hase yeeshee dadka Brokpa ma jecla in ay ka hadlaan waxyaabo badan oo iyaga ku saabsan, waxa ay ku didayaan sumcad xumo ku timaadda dhaqanka bulshadooda.

Sheekada 'Ubadka. Raadinta nadiifka ah'. Dokumentigan waxa sameeyay Sanjeev Sivan sanadkii 2007-dii.

Dukaanle ku sugan tuulada Batalik ayaa xogtan bixiyay isagoo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Dhowr sano ka hor waxaan malin dhan hoteel kula qaatay gabadh Jarmal ah. Intaa kadib waxa ay yeelatay uur. Dhawr sano kadib ayay ii timid si ay ii tusto wiilkii ay dhashay, ayey ahayd xogtii uu bixiyay.

Waa maxay astaamaha lagu garto bulshadan?

Bulshadani waxay isku tilmaamaan dad saafi ah, waxa ayna isku haystaan dad dhaqanooda ku ad adag.

Lhamo oo ah gabar ka tirsan beesha Brokpa ayaa tiri, “Waxaan ku soo koray oo aan maqalnay inaan nahay qowmiyad saafi ah, waxaa laga yaabaa inaad maqashay in qowmiyaddeena Aryan waa dad dhaadheer, waxaan ku dhaaranayaa dhaqankeenna, tani waxay cadeyn u tahay inaan nahay. 'bulsho saafi ah'."

Marka la barbardhigo Ladakh inteeda kale, wejiyada dadka Biama, Garakone, Darchik, Dah iyo Hanu waxay u muuqdaan kuwo aad u kala duwan.

Dhowr sano ka hor, cilmi-baaris hidde-raac ah ayaa muujisay in qowmiyaddan laga yaabo in ay ka yimaadeen dibadda si ay u noqdaan qaarad hoosaadka Hindiya.

Saamaynta dhaqanka uu ku leeyahay dadka Brokpa waxaa laga arki karaa caadooyinkooda.

Swang, oo kamida beesha Brokpa, waa macalin wax ka dhiga kulliyad ku taal Kargil. Waxa uu baarayaa qaabka uu ku yimid dhismaha Brokpa.

Waxa uu yirii, "Dhaqankeena waxa uu la xiriiraa dhaqanka kale ee Vedic, luqadeena sidoo kale waxaa saameyn ku leh Sanskrit.

Qaar ka mid ah taariikhyahanada ayaa sidoo kale cilmi baaris ku sameeyay arrintan. Taariikhyahan lagu magacaabo Franki ayaa waxa uu buug uu qoray oo lagu magacaabo 'History of Western Tibet’ kaga faallooday taariikhda qowmiyadda Aryan.

Marka la eego taariikhda dadka Brokpa waxay muujinaysaa dhowr waxyaalood. Awowayaashood waxay u haajireen gobolka Gilgit-Baltistan iyagoo ka yimid Galbeedka Himalayas qarnigii 7-aad. Hadda, goobtani waxay hadda ku taal Pakistan gaar ahaan dhinaca Kashmir.

Dadka Brokpa waxay qabanqaabiyaan xaflad la yiraahdo Bonona sannad kasta bisha Octobar. Xafladan ayaa lagu qabtaa tuulo kasta oo ay degan yihiin dadka Brokpa. Laakin qowmiyadda ku noolaa xuduudda i.e. ee Pakistan ayaa hadda aqbalay Islaamka. Markaa shaki ayaa ku jira in xafladan halkaas lagu xusayo iyo in kale.

Sidoo kale bulshada Brokpa waxa ay ku tiirsan tahay beeraha, qaar badan oo kamid ahna waxa ay ka shaqeeyaan arrimaha ciidamada, hase yeeshee jiilashooda mustaqbalka ayey ku qasbaan in ay bartaan dhaqankooda.

Tan iyo markii ay soo baxeen taleefannada casriga ah, heerkooda nololeed ayaa soo hagaagay. Iyaga oo adeegsanaya baraha bulshada, waxa ay sidoo kale kula xiriirayaan dadyawga bulshadooda ee ku nool xuduudka.

"Waxaan ku wada xiriirnaa kaliya lahjaddeena. Waxay kaloo ku faanaan inay yihiin qowmiyadda Aryans," ayuu yiri Lhamo. Sewang wuxuu leeyahay, "Inaad shaqo hesho adigoo ilaalinaya aqoonsigaaga waa caqabad weyn." Qowmiyaddaan saafiga ah ee qarniga 21-aad uma dagaallamayaan dawladnimada, laakiin waxay u dagaallamayaan inay helaan shaqo. Balse waxa ay sheegeen in aysan diyaar u ahayn in ay ka tanaasulaan aqoonsigooda shaqo.